La-taliyaha Dhaqaalaha, Gancacsiga iyo Maalgashiga Mudane Axmed
Xasan Carwo waxa uu tacsi u dirayaa, Ciidamada Qaranka Somaliland.

La-taliyaha Dhaqaalaha, Gancacsiga iyo Maalgashiga Mudane Axmed
Xasan Carwo waxa uu tacsi u dirayaa, Saddexda Ciidan qaran gaar
ahaan ciidanka Booliska, oo uu ka tacsiyadaynaayo geerida ku timid
ALLE ha u naxariistee taliyihii hore ee Ciid anka Booliska Marxuum
Cilmi Rooble Furre (Cilmi kabaal) oo maanta 25/03/2015 ku
geeriyooday Dalka Talyaaniga.
Sidoo kale waxuu tacsi taa la mida u dirayaa, Madax-dhaqmeedka Awdal
iyo Salal, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga
Somaliland, ee uu ka baxay marxuumku.
Marxuumka oo markii u danbaysay ahaa Suldaan ka mida sulaadiinta
Somaliland, waxuu safka hore kaga jiray nabadeyntii beelaha
Somaliland iyo dhismaha qaran ka Soomaliland, isagoo kaalin muuqata
mar walba kaga jiray dhismaha dalka marx alad kasta ooynu soo marnay.
waxaanu La-taliyahu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii
jannatu farda wsa ka waraabiyo, ciidamada kala duwan ee qaranka
somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga
Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
|