Maansadan {kal xayasho} Waxay soo baxday 23/10/2012 waxay kahadlaysaa doorashada golaha degaanka JSL ee inagusoo foolleh

 



Xadaarada adduunkee
xidigaha mareysaan
isxasuuq dhexdeeniyo
weli xaabo shidanaa
xilli waxaynu joognaa
dadku kalaxayanayoo
xaqana lagu adimayee
Dawladnimadu xoog maaha
iyo xasarado joogto ah

*****
dadkuna xoolo maahoo
xuurto laguma hayn karo
waa laga xorooboo
xisbi lama cabudhin karo
yaan lays xagxaganinee
doorashadu xalaal iyo
ha ahaato xeelado
dawladuna xaqdhawriyo
xeer beegti daacada

*****
ha u fuliso xaajada
ceeb lama xambaartee
shacbiyohow xamaysani
kaa doonto xula oo
bulshayahay xodxodashiyo
xaaraan hawgu hawlgelin
ha xaasidin naftaadoo
aahee xaalku yuu noqon
xorbaad haatantahayoo
cidi kuma xidhaysee

*****
hayska lumin xaqaagii
doorta qaar xogtiina og
oon xoolo doonhayn
ka xalaala laaluush
xurmo iyo asluuba leh
u xammaala maatada
oon qabiil u xillanayn
berrey kula xumaaniye
ruux aan xishoonayn

*****
aakhiro anxaalayn
ka baqeyn xisaab adag
immikaba hasoo xullan
xaaraama quutaha
xusulduubka ugu jira
xaabsiga codkaagiyo
inuxeelad kugu dago
ha,uxaglin dhankiisee
kaxoree naftaadoo

*****
kaxayiro codkaagana
ruux aan xisaabtamin
wixii hore anxaaleyn
xero wacan mahelayee
bal-xusuuata dib uceli
tuugii kuxaday shaley
maanta inad xushmaysaa
xaaraan maqdaca iyo
waakuu xaarwalwaalnimo

*****
xarfo buugag lagu qorey
nin xafiday aqoonmaleh
xigmadi waata eebuhu
uxambaarsho aadmiga
bal-xasili kaskaagoo
maskaxda xoor kasiidaa
bal-xabaalahaa daya
inta geesi kuxayiran
een xotiisa la,ogeyn
xaalka uu kusuganyahay
shaleybuu xayi ahaa
xaasiyo carruurlahaa
xigto malaha maantana

*****
aad u dheehda xaajadan
waa xigmado ilaahay
innagana xusuusiyo
dhimashada xaqiiqda ah
oo noole xeer u ah
siduu xaakimkeen yidhi
waaldkaa xaq mudanoo
qalbigeyga ku xardhane
rabow naarta ka xoree
oo xigsii rasuulkiyo
nabiyaddii xulka ahaa

 

By:Maxamed Muxumed Ileeye (Suweys)