XUSKA APRIL 6: MAALINTA SNM IYO XUSUUS TAARIIKHEED
By: Ahmed Hassan Arwo

 


Waxay ahayd 6/6/1981, maalintii aasaaska SNM, goob joogbaan u ahaa. Waxaan ku jiray
jaamacadda London oon ka samaynaayey MSc London School of Economics.Waxa gurigayga ku soo degay Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii u horeeyey ee SNM, Muj. Axmed Jimcaale.Waxay ahayd maalin dareenka dadku isku jir yahay. Maalin farxad iyo werwer isagu jirtay. Waxa rag badan oo u badan odayaashii ku raagay dalkan oo dacaayad xoog leh laga dhaadhiciyey ay aad uga baqayeen waxa loogu yeedhay u shaqaynta cadowga iyo nabad la'aanta ka dhalan karta halganka.

Dadka warka dalka u dhow, iyo dhallintu waxay u ahayd maalin guul iyo xorriyad saadinaysa.
Socodku waa taalaabooyin isku biiray. Waxay arkayeen, in talaabada maanta la qaaday noqon doonto tii dalka ka badbaadin lahayd dulmiga iyo boobka gaamuray. Tii iftiimin lahayd dariiqa rajada iyo ididiilada.Waxay ahayd maalin wufuudda ka timid qurbojooga reer Somaliland aan lagu soo xulin jib iyo qaybin qabiil. Waxay ahyd dulmi gaar loo calaamadsaday iyo intii ka gadooday. Waxa isku keenay badbaado iyo naf la carar. Waxa loogu soo galay godkii ugu dambeeyey iyo gurigoodii. Ma ahayn dad dagaal jecel ee wey ka maarmi waayeen, kolkii xukunkii jiray go'aansaday dil, dhac iyo burbur iyo barakac cid gaar ah la birtilmaansaday.

Qiimaha iyo qiirada dhismaha SNM waxa si cad u muujiyey habka wacan ee wufuudda loo soo xulay. Waxa ka yimid Jeddah, Riyaad, Abu-Dhabay,Kuwait, Qadar iyo magaalooyinka Ingiriiska, rag aan loo qaybsan beelo, rag loo eegay kaalinta ay kaga jireen halganka. Ma jirin wafdiga imisaynu ku leenahay. May jirin golaha, ayaa inoogu jiraa, ma ay jirin wax ka badan magacaabid aan cidini ku tartamin. Waxay ahayd garasho sare, oo ka dhalatay damqasho taabatay dhammaantood. Reeraha maanta Internetka isu galay waxay ahaayeen rag isku duuban, runta isu sheega oon qabiil u xagliyin. Waxa loo dhaqmaayey sida qoys keliya oo walaal,aabe iyo hooyo ka kooban.Ixtiraam ka weyne leeyahay, ka wax yaqaan laga dambeeyo, ka jilicsan loo naxo, ka yar la taakuliyo, ka jiran loo jarmaado. Wa xusuus damqaysa xididada maskaxda oo kicinaysa garaaca wadnaha.

Waxa aan xusuustaa maalin aanu fadhinay gurigayga oo nin golaha fulinta ee SNM loo doortay oonu qoys hoose isku nahay si xun ula hadlay guddoomihii SNM, kolkaas waxa si la yab leh u booday Xasan Ciise Jaamac oo isna ka tirsanaa golaha fulinta, isagoo hadal birta ka adag ninkii ku yidhi, kuna kalifay inuu xaal bixiyo. Waxa la ahaa walaalo, aan abtirsiin silsiladaysan lahayn. Ab keliya iyo hadaf keliya leh. Xasan Ciise odhaah dahab ah ayuu yidhi" Hebalow haddaad kuwan iga kaa xiga aad ku haysato dil casri jaahiligii dhac iyo boqolaal sano, anaga ood madax noo tahay hadh ma noo jiideysaa..." Wuu khajilay oo uu madaxa ka dhunkaday Axmed Jimcaale. Ma ahayn sida maanta muran muran ka hor gee, ma ahyn dafiraad, ma ahyn gar diid, ma ahyn is giijin iyo been la subko. Qaladka dhaca si hawl yar ayaa looga bogsanaayey, waayo himmilo sare ayaa la tiigsanaayey.

Waxa soo dhacaayey telefoono afarta jihaba ka imanaayay. Wa bushaare iyo bogaadin, waa farxad iyo reynreyn loo dhan yahay. Waxa toosay dareen wax badan hurday.Waxa is taagay geesiyadii naftooda nacay. Waxa bilaabmay dariiqii xoriyadda, waxaana isla markaas bilaabmay burburkii faqashta.Waxa laga ladi waayey, guryahii lagu dhistay booli qaran. Waxa bilaabmay gaaf-wareeg iyo hurda la'aan ku habsatay kuwii xaaraanta xalaashaday.

Laba cisho ka dib, waxa aan arkay gabadh uu dhalay Xuseen Kulmiye oo ahaa Madaxweyne ku xigeenkii faqashta oo ahayd 2nd Secretary Safaaradda London.Waxay ahayd qof aad u fiican oo waxtar wadani leh.Waxaa dhacday in loo diido ragii bad maax aha (seamen) in loo jadiidiyo basaboorada. Iyada ayaan u gayn jiray oo si hoose noogu jadiidin jirtay. Hadaba maalintaas, waxay ii sheegtay in safaaraddii fadhi la'day oo canaan iyo cay uga imanayso Xamar, la leeyahay waa inaad wax kasta samaysaan ood ku joojisaan dhaqdhaqaaq SNM, waxa loo soo diray lacag siyaade ah oo arrintan lagu fuliyo. Waxa la adkeeyey basabooradii. Waxay se taasi dhalisay arrin la yaab leh. Badmaaxa oo ku faani jiaray Somalinimada diidaynay inay jinsiyadda dalkan qaataan, ayaa markiiba tan dalbaday. Waxay helayn dhalashada Ingiriiska si dhekhso ah. Waxaan bilaabantay in laga maarmo hanjabaadii iyo dulaysigii guriga jahliga iyo dulmiga.Waxayna dhaxantii ka duulisay intii arrinta baasaboorku ku kaliftay inay SNM ka maagaan.

Bal sawirkaas ag dhig maanta.Waxaad arkaysaa inaan weli la gaaadhin hadafkii, in dad badani daalay, in ay jiraan dar ku hawlan jid goyn.Waxa jira cadow debed iyo gudaba u heelan burburka intan la gaaadhay.Waxaad arkaysaa sida loo kala jabinaayo raggii dhufayska ku walaaloobay.

Geedigu wuu socdaa, waxaana horseed u ah isla kuwii hore u dhaqaajiyey dalka. Ninkii daalaa dalka kama dhalan. Bohol kasta,booraan kasta iyo buur kastaba waa la jiidhi oo la fuuli.Habka loo diriraa ma aha qorigoo keliya. Kaas weynu ka gudubnay. Waxa maanta loo bahan yahay inaan qalinka, iyo fikirka isu gayno. Inaan codka shacbiga uruurino. In foodka lagu muujiyo habkii lagu gaadhi lahaa hanashada himilada dadweynaha. Waa inaan iska jirnaa hebel hebal ka hor keen, reerna reer ka hor keen, qoysna qoys ka hor keen.Marka wax laguu sheego ha la boodin, baadh, ka baaran deg, oo miyir u qiimee. Is weydii waayo? Maxay? Halkee?Sidee?.Hubsiimo halbaa la siistaa.Talada aan la ruugin waa lagu rafaadaa. Rog rog deedna u dooro ninka hiigsigaas ku gaadhsiin kara.

Maanta waxa inala gudboon inaynu wacyiga siyaasiga kor u qaadno. Inaan furfurnaanta shacbiga ka dheeraano. Inaynu qabsano tiirka distoorka iyo sharciga. Inaan cisayno ciddii halganka inoo horseeday, inaynu u mahadnaqno geesiyadii SNM ee guusha inta la gaadhay u dhimatay, u dhaawacantay una maal beeshay.Waa inaan baranaa sida aynu ugu mahadnaqno shaqaalaha dawladda inta hawshooda bogata, macalimiinta ubadka inoo korisa, .Waa inaan kala garanaa ka u damqada dadkiisa shalay iyo maanta.

Weli meynu gaadhin guushii, waxaan hiigsiga ummadda gaadhsiin kara kuwii u jeexay marinka guusha. Iyagaa dhaliyey wanaaga aynu ku naaloonaynu. Waxay qotomiyeen tiirka doorashada madaxdeena iyo habka dimuquraadiga ah. Waxay SNM noqotay jabhadda keliya ee madaxdeeda doorasho iyo tartan furan ku soo saarta. Waa taas tan inoo fududeysay inaynu Afrika kaga horeynu nidaamka xisbiyada iyo doorshooyinka xorta ah. Dadweynow ku aamin masiirkaaga nin nolashaada kula wadaaga, nin garanaaya geed kasta inta hood joogta iyo inta hareero joogta, iyo dalka taako taako u yaqaan, iyo dhaqan miyi iyo magaalo leh, nin khibrad siyaasadeed leh, nin heer kasta ood maraysay kula joogay ahaana nin u darbaanaa xil gudasho kolba kaalinta ay joogtay.

Geediga inta ha furaayo ku aamin ninkii sahanka u ahaa.
Ku qiimee kaalinta uu siyaasiga maantu ka qaatay halgankii. Maalinta ay qadhaadheed, maalintii madfaca iyo hoobiyahu madaxa shacbiga lagu guraayey.

Ugu dambayn, waxaan tahniyad u diriyaa halyeeyadii SNM ee dhaliyey dalka Somaliland.La'aantood ma jirteen Somalilaand. Kumaankunkii dhintay Illaahay ha u naxariisto, kuwa dhaawacmay Illah ha daweeyo, agoonta Allah ha abaalmariyo. Ha la qiimeeyo agoonta, ha ixtiraamo qof kasta oo halganka qayb ka ahaa. Waxa iman maalin loo hiiliyo taariikhda oo qalin dahab ah lagu qoro masiirka ummadda. Taariikhdeena ma aha SNM keliya ee halgankii gumeysiga kii xisbiyada SNL, NUF iyo USP dhammaan waa inaynu xusnaa oon manhajka iskuulada galinaa. Dadka taariikhda ayaa mideysa oo abuurta dareen qarannimo.


Guusha aynu gaadhay xus cidda unuktay ee u hawl gashay, Allena ha kaashatay. Allow waa mahaddaa.

Ahmed Arwo
samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com/


http://samotalis.blogspot.com/