laba kaclaynta Riyaale iyo shir qoolka uu maagan yahay

 

Doqon Bay imoodeen - Riyaale

 

 

 

 

 

 

 

Akhristoow waxaa Marag ma doonta ah sida Shacabka gobka ah ee Somaliland uga soo gudbeen caqabo badan oo la soo dersay intay jirtay oo ay maleegeen waxma garato u dhashay Somaliland iyo cadowga dibaduba magacay doona ha lahaadaane iyadoo isku duubnida iyo kalsoonida shacabku inaga badbaadisay dhibaatooyin badan oo ku habsaday ama la soo darsay kuwa magaca guud aan wadaagno ee inala deriska ah Eebaa mahad leh. Waxa iyana xusid mudan in Madaxdii Somaliland ee kala dambaysay mid welba tamartiisu meel ay dhigtaba uu dadaalay iskuna dayey in wax qabad fiican muujiyo ha kala badsadaane.

Waxa la wada ogsoon yahay siduu Mudane Riyaale kursiga ku yimid xushmadii kala danbayntii iyo qadarintii iyo tanaasulkii shacabka reer Somaliland muujiyeen ka dib geeridii madaxweyne cigaal. Mudane Riyaalana waxa uu muujiyey waxqabad iyo kalsooni intii u dhaxaysay Geeridii madaxweynihii ka horeeyey iyo doorashadii danbe isagoo si kalsooni ku jirto u hirgeliyey codayntii qaranimada somaliland tii deegaanka tii madaxtooyada iyo waxyaabo kale oo mudnaan badan. Waana taa tuu ku mutaysatay in shacabku ku doorto oo Xisbiga kulmiye kaga badiyo 80 cod.

Hadaba iyadoo sidaa tahay baa waxa sidii caadada u ahayd madaxda afrika marba mar ka danbaysa ay sii jeclaadaan kursiga. Kuna fakira sidii ay u sii dheeraysan lahaayeen in ay ku abuuraan bulshada xalaasha hagardaaamooyin ay soo maleegaan . waxay abuuraan xaalado cakiran oo mujtamaca dhexdiisa xaasaasi ka ah oo mid weliba waqtiga ku sii dheeraysanayo dadka shacabkuna dareemayo. shacabkana ku adag tahay inay ku dhiiradaan ficil jawaaba oo ay ka bixiyaan iyagoo diidaya in ay qaadaan talaabo khalkhal gelin karta nabada .

Waana ta keentay maanta riyaale oo la wada jeclaa in uu la soo baxo midabkan uu rabo in uu ku sii cimri dheeraysto . Hadaba hab dhaqankan xun ee xasaasiga ee aan halkan idiinku soo bandigayaa waa tu uu ugu abaal gudayo shacabkii somaliland ee u hanka weynaa todobadii sano ee Riyaalo xukumayey dalka iyo dadkaba. Sida laga dareemay magaalooyinka iyo golayaasha lagu falanqeeyo siyaasada waxala isku raacay in mudooyinkan u danbeeyey Riyaale ku talaabsaday ama ku mashquulsanaa siyaasad ka gedisan tiisii hore oo xajiimo badan wadata lana maagan yahay doorashooyinka soo socdaa jab iyo hoog . isagoo isticmaalaya falsafadii gabowday ee (Divide and Rule) Qaybi oo Xukun in uu markan rabo in uu ku soo baxo doorashadan cusub , kuna maamulo isaga oo ka fiidaysanaya waaya aragnimadii uu ka helay intii uu maamulka hayey. Isagoo run ahaan tii darsayeyyey umadu cid walbaa waxa ay jeceshahay .

Isagoo waqtigan ay u qorshaysan tahay sadbursi uu u samaynayo gobolka uu ka soo jeedo . markuu arakay dadku sida ay u dhoohan yihiin iyo weliba beelaha gobolada dhexe siday isagu muuqdaan oo aysan dareen kale ama tuhun xagiisa ka qabin , maadaama iyaguun isu muuqdaaan isna og yahay . Sirtan oo aan ka helnay ilo u dhow madaxtooyada oo ka mida garabyada uu wax ka dhegeysto odaygu oo si kadisa uga soo dhacday meel mirqaan oo kaftanku is qabsaday! Waxa Riyaale uu damacsan yahay in uu u qaybiyo dalka saddex Gobol ama (sadex Qaybood) oo uu u kala bixiyey , Gobolka Galbeedka , Gobolka Dhexe , Gobolka Bari. Isagoo u kala dhigay hab qabyaalad oo ah Samaroon , Isaaq , Harti.


Waxana u qorshaysan mid walba habkii uu u degey iyo habkii xukunka qaybtiisa uga siin lahaa isagoo mid walba hoga tusaalaynaya Awlalka uu siinayo ee uu xaqa u leeyahay, bal hadaba ila eeg Akhristeyaal adoo miyir ku daraya casaabadana dejinya caqligaagana kaashanaya:-



1- Samaroon

Walaalayaal hadaad samaroon tihiin dhoohan tihiin waxa idinka maqan ma garanayo waayo kursigii ugu sareeyey dalkan baad ku fadhidaan , dhulkii aad ku hamiyeyseen wataa soo si cilmiyeysan waanigaa idiinku sharciyeeyey, laga soo bilaabo Saylac ilaa waqooyiga hargaysa ilaa albaabka Berbera yaa idinka hor jooga . dhinacan oogada hadaan idin xasuusiyo marinka ganacsiga ee wajaale waqti aan dheerayn idinkaa la wareegaya oo waxaa tusaale idiinku filan waa Kuma imika Guddoomiye ku xigeenka Degmada Wajaale? Waa nin samaroona.Maxaa idinka maqan ? maxaad madaxweyne ku xigeen iyo hambo ku falaysaan ? idinka oo dhamayo caanaha ku jiro Gorofka xoorka leh , hambadana siinaya kuwa sheegta badida , gobta , isla weynida iwm. Waxan inagu soo xidhayaa harti oo xisbigii ( USB ) Jeegaanta ayaan hoosta kaga tolay UDUB oo waa isla soconaa iyagana (harti) inta wax ila fahmaysa . markaa weligeen kursiga ka dagi mayno , kuwana sidaan u bartayna caruurtayda uma baran oo waqtiba uma helin oo iyaguun baan ku mashquulsanaa. Taasi idinkuba markhaati baad iiga tihiin in iyaguun aan isku jabiyo oo jeelasha ku rido haldoorkooda ka dhaqdhaqaaqa anoo u isticmaalaya ama u adeegsada mid walba ka u xiga. Idinkuna waad ogtihiin in aanay wax isku ogolayn sidaad ula socotaanba . weligeed ha habaraysato ama ha libaaxyeyso qorsho dheer baan u degey oo aan helay waqtigii marxuumku meesha ii baneeyey oo ayaguun baa isiiyey naqshada ee sidaa ku seexda.


2-Isaaq

Habar awal- Ciise Muuse idinku waxa tihiin dad dawladi waxay tahay yaqaan xukumi jiray xukumi karana waxana idinka dhashay Aabihii Somaliland ee dawladan iyo nabadan aan ku naaloonano cagaha u taagay , aniguna dhabihiisii dariiqiisii uun baan daba socdaa oo ka leexan maayo idinkana idinkama maarmo oo mar walba ku xigeenkayga ayaad tihiin ilayn dad dawladi waxay tahay yaqaana baad tihiine , haddii aan is odhan lahaa u yar banee waad ogtihiinoo ma hirgelayso oo waa la idinka ciidaynayaa waanad aragtaan waraabayaasha halkan soo taagan , ee hadh iyo habeen iga laalada ee leh nagama qudhuntoo nagama qalashoo waa markayagii , cid kale iskaa daayee kuwan aad wada dhalateen ee sacad muuse ee Munaafaqadu googaysay ee aan wax isu ogolayn ee aan cidna wax u ogolayn ee is yasaya ee dadka kale yasaya ayaaban idin odhanaya ku qasbso ku qadimayside sowtaad waqtigiinii soo qaadateen waa markayagiiye. Markaa bahasha aan ka dhigno boqortooyo yar oo dadban ee ila socda kuwan kalana aniga igu daaya wax kaleba maan baran intaan meesha joogee. !


Sacad Muse- Waar sacad muusoow dawladan Somaliland udub dhexaadkeedii baad tihiin , idinka laáantiin ma jirayso mana joogayso , dhib iyo dheefkeediina idinkaa iska leh , waayo caasimadii waa magaaladiinii , ilihii dhaqaaluhu idinkuu gacanta idiinku jiraa , maamulka meesha ka dhaqaaqaya qayb iyo badh baad leedihiin , talada aad soo jeedisaan kama hor imanayo, dee tiro iy tayoba idinkaa ku leh maxaad iga rabtaan meesha aan idiin fadhiyee ? Anigu waxan ahay uun maqaar saarkaa meesha fadhiyee. Mise waxad rabtaan Garxajiskan danbaha qaniinsan in aan meesha u dhiibo ? ilayn waad garanaysaanoo bahashu daacad kama ahoo anagaa is oge. Mise habar jeclaan ku wareejaa oon iyadu cidba wax u ogolayn? Mise Arabkan Xayraanka ah ee Gobolka hawd uun caqli ka garanaya ee ciyaalka dhimanaya aan eegayn? Dee waxba inaga xumaan maayaane meeshan waqooyigana doorashadu way ka dhacaysaa oo hargeysa iyo gabiley baan hoos geyn doonaa ee dee tolkay baan irbada suuxdinta siinayaaye dee iga daaya hantaaqda waxba isla waayi maynee idinkaaba meesha shida baqtiiyana eh . Dee kolayna waad u yara kala fir fircoon tihiin xaga dawlada oo nimakaa Gabiley waxba sidaasa idinku qordin maayaanoo Beertooday iska qodanayaane.

Arab- Waa Arabow wadankan wax lexjeclo ka leh idinkaa jira kuwa aniga ila shaqeeya iyo kuwa mucaaridkuba haddii ay hadlayaan waa wax lagu diirsado, meeshan Somaliland mustaqbalka nimanka hananayaa ee igu xigaa waa idinka ee hogaanka qabanayaa . waayo sadexdan habrood waa kuwo iyagu isku uraya ama isku muuqda oo aan waxba isku ogolayn sidaad idinkuba ula socotaan oo kolayba waxba idinka idiinma diidayaan sida Samaroon. Nimankaa Ciidegalena waxba isla waayi maysaan , oo weligiinba wax baad soo wada qabteen , Gobolkii Hawdna waanigaa idin siiyey , Degmada Salaxleyna idinkaan idin hoos keenayaa. Dee sidaa ugaada oo hantaaqda iga daaya oo ila shaqeeya.

Garxajis- Waar garxajisoo waan is ognahay oo talaan meel dhiganay markii marxuumkii dhintay. Anigu taladii idinkama baxin , idinkoo wada safradaysan baan meeshii idiin dhiibay , Meesha yaa maamula? Anigu maqaar saar uun baan ahay , waxaad soo jeedisaan uun baan ku dhaqaaqaa , dee maxaa isbedelay? Ma markaad tamaraysateen ee daaro jeexateen , ee meelihii dawlada ka dhaqaaqayey idiin dhiibay ee tolkiin idiin cabiidiyey baad igu wacad fureysaan? Waa maxay Digtoorkan aad dabada ka wadaan ? waa maxay Siiraanyahan idinku soo hoos dhuumanayaa? Sow taan wax isku ogayn xaguu siiraanyo inaga soo galay iyo Burcadan iyo barigan aad ku hadaaqaysaan? Maxaa iska bedey qorshaheenii ahaa inaan meeshan aan inoo fadhiyo idinkuna ku amaru taaglaysaan? Warka ha la ii cadeeyo ? Anigu runtaan idiin sheegayaaye ma waayeyo cid meesha igu haysa. Waad ogtihiinoo dibad iyo gudaba cida aan wax ka dhegaystaa waa idinka oo markhaati baad ii tihiin, markaa hantaaqda iga daaya oo kabaha ha iga goynina sidii aan shaqada u wada wadnayna iila wada,


Habar Jeclo- Waar yaadhaheen habar jeclo waan fahmayaa u jeedadiina mana xuma. ninka ragi ihina waa in uu xisaabtamaa , markaa Dalkan Somaliland in aad hogaanka u qabataan waa wax geed ka goána xaqna u leedihiin , waayo idinka iyo Harti uun baan xilkan soo qaban waana la idiinka fadhiyaa inaad labdiinaa reerba maamulka soo qabataan oo weliba idinku igu xigtaan. Laakiin meesha labo arimood baa yaala oo ah in aad ku xisaabtantaan ama is weydiisaana . waxa weeye marka hore aniga dastuurku waxa uu xaq ii siinayaa in aan labo jeer isa soo sharaxo, markaa markii labaad ha la iga helo ama aan helee waa in calafkayga qaadaa oo aad taa ogsoonaataan in la tartamo ileyn taa ragaan soo wada shaqaynay baan isku ognahaye.

Ta labaad meesha anigu markaan baneeyo Oday Saleebaan baan ku wareejinaa Xilka UDUB , Markaa ma isweydiiseen keebaa xilka qabanaya ma UDUB mise KULMIYE? In kastoo qodaxyaduna iska badan yihiin oo nimankan Garxajis waxba idiin ogolayn oo laga yaabo Dalkan aan ka soo badbaadiyey dagaalo sokeeye in ay ka dhacaan , ay noqoto meel lagu hardamo oo soo cusboonaadaan dagaaladii sokeeye oo kala aarsi yimaado. Markaa waxan soo jeedin lahaa dee reerka badidiisu waa ila shaqaynayaan oo ninkan yar iyo odaygaa si fiican wax iila wadee , markaa maysan fiicnayn in markan labaad la idaayo oo mar labaadka aad la wareegtaan. Idinkoo kas ii fikiraya Odayga UDUB iyo Odayga KUlMIYE midkaad u codayn doontaan , Aniguna idinku caawiyo inaan idinka sii xaadhxaadho qodaxyada idin hoos yaala.

HARTI- Kol ilaah haduu isku keen keenay wadankiina gacanta inoogu wada jiro waa ilah mahadii. In badan baan idiin gacan haadiyey oo aad i fahmi weydeen laakiin kol haddii maantaba aan wada joogno talo waa inoo taal , shaqaaqadan yar ee ka dhacday buuhoodlena waa farsamo xumo ka timid kuwii wasiirada ahaa ee aan u diray , laakiin way iska dhamaanaysaa oo sheekadii waxaan ku weeciyey oo waxan ku jeediyey dhinaca xisbiga mucaaridka ee Kulmiye . Markaa labadan nina si degdega ayaan u sii dayanayaaye ee aan xisbiga ku shaabadayno shaqaaqada horta.

Markaa aan Taladeenii u soo noqdee dee Xisbigii USB jeegaantii ayaan soo noolaynaynaa waxaanan hoosta kaga tolaynaa xisbigan UDUB . markaa qorshaha inoo yaal waa in aan samayno sidii Xaabsade ama ninkii kale aad garataan aan guddoomiye ugu diyaar garayn lahayn Xisbiga UDUB si mustaqbalka dhaw aad xilka ula wareegtaan. Xilwareegiduna waa basiid oo cid kuma wada hadlayso labo sababood aawadood . Waa marka kowaad Sool iyo Sanaag waad soo gacan geliseen waa guul u soo hoyatay Somaliland baayacaada kursigana gelaysa. Waa ta labaad dee weli Harti xilka madax weynaha may qaban oo waa markiinii . Nimankana sidaad aragtaanba iyagaa isu muuqda oo waa ka raali in xilka beelaha darifyadu inay qabtaan. Markaa waa inoo sidaa iyo wada shaqayn wanaagsan,

 


Akhristoow Rumayso ama ha Rumaysan waa sheeko jirta ee ama wada qaado ama intaad jeceshahay ka miiso
.







ILAAHOOW SOMALILAND BADBAADI CADOW GEEDANA JEBI


 

 

 

Waa Qalinkii : Adam Ege Gaboobe