Labada
Guddoomiye-mucaarid oo Dalka ka Dhoofay Wakhti ay Taaganyihiin
Duruufo Siyaasaddeed
 
Labada hogaamiye ee xisbiyada
mucaaridka ah Md. Axmed Maxamed Maxa muud (Siilaanyo) iyo Eng.
Faysal Cali-waraabe ayaa dalka debeda uga baxay iyadoo ay weli
taaganyihiin duruufihii muranka siyaasadeed ee ka dhashay dib-u-dhaca
doorashada madaxtooyada Somaliland.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali-waraabe ayaa
isagu hore dalka uga dhoofey, isagoo haatan ku sugan dalka
Imaaraadka Carabta, halka Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed
Siilaanyo lagu wado in uu maanta dalka ka amba-baxo, isagoo u
kucitimaya dalka Ingiriska, mana jiro war rasmiya oo ka soo baxay
labada xisbi-mucaarid oo ku saabsan socdaalka guddoomiyayaasha oo ku
soo beegmay xilli aan si rasmi ah xal looga gaahdin murranka
siyaasadeed ee dalka hadheeyey.
Maqnaanshaha labada guddoomiye-mucaarid ayaa u muuqata mid sii
wiiqaya xal rasmiya oo laga gaadho khilaafaadka siyaasadeed,
maadaama talada xisbiyada mucaaridku badanaa ka go’do guddoomiyaasha
oo keliya, inta ay maqanyihiina aan la filayn furdaaminta duufaanada
muranka siyaasadeed ee u dhexeeya iyaga iyo xukuumadda xilka haysa.
Tegitaanka labada guddoomiye-mucaarid ayaa dadka siyaasada
falanqeeyaa waxa ay sal uga dhigayaan hungo iyo guul-darroi
siyaasadeed oo ay kala kulmeen loollankii siyaasadeed ee u dhexeeyey
madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, kuna hungoobey ka midho-dhallinta
damacoodii siyaasadeed ee ay hamiyayeen in at talada dalka qabtaan
oo doorashaduna dhacdo wakhti ka horeeya kan immika Guurtida iyo
Komiishanku asteeyeen.
Bixitaankooduna waxa uu ka danbeeyey maalin ka dib markii labada
xisbi ay si wada jir ah u soo saareen war-saxaafadeed ay ku
dhaleecaynayaan xukuumadda, gaar ahaana madaxweyne Rayaale, iyagoo
ku sifeeyey saxeex la’aantii madaxweynaha ee qoddobadii guddida
dhexdhexaadintu ka soo saareen khilaafaadka siyaasiga ah heshiis
la’aan, taas oo macnaheedu noqonayo in aanu jirin wax heshiis ah oo
lagu so oaf-jaray khilaafaadkaas.
War Saxaafadeedkaasi oo ay wada jir u saxeexeen Gudoomiyaha Xisbiga
Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo K/s Gudoomiyaha
Xisbiga UCID Aadan Maxamed Mire (Waqaf) waxay ku yidhaahdeen:
“Qaabka qarannimada iyo hannaanka dawladnimo ee JSL, waxa aasaas u
ah Dastuurka Qaranka. Tiir dhexaadka diimoqraadiyaduna waa wada
tashi iyo talo wadaag in lagu maamulo arrimaha dawladeed, isla
markaana lagu maareeyo khilaafaadka ka dhex dhasha hay’adaha
siyaasadeed iyo sharci-dejineed ee dawladda. Khilaafaadka muddadan
dambe ka taagnaa Somaliland waxa sababta ugu weyni tahay marka uu M/weyne
Daahir Rayaale Kaahin uu si buuxda u diidey in la wada yeesho wada
tashi sida uu Dastuurku ku tilmaamayo qodobkiisa 9aad ee ugu
muhiimsan oo tilmaamaya “ Nidaamka siyaasadeed ee JSL waxa saldhig u
ah, nabad, talo wadaag, dimoqraadiyad, iyo hannaanka xisbiyada badan”.
Labada xisbi qaran ee UCID iyo KULMIYE, iyagoo tixgelinaya danta
guud ee qaranka, waxay ogolaadeen go’aamadii ka soo baxay guddida
dhexdhexaadinta ee ay sababtay muddo kordhinta is daba jooga ahayd
iyo dib u dhacyadii doorashada madaxweynaha.
Labada xisbi qaran waxay aaminsanyihiin in go’aamada guddida
dhexdhexaadintu ay dhamaystir noqon karaan marka:
a) Dhinacyada khilaafku dhexmaray ay dhamaantood si rasmi ah u wada
saxeexaan.
b) Qodobada uu ka koobanyahay go’aanka guddidu qodob qodob looga
wada hadlo farsamo ahaan, loona dhaqan geliyo.
Labada xisbi qaran waxay soo dhoweynayaan haddii ay dhab ka tahay
hadalkiisii ku saabsanaa in doorashadii Madaxweynuhu ay dhacayso
27/09/2009 oo aanay ka dambaynayn, iyo in server-ku haddii uu liiska
kama dambaysta ah ee cod-bixiyayaasha uu soo saari waayo ugu dambayn
15/06/2009, inay xisbiyadu isaga iman doonaan, talo wada jir ahna ka
gaadhi doonaan.
Waxaase lagama maarmaan ah in la dhamaystiro ka hor intaan
doorashada la gaadhin qodobadii guddida dhexdhexaadinta oo ay ka mid
yihiin qodobadan soo socda:
Magacaabista Guddi heer qaran ee ilaalinta hantida qaranka iyo
warbaahinta qaranka.
Ka wada tashiga arrimaha Komishanka Doorashooyinka.
Ansixinta muddo kordhin la’aanta Madaxweynaha.
Miisaaniyadda doorashada oo 25% oo ilaa hadda ay ka sugayaan
deeq-bixiyayaashu.
Iwm.
Waxa M/weynaha looga fadhiyaa hirgelinta qodobada heshiiska,
gudoomiye xisbi ahaan iyo madax xukuumad ahaanba inuu ka fuliyo
wixii ku aadan dhinaciisa.
Bulsho weynta reer Somaliland waxaanu u sheegaynaa in labadayada
xisbi qaran ay diyaar u yihiin inay dhinacooda ka hirgelinayaan
qodobada heshiis kaas, sidoo kalena waxaa idinkana la idinka rabaa
inaad ka markhaati kacda an, kalana xisaabtantaan cidii heshiiskaa
dhinaceeda ka fulin wayda.
“SAXEEX LA’AAN WAA HESHIIS LA’AAN”
“BALLAN LA’AANA WAA DIIN LA’AAN”
Waaheen
|