Laba baabuur oo ay wateen budhcada Lacagta Faalis ada ah samaysa oo Lagaga Cararay Meel ku dh aw Dugsiga Nuuradiin ee Magaalada Hargeisa



Hargeisa (Longlivesomaliland News)-Laba baabuur oo Grande ah oo ahaa Nooca loo yaqaano indhacade ayaa saaka Saladii Subax ka hor lagaga cararay Xaafada  Sh.M adar gaar ahaan Dugsiga Nuuradiin institute Horteeda, ka dib markii mid ka mid ah uu shil galay oo jiidhay biraha waawayn ee laydh-ka iyo Boodhka School-ka  Nuur adiin.

Labadan baabuur oo sida la sheegay laga soo kiraystay Macradada Hargeisa oo  ay aa Number-adoodu kala ahaayeen, 30158 Sl. Iyo 30538 Sl, baabuurtaasi oo ay  wat een Lix dhalinyaro ah oo reer Xamar ah (reer koonfureed) oo kala saarnaa labada baabuur, ayaa ku baxsaday baabuur kale ka dib markii uu shil galay labadii gaadhi ee ay wateen mid ka mid ah, halka ka kale-na ay qufuleen isteerinka baabuur-ka.

Dhalinyaradan oo looga shakisanyahay Xarakada al shabaab ayaa saaka Dareen  w ayn galisay dadwaynaha ku dhaqan xaafada Sh.Madar ee magaalada Hargeisa, ka dib markii lagu arkay Lacag farabadan oo Faaliso ah iyo Mishiinadii lagu samaynayay oo ay siteen.

Ciidanka boolis ayaa baadhaya ilaa saaka falkaasi shakiga abuuray, iyaga oo  Gaca nta ku haya labada baabuur ee lagaga cararay Xaafada sh.Madar.

Dhinaca kale Dadwaynaha Xaafada sh.Madar ee ku dhaw-dhaw meesha uu shilku ka dhacay ayaa Longlivesomaliland News Uxaqiijiyay in ay ilaa xalay gaafwareegayeen Magaalada baabuurtani iyaga oo dadka qaarna sheegayaan iyo cabsanaayeen khamri. Waxaanay intaasi ku dareen in lacag fara-badan oo faaliso ah ciidanka  traff ic-k u ka saareen baabuurtaasi.

Ciidanka booliska ayaanay usuuro galin inay gacanta ku dhigaan dadkii watay  baab uurtaasi iyo qalabka lagu sameeyo lacagta dollar-ka faalisoda ah, iyaga oo ka  daah ay wakhigii ay ku sugnaayeen halkaasi.


Ciidamada Bilayska Somaliland gaar ahaan Kuwa Magaalo Madaxda ayaa gacanta ku dhigay Saddex nin oo muddo ba ay daba socdeen Bilaysku kuwaas oo ahaa qaar  sa meeya Dollar ka Foojariga ah (been abuur ka ah) iyo qalabkii ay ku samaynayeen  la cagta Been abuurka ah iyo Lacagtii ay samaayeen.

Taliyaha Hawlgalinta Ciidamda Booliska ee gobolka Hargeisa Taliye C/laahi Fadal  Im aan ayaa xaqiijiyey Qabashada Saddexda Nin oo ay magacyadoodu kala Yihiin .


1-C/fataax Sheekh Nuur C/Raxmaan.
2- Liibaan Cismaan Maye.
3- Maxamed C/casiis Muse.

 


Longlivesomaliland News
Hargeisa Office