Lafaha Dadkii Ku Aasnaa Xabaal Wadareeyada Oo La Soo Ba n dhigay Iyo Khubarada Ku Hawlan Oo Shaaca Ka Qaaday In La Xasuuqay

 

 


Gudoomiyaha guddiga dabagalka xasuuqa Khadar Axmed Like oo Saxaafada uga


Hargeysa (TNN) - Guddida dabagalka xasuuqii shacbiga reer Somaliland uu u gaystay taliskii Siyaad Barre ee dalka ka amar ku taaglayn jiray ayaa soo bandhigay lafaha dad farabadan oo la xasuuqay, isla markaana ku aasnaa xabaal wadareedyo ku yaala badhka, oo taliskaasi xasuuqay 1984-kii, waxaanay sheegeen in tirada dadka xabaal wadareedkaasi ku aasnaa ay tiradoodu tahay dadka lafahahoodii ay soo saareen 38 qof oo goob kaliya lagu wada laayay.

Gudoomiyaha guddiga dabagalka xasuuqa Khadar Axmed Like oo Saxaafada uga waramay Hotel Adamis in Hotel ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in lafaha dadkaasi ay ka soo saareen xabaal wadareeda Badhka ee duleedka koonfureed ee magaalada Hargeysa lagu laayay 1984kii, isla markaana khubarada hawshan baadhitaanka ka shaqaynaysa macluumaa dka dadkaasi la xasuuqay ay soo saareen qalfoofka dadkaasi, isla markaana ay khabiiradu cadeeyeen in dadkaasi la xasuuqay, waxaanu Khadar Axmed Like intaa ku daray, in khubara dan cadaanka ahi ay tababar siinayaan arday Jaamiciiyiin ah oo Somaliland ah, kuwaas oo uu sheegay in mustaqbalka ay hawshan dabooli doonaan, maadaama ay baranayaan macluuma adka baadhitaanka xasuuqyadii shacbiga reer Somaliland rajiimkii Siyaad Barre u gaystay.

Gudoomiyaha guddiga dabagalka xasuuqa waxa uu intaa raaciyay in lafaha dadka ay soo ba ndhigeen ay ku jiraan qaar dharkii ay xidhnaayeen oo rasaastii lagu laayay ku taalo.
Gudoomiye Khadar Axmed Likke waxa kale oo uu sheegay in hawshan xasuuqa lafaha dadkaa si xabaalwadareedyada ku jira ay baryahan dambe ee lagu guda jiray baadhitaanada ay dad ka cadhoodeen, kuwaas oo uu tilmaamay in aanay dhibi ku jirin baadhitaanada, balse dadkaa si qaldan yihiin una muuqdaan kuwo ka raali ahaa in la xasuuqo bulshada.



Ugu horan isaga oo arrinkaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Sidii aad ka war haysaan hawshii aanu wadnay ee aanu ku baadhaynay labadii xabaalo wadareed ee badhka ahaa ee aanu wadnay baanu maanta doonaynaa in aanu gabogabadii halkan ku soo bandhigo, halkaas waxa laga soo helay 38 qof, taas oo ay qoladan inala joogtaa cadeeyeen sidii loo dilay inay ahayd xasuuq, si naxariis daro ahna rasaas loogu furay loona duugay, si aan dan laga lahayn in dadkaasi la isku dul tuuray, waxa kale oo ay muujiyeen qof kasta intii rasaas ahaa ee ku dhacday iyo sidii loo dilay, waxaana ka mid ah qofkii gashanaa safaarigaas oo kale waxa laga tiriyey 25 xabadood inta ku dhacday, waxay inoo cadeeyeen khabiiradu inay dilka noocaas ahaa xasuuq, sidaa naxariis darada ah ee loo laayeyna ay iyagu cadayn doonaan, xabaalihii waa laga soo wada qaaday wixii laga helay lafo qof waliba goonidiisa ayaa la iskugu geeyey, la iskuna rakibay oo lagu cadayn doonaa qof waliba sidii u eekaa sida looga qaadi doonaa DNA ama lafiha ay baadhitaan ku samaynayaan”ayuu yidhi.


Sidoo kale waxa warbixin kooban ka jeediyay halkaasi Dr Franco Moro oo ah khabiir ku takhasusay lafaha dadka la xasuuqo, ayaa sheegay in dadkaasi la xasuuqay, isla markaana xabaalwaradeed lagu wada aasay, kuwaas oo uu cadeeyay inaan loo aasin sidii cadiga ahayd, waxaanu cadeeyay in dadkaasi lagu dilkooda loo adeegsaday rasaas, isaga oo soo bandhigay qaar ka mid ah dharkii ay xidhnaayeen oo mid ka mid ah shan iyo labaatan xabo oo rasaas ahi ku dhacday Safaarigii uu xidhnaa, waxaanu intaa ku daray in hawshan baadhitaanada ay sii wadi doonaan, isla markaana macluumaadka baadhitaanada ay soo bandhigi doonaan.

Khabiirkani waxa uu xusay in dadkaasi ay ku jireen dhalinyaro dad waaweyn iyo dad yaryar-ba.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay mid ka mid ah ardayda Jaamicadaha dalka ka qalin jabiyay oo kooxda khubarada ahi tabarar siinayaan baadhitaanada dadka la xasuuqo, ayaa sheegay in hawshan ay ka faa’iidaysanayaan, isla markaana ay dadkooda iyo dalkooda uga faa’iidayn doonaan macluumaadka ay baranayaan.


 



Khalid Ibraahim
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland