Maamulka Heer Gobol iyo Heer Degmo ee gabiley oo uu We he liyo
Sh.Aadan siiro ayaa Manta Dhagax Dhigay Guri loo Dh isayo Qoys
curyaamiin ah oo ku Nool Magaalada Gabiley
Sheekh Adan siiro oo halkaasi ka Hadley ayaa dadweynaha reer gabiley
ku dhaliiley isku duubani la,aan iyo wada tashi la,aanta........
Gabiley (TNN):- Badhasaabka gobolka gabiley yusuf ibraahin geedi,
maayerka degmada g abiley shucayb maxamed muuse, xildhibaan mahdi
maxamed xaashi, oo uu weheliyo Sh. A a dan maxamuud xiirey(aadan siiro)
ayaa manta dhagax dhigay guri loo dhisayo qoys cur yaamiin ah oo, oo
danyar ah oo ku nool gudaha magaalada gabiley, waxaaney warbaahinta
kula hadleen halka guriga la bineynayey.
Ugu horeyn waxaa halkaasi ka Hadley Gudoomiyaha gudida dhul xil
mahad maxamed xaas hi, waxaanu ka dhawaajiyey inay aad usoo dhaweyna
yaa isla markaan ay kaalintoodii kaga soo hagaagtey ay bixiyeen,
ilaahay ugu baryayo inuu caafiyo, dadweynaha ka cod sadey inay
walaalohooda soo caawiyaan.
Maayerka degmada gabiley shucayb maxamed muuse oo halkaasi hadal
kooban ka jeediy ey, ayaa ka dhawaajey inay qayb weyn ka qaateen
hawshan, waxaanu u mahadceliyey sheekh adan siiro waxaanu yidhi “
waxaneynu manta joognaa jagadii ay dawlada hoose u iibisay qoskaa
curmaayiinta ah ee reer gabiley, runtii may soo iibsan xanuunka ee
inaga ayaa la inagu eegayaa, sh.aadan siiro aad iyo aadbuu ugu
dadaaley qoyskaasi walaalaha ah, waxaan u mahadcelinayaa gabadhii
deeqdan soo dirty, ka dawlada hoose ahaan wixii ka raakayaga ah
waxaanu u qabaneynaa, waayo xil culus ayaa naga saran,waa umadii
nasoo loodatey.”ayuu yidhi maayerku
I
Sheekh Adan siiro oo halkaasi ka Hadley ayaa dadweynaha reer gabiley
ku dhaliiley isku duubani la,aan iyo wada tashi la,aanta, waxaanu
cod dheer ku sheegay ina qoyska cury aamiinta ah la caawiyo waxaanu
yidhi “ walaalayaal ilaahay baa mahad leh , manta waxa ynu joogaa
halkii qoyska curyaamiinta ah looga dhisayey ee maayerka gabiley u
iibiyey qoyskaasi, inantii lacgtan soo dirty lacagta waa gabdh u
dhalatey dalka imaaraadka, wax aan lacagta kazoo qaadey gabdh reer
Somaliland ah lacagtaasi waxay dhan tahay $270 0, waxaan u mahad
celinayaa maayer shucayb oo runtii hawl badan naga furtey waxaan
ilaahay ilaahay miisaanka xasanaadka ha ugu daro.” Ayuu yidhi sheikh
aadan siiro
Gabogabdii waxaa halkaasi ka Hadley badhasabka gobolka gabiley
yuusuf ibraahin geedi, waxaanu u mahadcelyey gabadhii deeqdan
lacageed usoo dirty qoyskaa curryaamiinta a h waxaanu yidhi “
walayaal runtii waa arin lagu farxo,qoyskaa walaalaha ah ee
curyaami inta ah , waa saqo jaariya, waxaanu u mahadnaqayaa maayerka
iyo gulihiisa deegaanka ee hawshan hirgalinteeda ka qayb qaatey.
Timacade News Desk
Gabiley ,Somaliland
|