LA-TALIYAHA MADAXWEYNHA EE DHAQAALAHA AXMED CARWO, OO TACSI U DIRAYA
EHELKA MARXUUM ABWAAN CALI BANFAS
Waxaan tacsi u dirayaa ehelka, ubadka, tafiirta kale, gacalka,
qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta uu marxuum ABWAAN CALI XASAN
ROODHIILE (CALI BANFAS) ka tegay meel kasta oo ay joogaanba . Sidoo
kale waxaan tacsi u dirayaa shacbi weynaha Somaliland iyo Soomali oo
dhan, gaar ahaan gobalka Maroodijeex ee uu ka soo jeeday iyo bahda
abwaanada Soomaaliyeed.
ABWAAN CALI BANFAS waxuu ahaa diiwaanka taariikhda halganka
Somaliland.
Geesi noociisu naadir yahay, aan hadalka la gaban, garyaqaan xaqqa
ku addima, nin weedhiisu tuf leedahay oo carabkiisu damqo daalin
kasta oo dadkiisa duudsiye, nin ereyga uu yidhaahdaa ka nixiyo inta
aan dadkooda u damqan, nin aamin san xorriyada afkaarta qoraal iyo
hadalba. Nin tilmaama oo toosiya madaxda kuna soo rida tubta toosan
iyo dariiqa wanaagsan. Waxuu ahaa fariin yuururta oo il dheer, nin u
damqada danyarta iyo qofka dulman. Waa nin galay taariikha
Soomaaliyeed oo qalin dahab ah lagu qoray, gabaayaa iyo maansoyahan,
ku caan baxay cilmiyeenta afka Soomaliga. Macalin weyn oo ummadda u
horseeda tiigsi dheer oo wanaag iyo himmilo sare leh.
Waxuu tilmaan badan ka bixiyey himmilada shacbiga Soomaliland oo uu
gabayga la baxay DARDAARAN uu ku yidhi sidan:
....damal aan la jarin baan ahee daysta midhihiina
dan qudhaynu wad leenehee daaf u wada jeeda
dabku yuu iga seexanine dogobyo weyn saara
daroorimad waan necebehee daadka iga moosa
daldaloola badan baa jiree daah isaga yeella
dadnimadu hiday noo tahay dariska nooleeya
qoladii wax daandaansatana daafac ku lahaada
dacr iyo inaad malab tihiin dunida gaadhsiiya...
Dardaarankaas cali waxuu tiriyey xiligii halganka SNM, isagoo ku
arkaayey aragti dheer iyo fikir abwaan.
Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu u naxariisto oo uu janatal fardows
ku abaal mariyo, innagana dhammaan inaga siiyo samir iyo Iimaan.
Ahmed Hassan Arwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga
Hargeysa,
Eci.advisor@ymail.com
http://samotalis.blogspot.com/
|