Ma ninkii yidhi Riyaale Dastoorka ha loo furo weligii dalka ha ka
taliye.

Waxaan salaamaya dhamaan saxaafada xorta ah iyo dhamaan shacabka
Somaliland , wax aa mar qudha saxaafada ku soo baxay rag badan oo u
ordaya sidii ay u hanan lahaayeen jagada
Waxaan salaamaya dhamaan saxaafada xorta ah iyo dhamaan shacabka
Somaliland , waxa a mar qudha saxaafada ku soo baxay rag badan oo u
ordaya sidii ay u hanan lahaayeen jagada wasiirka arimaha gudaha ee
uu dhawaan iska casilay Dr Gaboose , maaha wax lala yaabo in ragaasi
ay ololeeyaan ama ay raadiyaan jagadaas laakin waxaa la yaaba ah nin
ka ragas mid ah oo magaciisa aad loo qaada dhaigay waa Ali Waran
Cade.
Ali Waran Cade waa nin jagooyin badan dalka ka soo qabtay, laakin
horaa loo yidhi ninka raga waxaad ogaata marka ay xaaladu
qadhaadhadaato, waxaan uga socda Cali Waran cade wuxu u ahaa nin aad
loogu hanweynaa , laakin Cali wuxuu noqday geedki uu Cigaal Shidaad
sheegay ee uu yidhi waxaan ku mooday mise waxaad noqotay mise waxaan
loo noqon doonin. Cali wux uu mar qudha shacabka indhahooda ka dhacay
dharaar cad markii ay shacabki gadoodsanaa ay ku dhawaaqeen is casil
waa maalintii ay dawladii Riyaale xidhay golihii dalka ugu sareeyey
ee sharci dejinta. Waxaa weliba saaran tuhun weyn oo ah inuu isagu
ka danbeeyey rasaasay nti shacabka ee maalinta ka dib markii uu u
gudbay dhinacii madaxtooyada kana dalbaday cii damadii inay
dagaalamaan, taas oo dhalisay inay halkaa ku shahiidaan laba
dhalinyaro ah waa maalin aanay shacbku weligood ilaawayn.
Wuxuu dhacay maalintii uu sida cad ugu baaqay in
Distoorka
Somaliland dib loo furo si uu mad axweyne Riyaale
dalka isagu
taladiisa uu hayo inta noloshiisa ka hadhay, macaheeduna wuxu u
noqonayaa wax dimuqraadiyad la yidhaahdo oo aan jirayn iyo
diktaatoornimo hor leh.
Waxaan ugu baaqayna madaxweynaha inaad arintaa ka fiirsato hadii
kale waxay noqonaysa inaan siyaasi dambe la isku halayn doono ,
halkaan aad meel kaga dhacayso taageerayaashi xisbiga ee kuu
hiilinayey mudad dheer.
Sabriye adam
sabriye2010@hotmail.co.uk
|
|