LACAG DHAN $ 300,000 OO LAGU MINJAXAABINAAYO GUDDOMIYE CIRO




Hargeisa : Xarunta Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa Shalay laga dareemayey dhaqdhaqaaqyo kala duwan iyo is-weydiimo bulshadu aad u xiisaynaysay inay jawaabo u helaan, kuwaasoo isugu jiray bal sida xaal noqon doono marka ay isa soo barbar fadhiistaan Gudoomiyaha Golaha Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, iyo sidoo kale, labadiisa ku-xigeen Md. Baashe Maxam ed Faarax iyo Md. Cali Yuusuf, oo hore isu maan-dhaafay.

Waxa kaloo, Iyana farta lagu fiiqayey dareeno bulshadu ka sugaysay furitaanka kal-fadhiga 23-aad ee Golaha Wakiilada oo dib loogu dhigay Sabtida toddobaadka dambe, dareenkaasina waxa uu ahaa mooshin si weyn loo dareemayey dhowrkii maalmood ee u dambeeyey, kaasoo sida la sheegay lagu dhex falkinayey Qasriga Madaxtooyada ee Qaranka looga taliyo. Sida wa rarka qaarkood lagu sheegay mooshinkaa waxa hawshiisa gacanta ku haya Marwada Madaxw eynaha Marwo Aamina Sh.Maxamuud Jirde, Wasiirada Duulista Hawada, Waxbarashada iyo Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, iyo sidoo kale, Xildhibaano Golaha Wakiilada ka tirsan oo ay xubno ka yihiin Xildhibaan Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan), Xildhibaan Axmed Diiriye (Ina Diiriye Nacnacle) iyo Xildhibaanka doolka ku tegay KULMIYE Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari).
Mooshinkan oo ah mid ay Xukuumadu ku doonayso inay ku hor-joogsato ansixinta Guddida joog ta ah ee Golaha Wakiilada oo ay Guddoomiye iyo Xoghaye Guud ka kala yihiin Xildhibaan Ibraa hin Mahdi Buubaa iyo Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale, waxa qorshaha suurtogelintiisa Mada xtooyadu u astaysay lacag lagu qaday Sadex Boqol oo Doolar ($300,000), lacagtaasoo sida wararka lagu sheegay ay Wasiirada iyo Xildhibaanada u xaydan mooshinku kasii amaahdeen Wiilka Madaxweynuhu Adeerka u yahay ee Cabdirisaaq Jaamac Ismaaciil (Cumaani) oo isagu qaniimad ka helay Dhismeyaasha Waddooyinka, Madaarada iyo Qandaraasyada Qaranka ee Madaxtooyadu kootada ugu xidhay.

Dhaqaalahaas xadiga leh waxay Madaxtooyadu ugu talo gashay inay ku kala qeybiso Mudane yaasha Golaha Wakiilada, si ay meel-marsato qorsheyaasha ka dhan ka ah go’aanada Golaha Wakiilada iyo Gudoomiyahaooda. Geesta kale, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa diidan mooshinka iyo farogelinta Xukuumada, gaar ahaan Qasriga Madaxtooyadu ku hayo Golaha Wak iilada, isla markaana tallooyin Caafimaad qaba ka dhiibtay doodda iyo falaan-qeynta Madaxto oyada ee ka dhanka ah Aqalka koowaad ee Baarlamaanka, kuwaasoo bedelka arintaa soo jeediyey in la isu soo dhaweeyo Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, wallow sida wararka qaarkood xusaan in Madaxweyne Siilaanyo aanu mustacajal ku ahayn qorsheyaasha Dagaalka Golaha Wakiilada ka dhanka ah ee laga wado Madaxtooyada.

Xubnaha ku hawlan isu soo dhaweynaha Madaxweyne Siilaanyo iyo Gudoomiye Cirro iyo soo af jarida khilaafka labada dhinac, ayaa waxa ka mid ah Wasiirka Maaliyada Md. Cabdicasiis Maxa med Samaale iyo Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi Cali X. Xasan, waxaana la filayaa in xubnah ani kulan fool-ka-fool ah Maanta ama Berri isu soo hor-fadhiisiyaan Madaxweynaha iyo Gudoo miyaha, wallow’se aan la saadaalin sida uu u midho-dhali karo furdaaminta khilaafkani, maadaa ma Madaxtooyadu ku hawlan tahay qorsheyaal midkan kasoo horjeeda.
Khilaafka cakiran ee ka dhex curtay Madaxtooyada Golaha Wakiilada, waxa uu si rasmi ah u soo shaac baxay kadibXukuumada Somaliland ayaa bilowday dhaq-dhaqaaqyo Siyaasadeed oo ka dhan ah hoggaanka Wakiilada iyo guud ahaan Golaha, kadib markii ay ku guul-daraystay dedaal lo ay ku doonaysay in Xildhibaano ay danaysay noqdaan hoggaanka Guddi hoosaadyada Golah a, taasoo sababtay in khilaaf cakirani soo kala dhex-galo Xukuumada iyo Golaha Wakiilada.


 



Ali Jama
caateye2006@yahoo.com