MAAMULKA DUGSIGA SARE EE ILAYS OO MUNAASIBA CASHO SHARAF AH KU SII SAGOOTIYAY ARDAY KA BAXDAY DUGSIGA OO DEEQO WAXBARASHO UGU TAGAY DALKA DIBADIISA
 


Hargeysa (TNN)-Maamulka Dugsiga sare Ee Ilays oo uu wehelinayo Guddoomiyaha qaybta waxbarashada ee  d aladda Masno Foundation ayaa kulan casho sharaf ah waxay u sameeyeen ardaydii ugu sarraysay Guud ahaan qaranka jamhuuriyadda Somaliland Imtixaanaadkii ugu danbeeyay kuwaas oo ka soo baxay dugsiga sare ee  Il ays isla markaana 8 ka midi ay fursado waxbarasho ugu baxayaan Dalka sudan, hal ardayna uu fursad  waxbar asho oo uu ugu deeqay baanka islaamku dugsigan ilays ugu bixi doono dalka Bangladesh.Kulankaas casho sharafta ah oo ka dhacay Hotel City Center ayaa waxa uu ahaa mid ku ay mas’uuliyiintu kula dardaarmayeen isla markaana ugu hoga tusaalaynayeen ardaydooda dadaalka muujisay ee dalka dibadda uga bixi doonta .

Ugu horrayn waxa halkaasi ka hadlay Xoghayaha dugsiga sare ee Ilays Mr C/risaaq Jaamac Nuux (Shariifka) oo ka warramay dadaalka ay ardaydu muujiyeen isagoo ilaahay uga rajeeyay inuu ku guuleeyo inta uga hadhay halganka ay ugu jiraan aqoonta. Xoghayuhu waxa uu tilmaamay in aanay ahayn markii ugu horaysay ee ay  ar day noocan oo kale ah ay u baxaan dalka dibadiisa si ay wax uga soo bartaan balse sanadihii ugu danbeeyay oo dhan ay jirtay buu yidhi arday intan leeg iyo kuwa ka badan oo u bixi jiray dalal kala duwan, Shariifku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in ardayga u baxaya dalka Bangladesh C/laahi Xasan Cadnaan uu  yah ay ardaygii ugu sareeyay guud ahaan jamhuuriyadda Somaliland isla markaana fursaddan uu ka helay Baanka islaamka oo had iyo jeer ardayga ugu sareeya dugsiga sare ee ilays ugu deeqda Jaanis waxbarasho oo  schola rship ah waana markii shanaad ee baanka islaamku fursadan siiyay dugsiga Ilays Iyadoo afartii arday ee ka horeeyay ay haatan ku sugan yihiin dalka Urdun oo ay ka bartaan culuumta caafimaadka. Sidoo kale waxa uu tilmaamay xog hayuhu in dalka sudan ay sanad walba ka helaan tiro ugu yaraan 10 arday ah oo ay u diraan dalkaasi sudan balse sanadkan ay kala mid ahaayeen ardaydii ay wasaaradda waxbarashadu u soo saartay fursadaha waxbarasho ee sudan. Udu danbayntii waxa uu sheegay shariifku in ay maamul ahaan ku rajo wayn yihiin mustaqbalka dhaw sidii ay fursado kuwan ka badan ugu raadin lahaayeen ardaydooda dadaasha.

Intaa ka dib waxa hadalka la wareegay Maamulaha dugsiga sare ee Ilays Sh. C/raxmaan Aw Axmed Cabdi. Wa xa uu ugu horayntii u hambalyeeyay ardayda guusha ay gaadheen isagoo muujiyay inay aad ugu faraxsan  yi hiin maamul ahaan in ay ardaydoodu halkaa gaadho, waxa uu maamuluhu aad ugu nuux nuuxsaday faa’iidada ay aqoontu u leedahay horumarka qaranka iyo muhimadda ay ku dhex leedahay diinta islaamka taasi oo ku  til maamay in ilaahay markii ugu horaysayba uu rasuulkeena muxamed (SCW) ku soo dajiyay aayaadkii ugu  horre eyay oo salkoodu ahaa aqoonta iyo inuu wax akhriyo taasina ay muujinayso heerka aqoontu ka taagan tahay diinteena suuban ee islaamka.

Maamuluhu waxa uu aad ula dardaarmay ardayda inay ka fogaadaan dhamaan wixii wax u dhimaya  hayaanko oda aqooneed iyo higsiga mustaqbal fayow oo lagu taamo.

Waxa isaguna halkaa ka hadlay Guddoomiyaha qaybta waxbarashada ee Dalladda Masno Foundation Sh. C/rax maan Ismaaciil (C/raxmaan Khayre) waxa uu mas’uulkaasi aad ugu dardaaray ardayda in ay ku ekaadaan ka midho dhalinta higsigooda ay uga hayaameen dalkooda hooyo oo aanay isku mashquulin waxyaabaha in badan oo ka mida ardaydii la filka ahaa mashquuliyay oo ay ka mid tahay tahriibta taasi oo uu ku tilmaamay Khayre in arday badan oo u dhawayd qalinjabitooda ay ku lumeen tahriib iyo wixii la halmaala isagoo ardayda ku  booriya y inay ku dadaalaan aqoontooda taasina ay keeni doonto in iyagoo magac leh ay meel walba mari karaan, wax a kale oo uu xusay C/raxmaan Khayre in ay marwalba soo dhawaynayaan Masno ahaan ardayda dadaasha lana garab taagan yihiin wixii horumarin ah ee ay u baahan yihin.

Maamule ku xigeenka dugsiga Sare ee Ilays Mr Cali Diiriye Dugsiiye ayaa isaguna ardayda ku dardaaray inay is ku duubnaadaan oo ay noqdaan qaar is haysta kuna midooba walaaltinimada ilaahay iyo tan ay wax ku soo  wa da barteen isla markaana aan cidi loodin Karin wada jirna ay ku meel mari doonaan, waxa uu sidoo kale  tilmaa may inloo baahan yahay in ay soo baxaan arday dhinac walba ka dhisan oo dhinaca akhlaaqda iyo aqoonta ma adiga ahba xambaardsan hadii kuwaas la helana dalku uu rajo wanaagsan yeelan doono.

Guuleed Ibraahim Yuusuf iyo C/laahi Xassan Cadnaan oo ah ardayda safarka waxbarasho u baxaysay ayaa  iy aguna dareenkooda halkaa ka muujiyay aadna uga mahad naqay masu’uuliyiintooda dhiirigalinta ay la daba joogaan iyo sidii fiicnayd ee ay u soo gacan qabteen waxaanay Ilaahay ka rajeeyeen in ay dalka ku soo noqon doonan iyagoo guulaystay isla markaana anfacaan dalka iyo diinta iyo dadkaba ..



waxaanu kulankaasi ku soo gabagaboobay jawi aad u qurux badan isla markaana mas'uuliyiintu ay aad ugu  ho gatusaaleeyeen uguna duceeyen ardaydaa in ilaahay ku guuleeyo jidka iyo himilada ay u banbaxeen..


 


Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqale_88@hotmail.com
Hargeysa Somaliland