Maandooriyaha Qaadku Waa Isha Ugu Weyn Ee Musuqu Ka Yimaad W/Q: Cumar Axmed Cali

 


 



Ummad kasta oo ay la soo darsaan dhibaatooyin iyo dib-u -dhacyo saameeya nolosha bu lshadooda waxa tiir-dhexaad u sida u maamulaan geeddi-socodka waayahooda nololeed. Ummadna kuma hungowdo hamigeeda iyo himiladeeda haddii aanay asiibin aafo ka burbu risa aayaha iyo unugyaya ay bulshooyinku irkadaan.

Haddaba, waxa bulshadeena aafeeyay maandooriyaha qaadka, kaas oo ka weeciyay dha bbihii horumarka iyo hannaqaadka Ilbaxnimo lagu hodmo. Qaadku waxa uu sabab u yahay mushkilado taxanne ah oo midba mid ka sii daran tahay, kuwaa soo aanan halkan ku soo koobi karayn, laakiin waxaan marka hore si kooban u tilmaami doonaa masiibooyinka is ba rkan ee maandooriyaha qaadku ina dhaxalsiiyay, anigoo marka danbena haddii RABI idmo si guudmar ah isku dultaagidoonaa, sida qaadka iyo musuqu iskugu xidhan yihiin iyo dhib ta laga dhaxlo markuu dal bariinsado.

Maandooriyaha qaadka waa masiibo ku habsatay bulshada reer Somaliland, taas oo uur kutaalo iyo xannuunba kugu reebaysa, marka’ aad si dhugmo leh u eegto haadaanta iyo jarka aynu ka laadlaadno, haddii’se aan si guud u inshaaro sunta iyo waabayda ka soo bu rqanaysa maandooriyaha qaadka waxa ka mid ah;- Musuqmaasuqa iyo wax isdaba marin ta, sixir-bararka iyo dhaqaale xumaanta, tabcasho la’aanta iyo tamaro xumaanta, caddaa laddarada iyo eexda, cibaado la’aanta iyo caasinimada, dhaqan xumada iyo dhilaysiga, sin naan la’aanta iyo qaraabo kiilka, dawarsiga iyo damiir xumaanta, Fadhi ku dirirka iyo afmii shaaraynta, laaluushka iyo waji-ku-macaashka, warwarka iyo waalida, duminta qoyska iy o dayaca ubadka, dabargoynta Geedaha iyo duunyo la’aanta.

Haddaba, dhibaatooyinka uu qaadku ina baday laguma soo koobi karo maqaal iyo labotoo na waxay’se u baahan tahay in si xeel-dheer cilmi-baadhis loogu sameeyo dhibta uu ina gaadhsiiyay inta ay le’eg tahay.

Laakiin immika waxaan u socdaa in aan farta ku fiiqo, in maandooriyaha qaadku sabab u yahay dib-u-dhacyo fara badan oo maanta bulshadeenu u dhutinayso, kuwaa soo dhaba r-jab iyo dhiig-baxba ku ah koritaanka dhaqaale ee waddankeena.

Ugu horayn, bulshadeenu waa sabool aan haysan wax kafeeya baahiyaadka dhaqaale ee ku xeeran. Dadka xooga leh ee shaqada u diyaarka ahina inta badani waa bilaa camal aan haysan wax shaqo ah oo ay noloshooda ku dabaraan, inta shaqada haysaana ma helaan wax daboola baahida ku gedaaman guryahooda. Iyadoo haddaba, xaalku sidaasi yahay, ayay inoogu darsantay ku walfida balwada qaadka taa soo u baahan dakhli dheeraada oo maalinle ah.

Dadka caadaystay cunitaanka qaadku waxay u baahan yihiin lacag xad-dhaaf oo ay maal in kasta ku qayilaan, qofku markuu ku mamo balwada qaadka waxa la soo darsa baahi ka badan tii aasaasiga ahayd ee qofka aadamaha ah u baahnaa, waxaannu yeeshaa hamuun iyo walaf badan oo aan xadlahayn, taas oo ku riixda in uu ka waaban, waayo meelkasta oo aan munaasib ku ahayn qofka damiirka leh.

Markay qofkii balwada lahaa iskugu darsamaan baahdiisa oo badan iyo dakhligiisa oo yar, waxay taasi sababtaa in qofkii shaqaalaha ahaa ku mashquulo sidii uu u heli lahaa lacagtii uu maanta ku qayili-lahaa, markuu wixii yaraa ee uu haystay masaariiftii iyo qayil ugu qay bsami waayaan waxa uu faraha la galaa musuqmaasuq iyo wax isdaba marin, isla markaa na waxa uu ku tagrifaa masuuliyaddii lagu aaminay, waxaannu ku xad-gudbaa hanti umma deed amma mid gaar loo leeyahayba.

Si kastaba ha ahatee, maandooriyaha qaadku waa masiibo sida xannuunada faafa ugu ka la gudba bulshada dhexdeeda, waxayna taasi keentay in ay dhibtiisu shacabka wada saa mayso. Maanta bulshadeena intii xooga lahayd waxay ku hafteen balwda qaadka, taa soo sabab u ah dib-u-dhacyo fara badan oo qarakeena ka muuqda, waxa kaloo ka sii daran qofka qabatima balwada qaadka waxa uu maalinba maalinta ka danbaysa ku sii durkaa in uu gacanta la galo wax aanuu lahayn, waxaannu ku danbeeyaa in ay iskugu mid noqdaan wixiisa waxa kale.

Haddaba, marka shaqaalaha waddanku leeyahay ku ibtiloobaan musuqmaasuqa iyo wax isdabamarin, waxa laga dhaxlaa mushkilado murugo leh oo midba mid ka xannuun badan tahay, waa ta koobaade; waxa AYAX ku habsadaa Ilaha dhaqaale ee waddanku leeyah ay, isla markaa waxa yaraada koboca dhaqaaluhu samaynayo, waxay bulshadu madaxa la gashaa baahi joogta ah iyo wax la’aan, waa ta labaade; waxa yaraada sharafta iyo kara ada aad caalamka ku dhexleedahay, waa ta sadexaade; waxaad u nuglaataa faragalinta dawlaha shisheeye ku hayaan dalkaaga, waa ta afraade; waxa badata eexda iyo kala saraynta bulshada dhexdeeda. Waa ta shanaade; waxa kordha carruurta waxbarashada ka tagaysa iyo dibjirka Suuqa meehanaabaya, waa ta lixaade; waxa laga tallaabsadaa sh uruucda iyo mabaadi’da lagu heshiiyay nin walibana waxa uu gacanta ku qaataa sharciga, waa ta todobaade; waxa Bulshada dhexdeeda ku bata dulmiga iyo caddaaladdarada, waa ta sideedaade; waxa bulshada dhexdeeda ka abuurma khilaafyo joogto ah, waxaana siya ada iska hor’imaadka iyo isa’seega bulshada, waxa dhaawacma wadajirka iyo is aaminka, waa ta sagaalaade; waxa bulshada ku faafa dhaqan xumaanta iyo fasahaadka, waxa dha awacma qiyamka iyo sharafta Islaamnimada, ta tobnaade; ugu danbaynta nolosha ayaa cidhiidhi ku noqota bulshadaa, waxaanay madaxa la gashaa cuqubooyin isdabayaal, sida abaaraha, cudurada, daadadka, duufaanada, colaadaha, sixir-bararka, iwm. Haddaba toll aw caqli ma leenahay aynu kaga tashano maandooriyaha qaadka?.

 



Cumar Axmed Cali,
cumaraxmed331@gmail.com
Tel: 0634244802.