Ma waxaa soo dhawaaday aqoonsigii Somaliland?
 

 


Hadii aan anigu maskaxdayda iyo maankayga la kaashaday xalaalada aqoonsi doonka ah ee hada Somaliland ku jirto waxaan u malaynayaa in uu soo dhawaaday wakhtigii caalamku aqoonsan lahaa Somaliland oo aan weliba u malaynaayo in aqoonsiga Somaliland wax badan ka danbayn doonin ka South Sudan.


Waxaa beryahan oo dhan wadankeena gaalaa bixinaayay oo ku soo badanaayay waftiyo ciidaas ka bada oo meeqaamkoodu sareeyo oo ka socda wadamada reer galbeedka waxaa bishan aynu ku jir no ee july 6dii wadanka yimid ninka ugu sareeya qaybta macaawinooyinka ee midawga yurub ninka as oo magaciisa la yidhaahdo Mr Andris Piebalgs oo booqasho maalin ah ku soo gaadhay caasimada Somaliland ee Hargaysa waxa uu mr Andris wada hadal mihiim ah la galay madaxwaynaha Somalilan d Ahmed Siilaanyo wada hadalkaas ay ka wada hadleen labada masuul oo aan ilaa hada la ogayn wa xa uu ahaa ama ku saabsanaa,waxa kale oo uu Mr Andris qudbad dheer oo duur xul ah iyo waano ahaba ka jeediyay aqalka Baarlamaanka Somaliland isga oo mudanayaasha wakiilada iyo Guurtida u sheegay in ay doorashooyinka deegaanka Somaliland dhacaan sida ugu dhaqsaha badan hadalkaas oo aan u fasirtay in ay soo dhawaaday wakhtigii Somaliland caalamku aqoosan lahaa markaas waxa uu mudanahu tusaaleeyay in doorashada golayaasha Baarlamaanka iyo Guurtiduba muhiim u yihiin aqoonsiga Somaliland,waxa kale oo Mr Andris sheegay in ay Somaliland noqon doonto wadan qayb libaax leh ka qaata horu marka iyo dhaqaalaha wadamada ku midoobay IGAD waxa uu sheegay mud anuhu in Somaliland qabsatay waxyaalo badan iyada oo aan wax gacan ah ka helin beesha caalam ka waxa kale oo mudanuhu sheegay in ay Somaliland siin doonaan dhaqaale xoog leh oo ay u isticim aasho horumarinta bulshada iyo ka hor taga amaan daro soo wajahda Somaliland isaga oo sheegay in ay dhaqaale xoog leh gelin doonaan policeka Somaliland.

Waxaa kale oo jirta arin kale oo xiiso leh oo aniga aad ii xiiso gelisay aadna ii soo jiidatay arintaas oo ah meesha ay hada Dawlada Ingriisku ka taagan tahay arimaha aqoonsi raadiska Somaliland oo ah meel aad u saraysa oo dhab ah, waxaa hada ii cadaatay in dawlada Britain tahay dawlada 1aad ee dabada ka riixaysa aqoonsiga Somaliland arintan tusaalooyinka aan u soo qaadanayaa waxaa weeye markabka wayn ee ay leeyihiin ciidamada Ingiriisku ee 50 sano ka bacdi dib ugu soo xidhay dekeda magaalada Berbera ee Berbera Port oo hore xarun ugu ahaan jirtay ciidamada Ingriiska arintani waa arin muujinaysa sida ay isugu soo dhawaanayaan Somaliland iyo Ingriika oo aan wax xidhiidh ahi dhex marin ilaa iyo wakhtigii Somaliland xornimada ka qaadatay dawladii Ingiriiska.

Waxaa bishan 7dii wadahal ku dhexmaray markabkan dushiisa madaxwaynaha somaliland iyo wafti sare oo ka socda dawlada Ingiriiska waftigaas oo ka soo kicitimay wadanak Djibouti ilaa hadana la ma yaqaan waxii ay ka wada hadleen dawlada Somiland iyo dawlada Ingriiska ,wada hadalkaas dhex maray labada dawladood waxa uu ahaa wada hadal qarsoon laakiin ahaa wada hadal mihiim ah oo dhex maray labadan dawladood, waxaa kale oo madaxwaynaha iyo wasiirka arimaha debeda Somalil and shalay 8 july wadahadal ku dhex maray magaalada Addisababa Ethiopia wasiirka arimaha debe da U qaabilsan dawlada Ingiriiska ee magaciisa la yidhaado William Hague oo halkaas booqasho ku jo oga,waxa la leeyahay oo la sheegayaa in ay ka wada hadleen xaalada Somaliland iyo Somalia laakiin dadka siyaasada indho indheeya waxa ay durba sheegeen in dawlada Ingiriisku rajaynayso in soma liland madaxbanaanideedu ku xigto tan ay hada qaadanayso dawlada South Sudan si kastaba wax ha u jireene waxaa iska cad in hada Somaliland u soo socdaan wax wayn oo aan saadaashayda u malaynaayo in uu yahay aqoonsigii Somaliland kaas oo iminka ka soo durkay halkii uu hore u taagn aa waxa aan rajaynayaa in ay saadaashaydani rumoodo oo mar uun dadka reer Somaliland helaan aqoonsi buuxa oo ay ka helaan beesha caalamka inteeda kale aqoonsigan waxa ay dadka reer Soma liland sugayeen oo u samrayeen 20kii sano ee ina soo dhaafay.