Laba Muwaadin oo u
dhashay Somaliland oo Xabsiga Gu’aantanamo Bay laga soo Daayay

Hargeysa (Timacade News)-Laba nin oo Somali ah oo ku xidhnaa Xabsiga
Guantána mo Bay ee Jasiiradda Kuuba ayaa shalay Hay’adda ICRC ay ku
wareejiyeen Xukuum adda Somaliland, labadaasi nin oo
magacyadoodu kala yihiin Maxamed Sulaymaan B are iyo Ismaaciil
Maxamed Caraale.
Labadaasi nin ayaa shalay duhurkii la keenay Madaarka Hargeysa,
iyadoo ay siday Diyaarad nooca yar-yar ah oo ay leedahay Hay’adda
ICRC, guud ahaanba Saxaafad da ayaa laga hor-istaagay in ay
gudaha u galaan Madaarka.
Hay’adda Bisha Cas ayaa sida la sheegay waxa ku soo wareejiyay
labada nin Dowlad da Maraykanka, ka dibna Hay’addaasi waxay ku
wareejisay Shalay Xukuumadda So maliland oo uu hor-kacayay
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland C/laahi Ismaaciil Cali (Cirro).
Qoysaskii iyo Eheladii labadaasi nin ayaa waxay shalay ku sugayeen
Madaarka Cigaal International Airport ee Magaaladda Hargeysa, sidoo
kale waxa iyaduna Madaarka ku sugnayd Haweenay Maraykan ah oo sida
la sheegay Looyarad u ahayd oo intii m uddo ahayd ee ay
xidhnaayeen.
Maxamed Sulaymaan Bare wuxuu Xabsiga Guantánamo Bay ku xidhnaa muddo
gaad haysa sideed Sanadood ah isagoo laga qabtay Dalka Pakistan
horaantii sanadkii 20 02, halka Ismaaciil Maxamed Carraale ku
jirya Xabsigaasi Saddex Sanadood iyadoo laga qabtay Dalka Djibouti.
Labadaasi nine e shalay Xukuumadda Somaliland lagu wareejiyay ayaa
waxay ka soo jeedaan Gobolka Tog-dheer, iyadoo loo lagu tuhunsanaa
Argagixiso, balse waxba la gu caddayn kari waayay.
Hore yaaa Xukuumadda Somaliland sidan oo kale loogu wareejiyay
sanadkii hore nin muddo toddoba sano ah ku xidhnaa Xabsiga
GuantánamoBay.
Source:Waaheen
|