Maamulka Shabakada Timacade News iyo Shiine Cali Muse oo caawimo u fidiyey qoys Somalilander ah oo dhibaataysan
Hargeysa (TNN)-Xabiiba Jaamac Caynaashe,waa Hooyo waayeel ah, oo haysata Saddex wiil oo ay dhashay,dhammaantoodna maskaxda ka xanuunsanaya, dhibaatana ka haysato daryeelkooda,noloshooda,aan haysanna hoy fiican ,oo ay roobka, dhaxan ta iyo cadceeda kaga gabadaan!. Nabigeenii suubana ee Maxamed (CSW) ,waxaa ka sugan inuu yidhi "Dadka ahlu iimaanka ah,waxay ka dhigan yihiin sidii hal jidh oo kale." Walaalkaaga dhibaatadu haysato, waa inaad ka xanuunsato,la qaybsato,ka damqato,ka murugooto,ilaahay dartiina a ad ugu sara kacdo. Maamulka Shabakada Timacade News iyo Shiine Cali Muse,ayaa ilaahay dartii caawimo ugu fidiyey Hooyo Xabiiba Jaamac Cayn aashe,dhibaatada haysata awgeed.Weriyaha Timacade News, ee magaalada Hargeysa,Guuleed Muxumed Ibrahim,oo isagu De eqdaas gaadhsiiyey, ayaa warkan innooga soo diyaariyey :-
|