Laba Ruux oo Dhaawac Culusi ka soo Gaadhay shil Baabuur oo uu sababay Gaadhiga Maayarka TogWajaale oo Qalibmay


Tog-Wajaale (Longlivesomaliland News)- Gaadhigii Maayarka Degmada Wajaale ayaa Goor dhawayd shil ku galay meel ilaa 2km u jirta, shilkaasi oo ay isku  dhec e en baabuur Nooca xamuulka qaada ah mararyay jidka wayn ee udhexeeya Gabiley iyo kalabaydh ka soo horjeedka Kaalinta Cumar gaangi ee bariga  magaa lada kalabaydh.

Shilkaasi oo sabab Dhaawac Culus oo soo Gaadhay Dirawalkii Gaadhiga  Maaya rka Wajaale Yuusuf C/laahi Madar iyo Oday sheekh ah oo la saarnaa Gaadhiga, wa xaa kale oo ay wararku intaa ku darayaan in Dhaawac labadaasi ruux aad  u cul usyahay oo loola cararay Magaalada Hargeisa.

Wararka naga soo gaadhay Magaalada Wajaale ayaa sheegaya in Gaadhiga  Ma ayarku uu qaaday Masuuliyiin iyo Taageerayaal ka tirsan Xisbiga udub oo  u tag ay ka qayb gal Xaflada lagu soo dhawaynayay Taageerayaal Cusub oo ka soo baxay sida ay sheegeen kulmiye, ka dib markii uu ka soo laabtay Gabiley oo uu geeyay masuuliyiinta ayaa ku dhacay gaadhi kale oo ka yimi xaga Wajaale.Lama sheegin Khasaaraha Dhabta ah ee uu gaystay Shilkaasi .

Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco Longlivesomaliland News

 


 


Longlivesomaliland News Desk
Tog-wajaale Office Somaliland