Maamulaha Guud ee Dahabshiil Group oo ka Xog-warramay Qodobada lagaga Hadlay Shir Caalami ah oo Jaamacadda Oxford ku Martiqaaday

 

 



Jaamacadda Oxford si weyn ayey horumarkaasi u soo dhawaysay oo ay ku sheegtay in meel lagu faani


London (TNN)- Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil Group Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid Duc aale, ayaa ka xog-warramay qodobadda lagu falanqeeyey shir caalami ah oo Jaamacadda Oxford u qabatay in lagu ogaado heerka isticmaalka tiknoolajiga ee Soomaalida.

Shirkaas oo ay ka qaybgaleen aqoonyahan iyo khubaro caalamka iskaga timi, waxa khudbad ka jeedi yey Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid oo kelidii laga marti qaaday shirkadaha Soomaalida, taas oo uu si ballaadhan ugu faahfaahiyey horumarka Soomaalidu ka gaadhay isticmaalka tiknoolajiga casriga ah oo qalabka ay adeegsadaan shirkadaha ay ka mid yih iin Dahabshiil ay kaga horreeyaan shirkado badan oo Afrika iyo meelo kale oo adduunka ka mid ah.

Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid oo waraysiyo kala duwan ay shirkan kala yeesheen Idaacadaha BBC iyo VOA-da oo luuqadaha Soomaaliga iyo Ingiriisigaba ku baxay, waxa uu ku sheegay inuu shirkaasi dadkii isugu yimi ugu sharraxay heerka uu gaadhay horumarka tiknoolajiyada Soomaalida iyo siyaab aha kala ee ay u isticmaalaan, isla markaana dadkii shirkaasi ka qaybgalay ay si weyn ula yaabeen horumarkaasi Soomaalidu gaadhay oo ay bogaadiyeen.

“Shirkan oo hal maalin socday Jaamacadda Oxford oo ka mid ah jaamacadaha adduunka ugu waawe yn ayaa markii ugu horreysay u qabanqaabisay in ay fahmaan tiknoolajiga ama qalabkan casriga ah iyo sida looga faa’iidaysto dhulka ay Soomaalidu degto, waxaanay noo ahayd sharaf in shirkadaha Dahabshiil iyo SOMTEL ay ku soo cusuunto oo aannu ka hadalno Soomaalidu halka ay maanta mara yso.

Runtii caalamku inta badan lama socdaan Soomaalida halka ay tiknoolajiga ka gaadheen, laakiin wa rar xun ayuun baa inta laga maqlaa sida dagaallo, abaaro ama waxyaabo ka sii daran. Anigu waxa an shirka kaga warramay guud ahaan Soomaalidu sida ay tiknoolajiga u isticmaasho oo aan tusaa layaal ku bixiyey sawirro aannu ka soo qaadnay dad isticmaalaya tiknoolajiga gobollada Soomaalida meelo ka mid ah, waxaan ka muujiyey in Geeska Afrika ama waddamo badan oo Afrika ku yaal inay Soomaalidu ka horreeyaan marka laga hadlaayo tiknoolajiga iyo qalabka casriga ah, waxaan ka she egay in meelaha qaar shirkadaha telefoonnada ee Dahabshiil, Somtel iyo kuwa kale ee Soomaalid uba ay ka horumarsan yihiin shirkado badan oo caalamka jira marka la eego qalabka casriga ah ee ay isticmaalayaan, waxa kale oo aan xusay in tamarta dabka laga dhaliyo iftiinka qorraxda dhulka Soomaalida meelo badan laga isticmaalo oo ay telefoonnadooda ku dabaystaan ama si kale uga fa a’iidaystaan oo aannu caalamku ka war hayn, waxaan ka hadlay mashiinno iyo farsamooyin kaloo adduunka badankiisa aan lagu isticmaalin oo ay ka mid tahay dhuxusha laga isticmaalo dhulka Soo maalida oo haddana lagu sameeyo kofeegii u dambeeyey (Coffee) meelo badan. Waxa kale oo aan nu sharraxnay qalabyada casriga ee shirkadda Dahabshiil gobol kasta oo Soomaalidu joogto kaga shaqayso,” ayuu yidhi Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid.

Maamulaha Guud ee Dahabshiil Group waxa uu sheegay in waqtigan magaalo walba oo Soomaalidu degto laga helayo nooc ka mid ah qalabka isgaadhsiinta ee tiknoolajiga casriga ah, isla markaana Jaamacadda Oxford ku baaqday in la dhiirigeliyo horumarkaasi, waxaannu yidhi, “Internetka oo ka mid ah waxyaabaha qaybta ugu wayn ka qaata tiknoolajiga casriga ah oo iminka u muuqda mid sii xoogaysanaya, labaatan sanno ka hor dhulka Soomaalida adeegsigiisa iyo tiknoolajiga kale mabuu jirinba ayaa la odhan karaa, maantana magaalo iyo tuulo walba siday doontaba ha noqotee waxa yaal dhish si toos ah Internetka u soo jiidanaya, telefoon ama moobil, kuwaas oo ay gaadhsiiyeen shirkadahaa ay ka mid yihiin Dahabshiil iyo kuwa kale ee isgaadhsiinta Soomaalida.

Jaamacadda Oxford si weyn ayey horumarkaasi u soo dhawaysay oo ay ku sheegtay in meel lagu faani karo Soomaalidu maanta joogto, runtiina shirkadaha Soomaaliya ka hirgeliyey tiknoolajigii u dambeeyey waxay dad badan ku ahayd war cusub oo ay maqleen, waxaannay jaamacaddu mar walba ku celcelinayeen in la dhiirigeliyo shirkadahan oo ay helaan fursado ay ku sii ballaadhiyaan.”

Waxa kale oo uu tilmaamay in shirka lagu soo hadal qaaday waxyaabaha ka khaldan isticmaalka tik noolajiga, “Dad badan oo jaamacadda ka hadlayey waxay xaqiijiyeen inay jiraan adduunka dad bad an oo tiknoolajiga siyaabo khaldan ama sidii loogu talogalay si ka duwan u isticmaala, laakiin marka la eego dhinaca wanaagsan tiknoolajiga casriga ahi qabanayso waxa runtii la muujiyey in Soomaalid u ka mid tahay waddamada sida xorriyada ah uga faa’iidaysda tiknoolajiga marka laga hadlayo adee gsiga xagga waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga ama dhinaca nabaddaba. Waxyaabaha kale ee lagu soo hadal qaaday waxa ka mid ah in aanay shirkadaha isgaadhsiinta ee Soomaalidu isku xidhna yn oo aanay telefoonnada laba shirkadood wada hadli karayn,” ayuu hadalkiisa ku soo gunnaanada y Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid.

 



Timacade News Desk
London , UK