Liiska Masuuliyiinta Xukuumadda Madaxweyne Biixi Ku Jira Ee Faro Madhan Kala Soo Hoyday Deegaamadoodii Iyo Cabsi Xoog Leh Oo Ay Ka Qabaan In Xil Ka Xayuubin Lagu Sameeyo

 


Hargeysa (TNN): – Tan iyo markii lasoo gunaanaday Natiijada Doorashaddii Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiiladda ee Dalka ka qabsoontay 31-May-2021, ee lagaga awood roonaaday Xisbi Xaakimka Kulmiye ayaa waxa isasoo taraya warbixino iyo xam-xam hoose oo laga dhex maqlayo dhinaca Xukuumada iyo qasriga Madaxatooyada taasi oo la isku riix riixayo guuldara kasoo waajahday Doorashadani.

Illo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore helay ayaa sheegaya in Meelaha ugu badan ee Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddu u sibir saarayaan Guuldarani ay tahay qaabkii loo soo xulay Xubnihii G oleyaasha Deegaanka iyo Wakiiladda ee Tartanka uga qayb galay Xisbiga KULMIYE kuwaasi oo intoodii badnayn guudaraysteen. Wararkan ayaa intaasi ku daraya in meesha labaad ee Guuldarada horseed ay iyana ay ugu horayso oo ay kaw ka tahay masuuliyiin Xukuumadda kaga jira deegaamo door ah oo Kulmiye ku guuldaraystay kuwaasi oo aan gacanta ku hayn kalsoonida Deegamadooda iyo dadka ay ku matalaan Xukuumadda.

Hadaba Wargeyska Foore ayaa helay masuuliyiinta loogu hadal haynta badan yahay ee Guuldarada ug u wayn uu Xisbiga Kulmiye kala kulmay Deegamaddooda kuwaasi oo tan iyo markii lagu dhawaaqay doo rashada ee ay ogaadeen faro badhnaanta deegamadooda laga joogo iyo guuldarada Xubnihii ay KULMI YE keeneen aan badhida dhulka dhigin. Masuuliyiintan ayaa ka wal wal qaba in Xil ka xayuubin lagu sam eeyo islamarkaana Xukuumadda laga dareeriyo maadaama oo ay Xukuumadda ay ka tirsan yihiin ee Ku lmiye waji gabax kala kulantay Deegamada ay kasoo jeedaan.

Masuuliyiintan ayaa waxa ka mid ah, Gudoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha Qaranka Cabdikarin Axm ed maxamed Xinif, Wasiirka wasaaradda Maalgashiga, Maxamed Axmed Cawad, Wasiirka Arimaha Guda ha, Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Xasan Maxamed Gaafaadhi, Wasiirka Gaadiidka iyo Hore marinta jidadka Cabdilaahi Abokor Cismaan, Wasiirka Wasaaradda Beeraha Axmed Muumin Seed, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad Saajin, Wasiirka wasaaraddda Xannaanadda Xoolaha Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Shugri Xaaji Ismaacil baandare, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Wasiirka Waxbarashada Axm ed Maxamed Diiriye (Toorno), Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Maxamed Muuse Diiriye

Dhamaan masuuliyiintan aan kor ku xusnay oo iskugu jira Wasiiro iyo Masuuliyiin kale waxa ay ka mid yi hiin Kooxo inta badan hor cararayay ololihii Doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiilada, waxaan ay saamayn ku lahaayeen oo ay ka ololayeen deegamadooda, sida Burco-Togdheer, Ceerigaabo, Berbe ra, Hargeysa iyo Gobolka Awdal kuwaasi oo dhamaantood Xisbiga KULMIYE lagaga adkaaday Doorasha sda waxa kale oo xusid mudan in Xubnihii ay masuuliyiintani keeneen ay ku guuldaraysteen Doorashad a kadib markii ay waayeen codka deegamadooda, waxaanay u muuqdaan kuwa waajihi kara talaabo ka sta oo suurtagal oo kaga timaada Dhinaca madaxtooyadda taasi oo xilka lagaga xayuubinayo.

Dhinaca kale waxa isasoo taraya wararka sheegaya in Madaxweyne Biixi dib u eegis ku samaynayo Xuk uumaddiisa kadib Guuldaradii uu kala kulmay Doorashadii Deegaanka iyo Wakiilada ee dalka ka qabsoontay dhamaadkii bishii hore.
 




Xigasho: Wargeysaka Foore