Maamulka iyo dadweynaha magaalada Tog-wjaale,oo hambalyo iyo taagero u diray Madaxweynaha Somalil and,go'aakii uu ka qaatay Wasiiradii is casiley

 


 

Tog-wajaale (TNN) :- Maamulka magaalada Tog-wajaale,oo uu hormood ka yahay Mayor Ad an Shiine iyo dadweynaha degan Tog-wajaale,oo hambalyo iyo taageero laxaad leh u diray Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland,Mujaahid Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo),g o'aankii geesinimada lahaa ee uu ka qaatay Wasiiradii is casilay

Bulshada degan magaalada Tog-wajaale,oo isugu jirta cuqaasha,salaadiinta,aqoonyahanka, haweenka,baayac mushtarka iyo dhalliyarada,ayaan u kala hadhin taageerida iyo hambalyey nta Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalilnd,Axmed Siilaanyo.Magaalada Tog-wajaale,ayaa ahayd magaaladii uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu ka helay codkii ugu badanaa, xilligii do orashadii madaxweynaha ee sannadkii 2010.

Madaxweynaha Somaliland ,Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),ayaa ballan qaadyadii uu xilligii dooraashada u sameeyey reer Tog-wajaale,dhammaantood u fuliyey, mashaariic waa weyn ,oo wax ku ool ahna ka fuliyey,sida jidadka,xarumaha caafimaadka,garoomada ciyaara ha,biyo galintii oo hadda faraha lagu hayo iyo mashaaric badan oon la soo koobi karin.

Waxaa iyana xusid mudan in Mayorka xilligan ee magaalada Tog-wajaaleh ,Adan Shiine,uu ka mid ahaa masuuliyiinyii xisbiga Kulmiye ,ee tacabka iyo waqti badan ku bixiyey doorashadii m adaxweynaha ee sannadkii 2010, ee uu ku guuleystay Mujaahdi Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

 




Timacade News Desk
Tog-wajaale,Somaliland