Laba Suxufi oo ka tirsan idaacada Radio Hor yaal oo galabta xabsiga loo taxaabay
 

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa galabta xabsiga u taxaabtay laba Suxufi oo ka tirsan Idaacada Madaxa banaan ee Radio Horyaal, kuwa asi oo laga qabtay xarunta idaacada Horyaal ee Magaalada hargeysa, iyaga oo gudanaya waajibaadkoodii shaqo.

Hargeysa (LongliveSomaliland News)-Suxufiyiintan oo kala ah Maxamed Cismaan Mire (Sayid) iyo Axmed Saleebaan Dhuxul, ilaa imika wax war ah oo ay xukuumadu ka soo saartay xadhiga wariyayaashan.

Mar goordhawayd fiidkii aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay qaar ka mid ah wariyayaasha Radio Horyaal ayay noo xaqiijiyeen xadhiga wariyayaasha. Waxa kale oo ay noo sheegeen in ay siteen ciidanku waraaq ay ku sheegeen In ay tahay waraaq qabasho ah oo ka soo baxday xafiiska danbi baadhista ee Magaalada Hargeysa, halkaasina ay imika ku xidhan yihiin.

Ilaa imika lama garanayo sababta dhabta ah ee loo xidhay wariyayaashan, hasa ahaatee, waxa loo malaynayaa in uu la xidhiidho go’aan laga soo saaray Shir uu guddoominayay Madaxweyne Rayaale oo ay yeesheen guddi Xukuumadda ka tirsan oo la xidhiidha shaqaaqada Deegaanka Ceer-berdaale ka dhacday, ayaa lagu sheegay in tallaabo laga qaado Hay’ado Warbaahineed oo kala ah: idaacada Horyaal iyo Telefishanka M/banaan ee Horn cable Tv.

Arintan ayaa ku soo beegantay warbixin dheer oo ay ururka xuquuqul insaanku maalintii shallay ka soo saareen magaalada Hargeysa taasi oo si wayn loogu faaqiday tacadiyo dhawr ah oo ay inta badan ku kacdo xukuumada Somaliland ayna ka mid tahay tan saxaafadu. Inkasta oo ay xukuumada Somaliland arintaasi ay ku tilmaameen mid aanay waxba ka jirin. Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta Somaliland Axmed Xasan Yuusuf oo caawa soo saaray war-murtiyeed uu arintaa ku beeninayo ayaa sheegay in war-bixinta Human rights watch ay tahay mid dhinac ka raran nabad gelyada Somaliland lagu carqaladaynayo.

ururada Saxaafada Somaliland ayaa xadhiga Weriyeyaashan  cambaar eeyay kuna tilmaamay mid sharci darro ah oo aan loo soo marin dariiqii sharciga ahaa, waxaanay xukuumada ugu baaqeen inay si deg deg ah u soo daayaan suxufiyiintan aan waxba galabsan.
 



LongliveSomaliland News Desk
Hargeysa Office,Somaliland