Laba Arday oo Reer Somaliland oo Kaalmaha Koowaad ka Ga l ay Jaamacaddaha Medco bio Medical University Co llege iyo Centeral University ee Dalka Itoobiya

 

 



Xukuumadda Dalka itoobiya ay Gudoonsiisay Bilado Dahab ah oo ka Turjumaysa............ Daaw o Saw iradda



Addis Ababa (TNN)- Dufcadihii 1-aad iyo labaad ee ka Qalinjabiya Jaamacadaha Medco bio Medical University College iyo Centeral University College ayaa Munaasabado kala duwan loogu Qabtay Xarumaha Jaamacadahaasi ee Magaalada Addis Ababa.

Jaamacadahan oo ah kuwo laga Barto Caafimaadka ayaa lagu Qiyaasay in ay ka Qalinjabiyeen Sanadkan ku dhawaad 1500 oo arday oo kuwaasi oo ka qalin jabiyay Dufcadaha kala Duwan ee Jaamacadahaasi.
4
Jaamacadda Centeral University College ayaa waxaa kaalinta koowaad ka galay Waabari Jaamac Warsame oo ka mid ah Ardayda Reer Somaliland ee wax ka barata Jaamacadaha Dalka itoobiya halka jaamacadda Medco bio Medical University College iyana uu kaalinta koowaad ka galay Sacad Axmed Cabdi oo isaguna ka mid ah Ardayda Reer Somaliland ee Waxbarashada kaga jirta Dalka itoobiya, taasi oo Noqday Mucjiso la yaable in Ardayda Reer Somaliland Kaalmaha ugu horeeya ka hantiyaan Jaamacadaha Dalkaasi, Labadan arday ayaa Xukuumadda Dalka itoobiya ay Gudoonsiisay Bilado Dahab ah oo ka Turjumaysa Kaalinta ay ka Galeen Jaamacadaha Dalkaasi.

Maaha markii ugu horeysay ee Ardayda Reer Somaliland kaalmaha hore ka Galaan Jaamcadaha Dalka itoobiya balse waxaa iyana Sanadkii hore kaalinta ugu Saraysa ka Galay Jaamacadda Dawlada Arday reer Somaliland ah oo lagu Magacaabo Axmed Shaadir kaasi oo uu Biladii Dahabka ahayd uu Gudoonsiiyay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Dalkaasi Males Zanawi.

Ardayda Reer Somaliland ee wax ka barata jaamacadaha itoobiya ayaa ah gaar si wayn uga dhex muuqda ardayda ajaanibka ah ee ay la wadaagaan Aqoonta iyaga oo Sanadkii ugu Danbeeyay kaalmaha 1-aad iyo 2-aad ka Galay jaamacado badan oo ay ka mid ahaayeen jaamacadda Al-Hayat iyo jaamacadda New Generation.IMG_0600
kale





Mustafe Future
Timacade News Desk
Addis Ababa/Itoobiya