Togwajaale Wakhti Xaadirka Waayaha Kajira Duruufaha Ku Xeeran Maamul Xumada Soo Wajahday Musuqmaasuqa Shaqaalaha Dawlada Hoose iyo Saamaynta Cabdi Casiis Maxamed Samaale FG
 



Magaalada Tog-wajaale ,oo ah magaalo istaraatiji ah isla markaana ah xarunta Ganacsi ee ugu wa yn guud ahaan Mandaqada Geeska Afrika ,iyada oo kulmisa dadyow kala duwan ,kala qoomiyad ah mid walbana waayahoogu ku lamaan yahay, ayaa waxaa jirta maamulka magaalada Tog-wajaale, G udoomiye Xaashi Maxamuud Cabdi , inuu ka gaabiyey shaqadii Qaranku u  igmaday, isla markaana ay xidhan yihiin jidadkii magaalada oo  la dhigay cara tuul 2 laba bilood yaala, ayna ku rogmadeen gadii dkii magaalada alaabta ka raranayey .

Waxa kale oo intaa dheer , Qashinkii oo magaalada meel walba tuulan ,iyada oo lagu jiro wakhtigii xagaaga ,kana dhasheen dabab dhaliyey inay gubtaan qaybo ka mida magaalada Tog-wajaale, tusa ale ahaan ka soo horjeedka Kastamka iyo Bariga magaalada.

Dabkaas oo ka dhashay Qashinka iyo Nadaafad Xumada ka jirta awgeed, iyada oo aan jirin Hayjiin shaqaysa.Waxa kale oo indhahaagu qabanayaan gudaafadii oo Toga lagu soo daadinayo iyo Bulaac adihii Huteelada , oo lagu daadinayo Toga bartankiisa ,Dawlada Hoose ee magaalada Tog-wajaale, oo gabtay shaqadeedii , balse ka adag oo kaliya ururintanta lacagta casuuraha ganacsatada laga qaadayo .

Waxaana meesha ka baxday adeegii ay bixin jirtay Dawlada Hoose, iyada oo aanay anay jirin is qim ayn isla xisaamtan maamulka magaalada Tog-wajaale, oo xilka haya mudo 3 sadex sanadood oo aan lahayn qorshe cad oo horumarineed laguna dar dar galiyo hanaan wanagsan oo hurumarineed, cad aaladna bulshada ugu adeega iyo dadwaynaha reer Tog-wajaale oo walaac ka muujiyey Qashinka tuulan Toga iyo bulaacadaha hudheelada ee is barkani inay keeni karto cuduro halis ah.

Waxa kale oo intaa dheer ugu yaraan 500 EEY  oo xanuunsanayaa ,inay ku nool yihiin deengaanka Eydaas oo ay ku dhaceen xanuuno aan la garanayn oo fayris iyo bacteria ka murxiyey haragii iya goo dheecaanku ka da' ayo,  ay la isticmaalaan gidaarada iyo baabuurta hoostood .

Waxa kale oo jirta , in xaafadaha magaalada inaad moodo Qaxootigii Dulcad,  ee la odhan jiray quba nta maamulka magaalada Tog-wajaale, oo waqtigii la soo magacaabay loo han waynaa ,balse kalii ntii la islaaha way ka soo bixi buuxin kari waaye ,noqdayna kuwo lagu hongoobay ,dantii guudna ka seexday ,arimahaa aan soo sheegnay waxay ku tilmaamaysaa inaan dadka reer Tog-wajaale aanay helin xuquuqdii ay ku lahaayeen oo ka mid tahay caafimaadka, biyo la'aanta iyo ceel la'aanta ka jirt a.

Waxay ku hongoobeen isla markaana  ka taagan yihiin balanqaadkii xukuumada Axmed Maxamed Ma xamuud Siilaayo, oo dhalan habaabis u dhigtay dadka reer Tog-wajaale, soomaalidu waxay ku maah maahdaa Aadhi daasad loo tumo kama ilbaxo

La soco waa Qaybtii 1 aad
 

 


Waa Qallinkii Maxamed Cabdilaahi Qombor
Tog Wajaale ,Soomaaliland