Ma
siyaasi baad tahay mise diblomaasi?

Marka hore waxaan aad ula yaabaa dhawr wiil oo sheegta inay yihiin
diblomaasiy iin qaar isku sheega inay yihiin
safiirada wareega iyo kuwo kale oo yidhi waddamo kamid ah
Yurub baan safiiro ka nahay oo haddana aanan arag mar qudha iyagoo
jooga waddamadii loo magacaabay ee la yidhi safiir bay ka yihiin.
Xubanaha loogu yeedhay diblomaasiyiinta ( safiirada) ayaad moodaa
inaanay hay nin xilalkii loo magacaabay ee ahaa inay ka shaqeeyaan
xidhiidhka Somaliland la l eedahay waddamada kale ee dibadaha,
laakiin aad moodo inay illaaween xilalkii l oo magacaabay oo
iyagu ka doorbiday dhaleecaynta xisbiyada mucaaridka ah iyo loolanka
siyaasadda arrimaha gudaha, taas oo ka xaaraan ah diblomaasiyiinta.
Waayo? dibloomaasigu waa shaqaale
dawladeed marnaba intuu xilka kama hadlo siyaasadda arrimaha gudaha
ee dal leeyahay, ee waxay ka hadlaan oo ka shaqee yaan
xoojinta xidhiidhaka dalkaasi la leeyahay waddamada kale ee dibadaha.
Waxaana u caado ah
diblomaasiyiinta xitaa masheegaan xisbiga ay ka tirsan yihiin oo
iyagoo xaq u leh inay si asturan u taageeraan xisbiga ay doonayaan
laakiin m arnaba ma yimaadaan safka hore ee uu ka socdo xafiiltanka
siyaasadda ama arri maha gudaha ee dal leeyahay. Markaas arrinta ay
keentay xukuumadda Riyaale waa waa musjiso cusub oo ku soo koradhay
siyaasaddii geeska Afrika.
Waxaanan aad ula yaabay markaan warbaahinta ka arkay nin lagu
magacaabay inuu yahay safiirka wareega oo aan moodaayey in loo diray
xilka ah ixtiraaf raad inta iyo kor u qaadista sumcadda Somaliland
ku leedahay dibadaha oo isagu intuu dibadihii uu deganaa ka guuray,
waddankii degay oo ku dhex milmay siyaasadda waddanka iyo arrimaha
gudaha, kaasoo isagu si badheedh ah ugu olaleeyey xisb iga
talada haya ee UDUB oo aan la socono siduu u caayi jiray una nebcaa
markuu katirsanaa xisbiga KULMIYE.
Waxaa isna sidaas oo kale lamid ah nin kale oo lagu magacaabo isna
safiirka Ire land, laakiin aan filaayo inaanu waligiiba tegin
Ireland, laakiin inta badan jooga UK iyo Somaliland. Markaas
inkastoo xubintani dhaamo safiirka wareega dhinaca an shaha iyo
diblomaasiyadaba, haddana isaga laftigiisu wuxuu aad isugu hawlaa oo
xiiseeyaa dhinaca siyaasadda arrimaha gudaha si uu u muujiyo inuu ka
soo hor jeedo mucaaridka oo si shakhsi ah u taageersan yahay
madaxweyne Riyaale iyo xisbiga talada haya.
Ugu danbayna waxaan arkay maqaal dheer oo ku jira warbaaxinta
qaarkood oo ninka sheegtay safiirka wareegaa ku duraayo siyaasadda
KULMIYE iyo xibiyada kale ee mucaaridka ah , sidoo kalena uu
xalaalaynaayo dhigooda labadii qof ee x ukuumadda Riyaale ku dishay
Hargeysa muddaharaadyadii u danbeeyey, isagoo haddana iska dhigaaya
inuu difaacayo dimoqraadiyadda iyo xorriyadda. Markaas UDUB ceebteed
maaha waa caadeed waa kuwii hore madaxweyne ku xigeenku u yidhi
dhakhtarka laba kaare ayaan idhi u soo dira markaasaa afar kaare la
soo dir ay. Markaas xukuumadda arday muddaharaaday daayoo, dadkii
bukay ee dhakhta rka jiifay bay kaarayaal ku weerareen oo ay caadi u
arkaa waana arrin laga naxo.
Markaas inkastoo aan maqal goor safiirka wareega xilkii hore laga
badalay, malaa waxaaba laga dhigay guddoomiyaha olalaha doorashada
ee wareega. Bal arrintan xukuumaddu faah faahin haka bixiso. Mise
waa nin daad qaaday xunbo cuskay, w axaaba laga yaabaa
diblomaasiyiinta daayoo in ciidamada qarankana la yidhaahdo UDUB
usoo olaleeya. Iyadoo aan ogayn ciidanka waddooyinka baabuurta la
siyaas adeeyey oo taliyihii taraafikadu shaqadiisii ku waayey markuu
xaalka ka bax shay falalkii jidgooyada ahaa ee loo galay
guddoomiyaha xsibiga KULMIYE, ee ku dalla cay guddoomiye ku
xigeenkii taraafikada ee guddoomiyaha u diiday inuu ka qayb galo
xuskii dhacdadii naxdinta lahayd ee weerarkii argagaxiso ee lagu
qaaday caasumadda Hargeysa.
Mise xukuumaddu mucaaridka ayaabay argagixisada kaga daran, sidii ay
dhawaan ku tiraabeen xubno ka tirsan hoggaanka sare ee olalaha
doorashada UDUB, oo iyagoo halkii dadka uga soo bandhigii lahaayeen
wixii lagu dooran lahaa, iyo wu xuu ummadda u qabtay markuu wuxuu
keeno oo laga dhegaysan karo waayey yidhi, KULMIYE argagixiso ah.
Taasoo ku tusaysa inay xisbiga UDUB ku fashilmeen siyaasaddii oo
waayeen dadka waxay ku jiitaan, sidoo kalena aanay lahayn barnaamij
siyasaadeed iyo aragti toona.
Laakiin xisbiga UDUB ma ogyahay inaanay waxba u gaysan KULMIYE ee
hadalkaasi meel ka dhac ku yahay jiritaanka iyo qaranimada
Somaliland, waayo haddii xisbiga mucaaridka ugu wayne ee KULMIYE oo
helay doorashadii hore ee madaxweynaha in kabadan 40% uu argagixada
taageero, markaas taas macanaheedu waxaa we eye Somaliland baa
argagixisa taageerta,runtiina waa arrin aan laga fiirsan.
Laakiin xukuumaddu waa inay faah
faahin ka bixisaa arrintaas oo ka hadashaa si aan loogu arkin inay
tahay siyaasad cusub oo xukuukaddu ku tilmaanto argagixiso wixii
siyaasadeeda dhaliilaba.
Xubnahan aan soo sheegayna ee safiirada ahi waxay ceeb ku yihiin
diblomaasini mada, waxaana habboon inaan lagu tilmaamin safiiro ee
la siiyo cinwaano kale oo siyaasadeed, si aan meel looga dhicin
diblomaasiyiinta sharafta leh. Waxaana laga yaabaa xubnahan aan kor
kusoo sheegnay aanay laftigoodu garananyn shaqada uu Riyaale u
magacaabay oo ilaaween inay qaranka xil u hayaan una siman yihiin
muxaafid iyo mucaaridba, oo moodeen inay si shashi ugu shaqeyaan
madaxweyne Riyaale.
Somaliland waxay leedahay boqolaal diblomaasi oo kala jooga dunida
dacaladeeda oo iyagu ku hawlahan hawlihii loo igmaday oo aan iyagu
isku mashquulin siyaasad da arrimaha gudaha siday caadaysteen
xubnahaas aan kor kusoo sheegnay ee ka badin waayey xaafidihii
Hargeysa.
Ugu danbayna akhristaha ayaan u dhaafayaa jawaabta su'aasha aan ku
bilaabay maqaalka ee ma siyaasi baad tahay mise diblomaasi?
Waad mahadsantihiinm
Cabdi C. Xasan
London, UK
|