LA
DAGAALANKA QABYAALADU MA AHA WAAJIB KOOXEED
Hamud Duale
Qolo Qololadan loo degey kama dhallan dad weynaha, daadhiyaashiyo
maamulkay ku duran yih iin by Maxamed Xaashi Dhamac (Gariye).
Afeef: Mudadii ay dawlada
KULMIYE dhagax dhiga weydey , anna
Facebook ayaan dhagaxyo dhigayey
Marka hore salaan dhammaan akhristayaasha iyo qorayaasha ku bahoobey,
baraha internet-ka. Muddo, ayaan ka maqnaa goobaha baraha
internet-ka oo aan gabayadayda ku googeyn ji rey. Mudadaa waxaan ku
maqnaa facebook oo waxaan la hooryaaleysanayey dhallinyaro qolo u
kala degen, oo abnimo u kala fadhida, iyo waayeel hab beeleed, xusbi
loo hawanayo, ku mur maya.
Dhankasta waan u ridey, la isma dhegeysto, waxaad moodaa
mafrashaydii siyaasada qabyaal ada lagu barbarin jirey ee salhdigay u
ahaa. Allay leh haddii laga tegi waayo , tiro kooban oo dhallinyara
ah oo aqoon iyo garaad ba kuu kordhinayaa way joogaan. Isku soo
xooriyoo xaalk aygii dhagax dhiga goobaha Facebook iyo dhagax dhiga
dawlada ee gobalada iyo caasimaduh u, wuxuu noqday “dhig oo ka
dhaqaaq.”
Waxba ayaanan hibatayn dhagax dhigiiye, aan u soo daadego, dulacada
aan qalinka u qaatay ee aan halkan dib ugu soo laabtay.
Waxaan xalay TV-ga ka dhegeystey urur cusub oo la fooladaynayo, oo
la yidhi waajibaadkiisu waa in uu dadweynaha qabyaalada ka daweeyo,
uga duceeyo oo ka cuudiyo. Hawraarsan, ma rka hore waan
hanbalyaynayaa, ujeedada wanaagsan ee ay uunka maqashiiyeen. Waa
sidaan rabey. Marka xiga waxaan isweydiinayaa ururkan ku soo boodada
ah, ma waxyaa ku soo deg ey, oo xagga samada ayaa magaciisa lagaga
dhawaaqay? Hadaladooda badankoodu iguma cu sbayn oo qaabyaalada ayay
eedo xanbaarinayeen oo cabasho ka muujiyeen, waana sidaan ra bey.
Weligeeba ma arag qof somaliya oo aan qabyaalada eedayney, haddana
waa lagu wada dhaqmayaa. Waxaan aaminsanahay in aan la dagaalanka
qabyaaladu waajib urur ahayn, ee ay tahay waajib qofeed sidii Gariye
oo kale, haddii laga tegi waayana ay tahay waajib maamul qaran.
Dooday ururka ma ah. Waa waajibaaka ay sheegteen, hadday iskood isku
xil qaameen oo jeeb kooda, muraqooda iyo masgaxdooda ka soo go’aday
iyo haddii ay gacan ku rimis iyo lab la kac a yihiinba.
Qaybta koowaad.
|