Maamulka Degmada Wajaale oo Dadwaynaha Ugu Baaqay inay Hantida Maguurtada ah Sharciyaystaan

 

Wajaale (Longlivesomaliland News)Masuuliyiinta Degmada tog wajaale ayaa ugu baaqay shacbiga reer wajaale hantida ma gurtada ku leh magaaladaasi inay sida ugu dhakhsaha badan u sharciyeystaan hantidooda

Gudoomiyaha Degmada Tog-wajaale Maxamud Muxumed (Maxamud Wanyne) ayaa isagoo arintaasi ka hadalaya wuxuu yidhi “dhismayaasha magaalada wa jaale ku yaala may lahayn sharci mana sharciyaysnen isla markaana may laha yn town plan rasmi ah, sidaadarteed waxa aan samaynay nidaam casri ah oo internetka laga helayo kaasi oo imika laga bilaabo uu qof kastaa si dhib yar u ogaan koro halka uu dhisme kastaa kaga yaalo magaalada taas oo yarayn doo nta is qabsigii dhulka ee muranka badan ka dhalan jiray.

Sidaa darted waxaa dad waynaha ka codsanayaa inay hantidooda ma guurta da ah sharciyaystaan ,kharashka yar ee aan dadka ka qaadaynaa waa mid ay ku shaqaynayaan dadka hawsha fulinaya waana qiime aad u jaban” ayuu yidhi Maayarku.

Dhinca kale xoghayaha magaalada Wajaale Cabdi Abiib Warsame ayaa isaguna dadwaynaha ugu baaqay inay hantidooda sharciyaystaan , isaga oo u sheega y in aanay dawlada hoose ee Wajaale hanti ku urursanayn balse ay iyaga u danaynayaan waxaanu yidhi

“waxaan dadwaynaha reer Wajaale u sheegi lahaa in sharciyeynta hantidu uu yahay mid inoo wada dan ah waayo dhulkii la isku qabsan lahaa ayaa meesha ka baxaya waana nidaam magaalada qurxinaya anagu isma lihin dakhli ha idi nka soo galo ee magaalada uun baanu u danaynaynaa , oo aanu qurxinaynaa , waana waxba kama jiraan hadalada suuqa la galiyey ee la leeyahay dawlada hoose hanti bay urursanaysaa” .

Dhinaca kale waxa baryahan dambe jiray khilaaf xoogan oo u dhexeeyey  Gudo omiyaha iyo xoghayaha, taasi oo khilaafku gaadhay halkii ugu saraysay  todob aadki hore,hase ahaate mar aanu isku daynay in aanu gudoomiyaha iyo  xog hayaha wax ka waydiino khilaafka labadooda ka dhexeeya ayaa labada masuul waxay ka gaabsadeen inay ka hadlaan khilaafkooda .

Hase ahaate mar aanu la kulanay qaar ka mid ah gudida iyo odayaasha  maga alada ayaa xaqiijiyey jiritaanka khilaafka u dhexeya gudomiyaha iyo xoghaya ha Wajaale taasi oo ay ku tilmaamen arin aan loo bahnayn .

Oday Cabdi Saleebaan Xasan oo ah Gudoomiye ku xigeenka Gudida odayaasha Wajaale isla markaana ka mid ah Gudida Waxbarashada Magaalada ayaa ka digay cawaaqibka uu leeyahay khilaafkani ku keeni karo degmada Wajaale wax aanu yidhi

“Magaalada Wajaale waxa lagu tilmaamaa inay tahay Dekada Qalalan ee  soom aaliland waana isha labaad ee ugu dhaqaalaha badan dalka hadana degmadu way ka aradan tahay dhamaan adeegyada bulshada sida biyaha, caafimaadka iyo wadooyinka hadana imika oo maamul cusub la keenay degmada ayaa waxa soo dhex galay khilaaf u dhexeeya xoghayaha iyo gudoomiyaha kaasi oo  dhiba atada ku sii kordhinaya degmada.

Anigu inta aan ka ogahay khilaafka waxa jira in Xoghayaha degmadu uu u mu uqdo nin cid kale u shaqaynaya oo aan dan ka lahayn degmada, waana nin  la ga soo magacaabay Degmo kale, teeda kale waa nin kii 58 milayn shilin ka luns aday degmada ee isagoo katiinadeysan laga qaaday magaalada Wajaale mark aa khilaafka waxaa abuuraya xoghayaha .

Si kastaba ha ahaate dadwaynaha reer Wajaale ayaa walaac ka muujiyey  deg mada taas oo intooda badani ay farta ku fiiqayaan in Xoghayaha Wajaale uu sal u yahay abuurista khilaafka taagan”.

Magaalada Wajaale oo ku taala xuduudka kala qaybiya soomaaliland iyo itoo biya,  isla markaana ah magaalo ganacsigeedu uu aad u camiran yahay ayaa hadana waxay dad waynuhu ka cabanayaan in aanay haysan adeegyadii ay u baahnayeen sida biyaha , Caafimaadka, waxbarashada, wadooyinka oo burbu rsan iyo arimo kale.

 



Abdirisaaq Maxamud Aw Daahir
(C/risaaq Dhago)
Longlivesomaliand News Reporter
Wajaale Office/Somaliland