Maalinta
Shahadada SNM oo Maanta Si wayn Looga Xusay
Hargeisa:-
Hargeysa( Longlivesomaliland News)-Munaasibad balaadhan oo lagu
xusa yay Maalinta shuhada SNM ayaa saaka lagu qabtay Xarunta Beerta
Xoriya da ee Caasimada Hargeysa. Munaasibadan oo ahayd mid si wayn
loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qayb galay, saraakiil Sarsare oo
ka tirsanaa Ururkii Dalka dib u xoreeyey oo imika ka kala tirsan
Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Dawlada, Wasiiro ka tirsan Xukuumada
Madaxwayne Rayaale, Xildh ibaano ka tirsan Golaha Baarlamaanka
Somaliland( Guurti iyo Wakiilo) Dhall inyaradii ay ka tageen
Mujaahidiintii Dalka u soo halgamay, Marti sharaf tiro badan iyo
Dadwayne aad u badan.
Masuuliyiin kala duwan oo halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay
maraaxilkii kala duwanaa ee uu soo Maray Halgankii dib u xoraynta
iyaga oo si gaar ah u xusay qiimaha ay Maalintani leedahay. Waxa ay
Masuuliyiintii halkaasi ka hadashay ay carabka ku adkeeyeen in
Maalintani ay si gaar ah uga tilmaa mantay Maalmihii kala
duwanaa ee uu soo Maray Halgankii hubaysnaa ee ay Mujaahidiintii SNM
Dalka kaga xoreeyeen Kalidii Taliyihii Macangaga ahaa ee Maxamed
Siyaad Bare.
Injineer Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ahaa Masuuliyiintii SNM oo
ka mid ahaa Madaxdii saaka halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Dalkeenu
maa nta mid ku filaan kari waaya ma aha Agoontii laga dhintay iyo
dadka naaf ada ah.wax ka badan baynu qabsan karaa oo aynu ka
filaynaa.abaaro ayaa ina haya biyo xidheeno ayaynu samayn karnaa
lacag aynu biyaheena ku xidhno ma aynu waayin.taariikhdii halganka
ayaa la qori guddiyo ayaa loo saari, ciidamada ayaa darajo la siin
karaa. Kuwa agoonta iyo naafada ah ayaa loo qaban karaa waxay u
baahan yihiin. Sida Tacliinta. Ma aha in Lixle Hooyadii wax loo doon
doono.”
Maxamed Xaashi wuxuu sheegay in laga xisaabtami doono wixii loo
qabtay dadkii u soo Halgamay dalka iyo ubadkii ay ka tageenba.
Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Af Hayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee
K ulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed. Waxana hadaladiisa ka mid
ahaa “Waxaanu ilaahay maanta uga baryaynaa waa shuhudadii ku
geeriyootay halgankii dalka.maalintan xuskeeda waxa ugu mudan ee
aynu xusaynaa wa a agoomaha halkan fadhiya,naafada, dhaawaca
iyo dhammaan mujaahidii ntii SNM. Halkan waa la sheegay
maalintan 17-ka October ee sanadkii 1984-kii dagaalkii Burco-duuray
taariikhdeeda wax kale oo jiray maalmo kale oo dagaalo ka culusi ay
dhaceen. Laakiin maalintani waxay kaga duwan tahay waa maalintii
tiro badan oo mujaahidiin qiimo badan lihi ay goob ku wada dhimatay
oo uu Hoggaaminayay hoggaamiyihii ugu mudnaa ragii hoggaa
miyeyaasha ahaa ee SNM Maxamed Xaashi Lixle, sababtaa darteed ayaa
maalintan looga dhigay maalin mujaahidiintii oo dhan la wada xuso.
Maalintan oo Sanad kasta Dalka laga xuso ayaa ah 17-ka Bisha October
ta asi oo ku suntay 17-ka bisha October sannadkii 1984-kii.
Maalintaasi oo uu Dagaal ba’ani dhex maray Xoogagii SNM iyo
Ciidamadii Siyaad Barre Meesha lagu magacaabo Burco Duuray. Waxana
Dagaalkaasi ku geeriyooday Eebe ha u Naxariistii Mujaahidiin tiro
badan oo uu ka mid ahaa Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle).
Mustafe Future
Longlivesomaliland News Reporter
Hargeysa Somaliland
|