LABADA
GARAB EE KULMIYE OO MARKALE XALAY KU KALA KACAY SHIR AY KUYEESHEEN
AMBASADOR

Labada garab ee uu u kala fadhiyo xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye
oo ay kala hogaamiyaan Ahmed Siilanyo iyo Saylici oo garab ah iyo C/raxman
aw Cali Farah iyo Cadami oo garabka kale ah.
ayaa ka dib kulamo hore oo baaqday, habeenkii xalay kulan ku yeeshay
huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa.
Sida ay illo xog-ogaal ahi u sheegeen Somalilandnation, kulankii
xalay dhexmaray labada garab wax natiijo ah lagama gaadhin, kadib
markii la isku mari waayay qodobada laysku hayo oo ay ugu wayn tahay
wixii ka soo baxay shirkii lagu kala kacay ee ku qabsoomay magaalada
Burco.
Waxa ay wararku sheegayaan in kulankii xalay uu hadheeyay doodo
cusub oo kadhashay dabaal dag uu sameeyay kuxigeenka garabka
Siilaanyo ee Saylici, iyada oo wali la isku khilaafsan yahay cida
rasmi ahaan noqonaysa musharixiinta xisbiga Kulmiye ee doorashada
soosocota.
Siday ay kudoodeen Garabka C/raxman Aw Cali Farax iyo Cadami
hogaamiyaan, in garabka kale ee Siilaanyo iyo Saylici jabiyeen
qodobo hordhac u ahaa in aan wax olole ah laqaadin inta wax lagu
heshiinayo, balse taasi waxa jabiyay siday kudoodeen garabka
Siilaanyo oo maalintii shalay dabaal dag aan xisbigu isku raacsanayn
kasameeyay magaalada Borame.
Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in ismari waagii xalay kadib,
qolo waliba ay soo kaxaysan doonto kulanka dambe ergo dhexdhexaadin
kagasha khilaafka oo kala matala labada garab, inkasta oo aan ilaa
hada la ogayn xiliga uu kulanka dambe noqon doono. Ilaa iyo hadana
mamuuqato wax tanaasul ah oo dhinacna sameeyay.
Labadan garab ee sida weyn isku haya ayaa ukala qaysab laba garab oo
ay kala hogaamiyaan:
Garabka Natiijadii shirka Qaadacay:
C/raxman Aw Cali faarax
Ahmed Xaaji Cali Cadami
Maxamed Maxamud Cumar Xashi
Ibrahim C/laahi Xusen Dhagaweyne
Dr. Cumar Xilmi Dixood
Xildhiban Sicid Cilmi Rooble
Xildhiban Farxan Maxamed Cali
G/x/shirka: Maxamud Jamac Warfaa
G/dhalinyarta C/lahi Ibrahim X.xasan
Garabka Natiijadii shirka aqbalay:
Ahmed Maxamed Siilaanyo
C/raxman Ismail Saylici
Ismail Muumin Aare
Maxamed Kaahin Ahmed
Maxamed Cabdi Iskeerse
Muse Biixi Cabdi
Source: SN
|