XILGABAYAASHA WAKIILADA OO SIDOODII SACABKA U TUMAY DULMIGA

 


Ma aha xil-dhibaan ninka ummadiisa aan u damqan, ma aha xildhibaan ninka aan dhaarta xu suusan, ma dhibo xilku dhuuni raac aan dhergin. Waa xil-gabe ninka intaas ku dhaqma. Maan ta waxa cadaatay inaan shacbigu lahayn cid matasha. Waxa xildhibi noqday sagaal xildhiba an oo keliya inta kale waa xil-gabayaal hunguri hoday iyo dan gaar ihi.

Waxa ka daran siday ummadda beenta ugu sheegayaan. Waxay ku tilmaameen axraarta dh aartu damaqday inay yihiin qaar diidan horumarka. Xaasha. Horumarku ma boobkaa, ma qaa tay ee qaadaa, ma cashuur qof loo nisbaynayaa. Lacagta danyarta la saaraayo, maxaa u diidan raggan malaayiinta sanadkii ka macaasha bulshada in laga helo macaashal macaashka xaqqa loogu leeyahay. Dahabshiil waxuu ummadda sarifka ka helaa laba jeer, kolka hore laca g adag ayaad u dhiibtaa taas waxuu ku sarifaa dulsaar, haddana shilin ayuu kuugu rogaa iy ana waa u dul saar, wax dheer inuu boqolkiiba 3 ila 5 khidmad uu kaa qado si uu lacagtaada ku xawilo. Waa xaraan diin ahaan iyo nidam ahaanba. Khidmadu waa inay ahaata lacag go' an.

Ma ogtahay in baananku beryahan ku amaahinayaan lacagtooda ood bixinayso wax ka yar 3% kolkaad lacagtooda sanad dhan ku shaqaysato. Kiiba xaraan ah ma ninka lacagtaada 3% ka qaatay mise kan lacagtiisa ku amaahiyey sanad dhan ee kaa qaatay 3%. Yaa wadaad ke yn fikrad sax ah, ma aha ribadu la jiifiyana banaan. Waa rabo in boqolkiiba lacag khidmad ah laga qaato. Wax taas dheer inuu lacagti qaranka iyo shacbigaba uu ku shaqaysto. Wax faķid o ahna aanu bixin oo uu yidhaahdo waa xaraan oo islaam ayaan ahay. Haye, hadda isagu xisaabta uu baananka la leeyahay ee lacagteenu marto, waxuu ka qaata faķido, isaga waa u xalaal wadaadow miya...
Waxaas oo macaash ah ee uu bulshada ka sameeyo haddana cashuurta macaashka lagama hayo. Ku dar kuwa tilifoonada ee Somtel ito Telesom, iyo kuwa Korontada oo dhammaan ah qaar aan aadmigu ka maarmin oo sicirka ay doonaanba dadku ku qasban yahay. Malaayinta ay ka macaashaan maxay ummadda ku soo celiyaan.

Waxa dabogalkoodu shaqada ku waayey Wasir Maxamed Xaashi, waxayna soo dirteen nin iyaga ka mid ah oo share ku leh Telsom iyo Redsea iyo Africa on LIne , waa wasiirka maanta ee Samaale. Horeyna waxa gudaha ugu jiray oo u eeg nin dalkaba ka taliya Waasiir Xirsi. Labada Wasiir kama gabadaan dantooda gaarka ah, kamana xishoodaan inay lacagta umma dda ku fushadaan dano qaloocan. Waxay soo abaabuleen Cashuur kordhin sifo gaar ah uga baxsaan maamulka lacagta ee xukuumadda. Waa tan shalay loo ansixiyey ee Takaaliifta Wad ooyinka.

Waligaa ma maqashay xeer muddo sacaado ah lagu hawl galiyo oo madaxweynahu saxeexo. Waa kow. Waayo waa Xeer Xirsi oo odayga meesha uu saxeexaayo ayuunba gacanta loo sa aray, hadduuna Xisri baranba sexeexa hawsha yar ee madaxweynaha. Waxa dhab noqot ay in Xirsi yahay ninka meesha ka taliya, waxa iyana rumowday fikirkii laga heystay Xilgabayaa sha.

Arrintuna waxay u taala shacbiweynaha dulqaadka nacasnimo leh. WAxa hubaal ah in taari ikhdu ayna u nixin kuwa xaqooda ilaashan waaya. Waxayna kaliftaa khaase badan oo naf iyo ruuxba leh kolka ay ka baaqdaan qalad ay si nabad ah ku sixi karaan. Haddaad maanta muda haraad kari weydo ogow inaad wax ka culus kugu kalifi doonto inaad xaqaaga hesho.

Madaxweyne maanta kuu ducaynmaayo oo waxaan ogaaday inayna waxba kugu hadhin oo xilkaagi uu si dhab ah u hayo Madaxweyne Xirsi. Waxaanan ka codsanayaa Madaxweyne Xirsi inuu ogaado in maanta la ogaaday inuu madaxaeyne yahay, isna looga fadhiyo inuu u dhaqmo sida Madaxweynanimo, waxii xumaan iyo wanaag jirana uu isagu leeyahay. Odaygii la doortay waxuuu maray dhabadii Mursi oo adoo fasaxa mooyee meel ma aado, cidna lama kulmo wuu kuu xidhan yahay, adna waxaad tahay Sida Siisiga Masar oo dalka si dadban ayaad u xukuntaa. Somaliland cid aaan taas ogayni ma jirto.

Madaxweyne Siilanyo Alle caafimaad ha ku siiyo, si aad xilkaaga ula soo noqoto, ood xabsiga Xirsi uga baxdo.
 


Cabdi Xaji Axmed
hargeysawi@ymail.com.