Maamulka Gobolka Gabiley oo xabsiga u taxaabay Wariyi hii Telefishanka SOMSAT ee Gobolka Gabiley, Maxamed Sheekh Xasan ( Jubba)

 


Gabiley (TNN):- Maamulka Gobolka Gabiley, ayaa xabsiga u taxaabay Wariyihii Telefishanka SOMSAT ee Gobolka Gabiley ,Maxamed Sheekh Xasan (Jubba) .

Xadhiga Wariyahan ayaa ka dambeeyaay ka dib markii uu  baahiyaay war ay xukuumadu dhibsatay,   oo ahaa dhacdo  magaalada Gabiley lagu gubay Calankii Xisbiga Kulmiye.Ilaa im imika ,waa weriyihii labaad ee xukuumadu xoriyadiisii distooriga ahayd ka qaado, waxana maalinti shalay la xidhay Wariyihii  HCTV ee Gobolka Gabiley, Mukhtaar Nuux Ibrahim.


 



Timacade News Desk
Gabiley,Somailand