MAAMULKA GUUD EE XISBIGA KULMIYE EE USA OO ISKU BEDEL XIL SAMEEYAY

 

 

KULMIYE UNITED STATES OF AMERICA

BISHA: SIDEEDAAD 29, 2017

UJEEDO:- ISKU BEDEL XIL SAMEEYAY

KU: Enjineer Farhan Ahmed Mahamoud

OG: Guddiga Fulinta Xisbiga Kulmiye North America

OG: Hogaanka Xisbigaa Kulmiye North America

OG: Gudoomiyayaasha Laamaha Xisbiga USA

OG: Xarunta Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Hargeysa S/Land

OG: Xoghayaha Guud Xisbiga Kulmiye Hargeisa S/Land

 

Markaanu Aragnay xaalada siyaasadeed ee Xisbiga kulmiye ee Mareykanku ku sugan tahay waqtigan xaadirka ah. Iyadoo Gudoomiye ku xigeenkii Mareykanku Mudane Cabdisalaan Baruud Jamac, ka bilaabay in uu la safto koox doontay in ay kala qaybiyaan taageerayaashii xisbiga ee Washington dc iyo barigeeda. Ka dib markay dacwada ka soo gudbiyeen gudida guud ee Washington dc iyo barigeedu.

Gudoomiye ku xigeenku isagoo baal maray shaqadii loo magacaabay oo ahayd ka warhaynta laamaha xisbiga ee USA.

Hadaba sida ku cad Qodobka 13aad, farqadiisa ( B,J,X iyo KH) ee Dastuurka Xisbiga Kulmiye annagoo tixraacayna qodobkaasi iyo xeerkaas kor ku xusan, ku dhaqanka iyo fulintooda, loona baahan yahay in loo hogaansamo.

Waxaanu garanay Mudane Cabdisalaan Baruud Jamac, in aanu xilkii ka wareejino ahaa G/ ku xigeenka Guud ee dalka Mareykanka. Waxaanu kaga mahadcelinaynaa mudadii aad xilkaa Haysay.

Waxaanu xilkaa G/ ku xigeenka guud ee mareykanka, u garanay in aanu ku wareejino. Mudane Injineer Farhan Ahmed Mohamoud, laga bilaabo tariikhda kor ku xusun.

 

 

ALLAH MOHAD LEH

 

Gudomiyaha Guud ee Musdanbeedka North America

ANIIS CABDILLAHI CIISE

Gudomiyaha Guud ee Mareykana

AXMED CABDI JAMAC