Maamulaha Madaarka Berbera Oo Sheegay Inay Ka Faa’iiday sanayaan Kacdoonnada Dalalka Carabta

 


“Waxaanu Doonaynaa In Ha’yada Qarammada Midoobay Ay Bakhaaro Ka Sameystaan Madaarka Berbera”
 

Berbera (TNN)- Maamulaha Garoonka diyaaradaha ee magaalada BerberaAxmed Maxamed Cawaale, ayaa shaaca ka qaaday inay qorshaynayaan sidiiMadaarka Berbera u noqon lahaa mid caalamiya oo ay ShirkadahaKaargooga keena iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay ka samaystaanBakhaarro ay ku kaydsadaan, isla markaana ka qaybiyaan Shixnadaha ay geynayaan dalalka Somaliland la jaarka ah. Waxaanu Maamuluhu xusay inay si muuqata uga faa’iidaysan doonaan kacdoonna ka socda waddam mo badan oo Carabta ka mid ah oo Shixnadahaas laga soo daabuli jiray.

Waxa uu sheegay Maamulaha Garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera inay si weyn u  qalabee yeen qaybaha kala duwan ee Garoonka, isaga oo xusay inay sameeyeen qaybo loogu tallo-galay  da dka dhoofaya iyo kuwa diyaaradaha ka soo degaya, isla markaana ay aad u adkeeyeen guud  ahaan na nabadgalyada Madaarka. Waxaanu intaa ku daray inay hadda wadaan qorshe cusub oo lagu ball aadhinayo adeegyada garoonka.

Axmed Maxamed Cawaalle, oo uu weheliyo Ku-xigeenkiisa Caydaruus Aadan Gaaruf, ayaa  kawar  bi xiyey sida ay u shaqeeyaan qalab dhawaan lagu xidhay garoonka oo loogu tallo-galay in ammaanka lagu sugo.

“Waxaan jecelahay habkan electarooniga ah ee aannu samaynay sharraxaad ka bixinno, Waxaannu Garoonka ku xidhnay Kamarado sawir iyo codba duubaya wax kasta oo ka socda garoonka, waxa la yidhaahdaa, sannad kadib ama laba sano ka dib iyo in ka badan ayaa haddii loo baahdo dib loo  dhag aysanayaa oo loo daawanayaa codadka iyo muuqaallada ay Kamaradahaasi qabanayaan, waana  qa lab aad iyo aad u muhiim ah oo lagu ogaan karo dhaqdhaqaaq kasta oo uu samaynayo qofka  agaga arka garoonkajooga hadduu qofkaasi gudaha ku jiro iyo hadduu dibadda garoonka ka ag-dhow  joo ga-ba. Waxay duubayaan wax kasta oo uu qofku ku hadlo, wax kasta oo uu sito ayey sheegayaan iyo xubin kasta oo uu dhaqaajiyo,xattaa hadduu xoqanayo, muddo shan sannadood ah ayaanay  qal abkani kaydinayaan macluumaadka,” Sidaa waxa yidhi Maamulaha Garoonkadiyaaradaha ee   magaa lada Berbera Axmed Maxamed Cawaale oo waraysi siiyey Tifaftiraha Shabakadda Berberanews  Max amed Siciid Cabdillaahi(Xarrago) oo safar shaqo ku joogay magaalada Berbera maalmihii u dambeey ey.

Maamulaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhin “Imika haddii nin argagixiso loo haystaa laba sano ka hor garoonkan socdaal ku maro oo laba sano ka dib loo baahdo ama in ka badan ka dib, waxay  s oo saarayaan dhammaan macluumaadkii qofkaas,dhaatada Keydsan markaan u baahdo inaan  baad ho Falaashtayda intaan ku qaato ayaan gurigayga ku soo baadhan karaa, markaa waa qalab wax badan fududaynaya, isla markaana lagaga bixi karo baahi weyn oo innaga haysatay habka ammaa nka garoommada diyaaradaha. Waxaanu imika garoonka Berbera la mid yahay kuwa caalamka sida Garoonnada Dubai oo kale iyo kuwo la midka ah ammaan ahaan iyo adeeg ahaanba.”

Waxa kale oo uu intaasi ku daray “Socdaalka saddex Gaydh baannu u samaynay, dadka soo  degay ana saddex Gaydh ayaannu u samaynay.Qofka diyaaradda raacaya iyo ka soo degaya goobaha lagu baadhayowaannu kala qaybinnay, qofka soo degaya marka Gaydh 1 lagu soo baadho isaga iyo alaabtiisa wuu soo gudbayaa, markaa mar kale ayaa haddana labaadhayaa, ka dibna alaabtiisa ayuu la baxayaa iyada oo aad baadhay oo la ogaaday waxa uu sito. Qofka baxaya sidoo kale ayaa loo baadhayaa isaga iyo alaabta uu sito, waxay dadkaasi marayaan Laanta Socdaalka.”

“Qalabka aannu ku raribnay qaybaha garoonka, laba nin oo Ammaanka uun ka shaqeeya ayaa  Kum buyuutarka dul fadhiya, qalabkaasi waxa uu qabanayaa wax kasta oo hub ku abtirsada ama cid wax lagu yeeli karo, qofku meesha uu doono ha ku sito ee wuu sheegayaa, weliba midig iyo bidix dhinaca uu wax ku sito iyo hadduu shandad ku sito wuu sheegayaa, xattaa mobile haddaad sidato, marka uu qalabkaasi qofka ku qayliyo waa la baadhayaa, kabaha ayaa laga bixinayaa, suunka ayaa laga bixinayaa, mobile-ka ayaa laga dhigayaa,markaa sidaas ayuu ammaanka garoonku u adag yahay oo uu u sugan yahay,mana dhacayso in cid wax bir iyo hub ku abtirsada sidataa inuu ka gudbo  madaa rka mid baxaya iyo mid soo galaya toona.” Ayuu yidhi MaamulahaMadaarka Berbera.

Axmed Maxamed Cawaale, waxa uu sheegay inay damacsan yihiin sidii Garoonka Berbera xarun ugu noqon lahaa Hay’adaha JimciyaddaQuruumaha ka dhaxaysa iyo Shirkadaha Bagaashka Kaargooga loo yaqaanno keena, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Imika waxaannu samaynaynaa Tirminnaal cusub,taawarkii labaadna waa la taagayaa, si ay diyaarado badani u soo fadhiisan karaan Garoonka diyaaradaha ee Berbera, dad badanina isugu waydaaran karaan bixitaan iyo gelitaanba. Sidaad la socotaan imika waddammadii Carabta kacdoonno, qas iyo degganaansho la’aan ayaa ka jirta, markaa annaga oo fursaddaa ka faa’iidaysanayna Somaliland ahaan, waxaannu  damacsanna hay in Madaarka Berbera noqdo xarun weyn oo ay Diyaaradaha Kaar-googa iyo kuwa Hay’adaha Qaramada Midoobay-ba ku soo degaan, isla markaana ka samaystaan Istoodho ama Bakhaarro waaweyn oo ay shixnadohooda ku rogaan, ka dibna meelaha kale ee Afrika iyo Soomaaliya looga sii raro.”

“Sidaa awgeed, waxaannu ku rejo-weynahay inay Berbera si dhakhso ah xarun ugu noqoto dalal  ba dan, oo Hay’adaha Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysaa waxay u wadaan Soomaaliya,Maamulka  P untland iyo meelo kale oo Afrika ah ay halkan ka qaybiyaan,Berberana noqoto Saldhigga ay  caawim ooyinka meelahaa aan soo sheegay u socda lagu kaydiyo, lagana qaybiyo, dedaalkii aannuarrintaa ku gaadhi lahayna waannu ku jirnaa annaga oo kaashanaynaWasaaradda Duulista Hawada ee  Som aliland.” Ayuu yidhi MaamulahaMadaarka Berbera Mr. Axmed Maxamed Cawaale.

Maamuluhu waxa uu sheegay inay ka mamnuuceen gudaha garoonka in lagu isticmaalo Qaadka, isa ga oo xusay inay goobo gaar ah u sameeyeen cidda sigaar cabbaysaa inay ku cabto, taas oo uu  xu say inay qayb ka tahay sugidda amniga madaarka iyo in wax mukhaaddaraad ah ama daroogo leh lalagalo. “Dadka rakaabka ah ee duullimaadyada diyaaradaha sugayaa marka ay tirminnaalka  qayb ta duullimaadyada u diyaarka ahi dibadda u baxaana ay dhex socdaan qaybaha kale ee madaarka, waxaanannu ka mabnuucnayinay wax qaad ah la soo galaan, sidaa daraaddeed, maaddaama oo aannuQaadka iyo Sigaarka ka mabnoocnay, waxaannu u samaynay gooboHaashtariyo yaallaan oo qofka sigaarka cabbaya ee diyaaradda sugayaaku cabbo, ma uu qofku sigaarka halkaa u gaarka ah ku dhammaysto waxauu dib ugu noqdaa Hoolkii socdaalka ee uu duullimaadkiisa kusugayaayey isaga oo aan dhex socon qaybihii kale, waxaana intaa lasocda Kamaradaha ammaanka dhaqdhaqaaqiisa oo dhan.” Ayuu yidhiMaamulaha Madaarka Berbera.Qaar ka mida Masuuliyiinta Diyaaradaha  garoo nka Berbera isticmaala,dadweyne ka dhoofayey garoonka iyo kuwo ka soo degayey oo Weriyuhu waxka weydiiyey aragtidooda ku wajahan is beddalka uga muuqda qaybaha garoonka, ayaa  shee gay inay si weyn ula dhacsan yihiin is beddalkalagu sameeyey garoonka diyaaraha Berbera, iyaga oo qaarkood xusay inuuu muuqdo mid ku yaalla waddammada horumaray amni ahaan iyo adeegaha anba.

Source:  Wargeyska Dawan