Maamulka Hotel-ka Summer Time oo Xaflad Hadhimo sharafeed ah ku soo Dhaweeyay Taliyaha Cusub ee Madaxtooyadda S/land Gen.Faysal Kaamil Ciise.

 



 

Hargeisa (TNN)-Maamulaha Hotelka Summer Time ee Magaaladda Hargeisa Mudane Siciid Sh. Cumar ayaa Maanta Xaflad Qaddo Sharaf ah ugu Sameeyay Huteelkiisa Taliyaha Cusub ee dhawaanta loo magacaabay Ciidanka Madaxtooyadda Somaliland General Faysal Kaamil Ciise.

Munaasibadaasi Qadada oo ahayd mid lagu maamuusayay Maamulka Cusub ee madaxtooyadda  ayaa  wax aa kale oo ka soo qayb galay Madaxa Iibka ee Shirkadda Telesom C/wahaab Maax, Mulkiilayaasha  Macrad dada Baabuurta ee Good iyo iyo Xidig iyo Marti sharaf kale oo tiro badan oo isugu jira Aq oonyahano iyo Ganacsato.

Taliyaha Cusub ee Madaxtooyadda Somaliland Faysal Kaamil Ciise oo uu dhawaan soo magacaabay  Madax waynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa uga Mahad celiyay  Mulkiil aha Huteelka Summer Time Mudane Siciid Sh.Cumar Soo dhawnta iyo Qado sharafta uu ku  Maamuu say Xilka Cusub ee loo Magacaabay isaga oo Xusay in Hotel-ka Summer Time oo Sharaf iyo Amaan faro badan u hayo sida  w anaagsan ee ula macaamilo Masuuliyiinta iyo macaamiishiisa kaleba.

Maamulaha Summer Time Siciid Sh.Cumar iyo Dadwaynihii kale ee ka qayb galay Casuumadda lagu  soo  dh awaynayay Taliyaha Cusub ee madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland ayaa ugu Duceeyay in illaahay u fududeeyo Xilka loo igmaday.

Taliyaha Ciidanka madaxtooyada Gen. Faysal Kaamil oo ka mid ahaa Dhalinyadda iyo Masuuliyiinta  Macaa miisha Hotel-ka summer Time gaar ahaana Kooxda Tareenka Summer-ka oo ah goob la isu  way daarsado doodaha iyo kaftanka wakhtiyadda Cawayska.

Gen. Faysal kaamil waa Shaqsi furfuran oo ku dhex jira Dhalinyaradda, Aqoonyahanka iyo Dadka  wax  gar adka ah, waana Shaqsi dad la dhaqan wanaagsan, isagoo lagu xasuusan doono sidii uu  bulshada  dhaliny arta u maaweelin jiray, markaana hogaamin jiray dood cilmiyeedyo la isku waydaarsan jir ay golaha  Tare enka Summer Time.

Dhalinyarro badan oo ka mid ah Aqoonyahanka Somaliland ayaa aad usoo dhaweeyay Xilka loo  magacaa bay Faysal kaamil Ciise, iyaga oo xusay in uu ka soo bixi karo xilkaasi, illaahayna uga baryay  inu u ku  ast uro xilka culus ee uu u qaaday qaranka Jamhuuriyad Somaliland, muujiyona daacadnimo iyo dhexdhexaad sidii hore looga bartay Faysal Kaamil.

Qadado sharaftani ayaa ah tii ugu horayay ee loo sameeyay Gen. Faysal tan iyo intii loo soo  magac aabay xilka oo aanay kasoo wareegin mudo todobaad ahi.

 



Mustafe Future
Timacade News Network TNN
Hargeisa Somaliland
mccfuture@hotmail.com