Ku-simaha Madaxweynaha Somaliland Oo kulan la yeeshay wefti ka socday shirkadda TOYOTA



 


Hargeysa (TNN)- Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/R axmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socday shirkadda Baabuurta Samaysa ee TOYOTA, kuwaasi oo socdaal ku yimid Somaliland.

Weftigan oo uu hoggaaminayay Agaasimaha maamulka shirkadaasi una qaabilsan wadamada Jabuuti, Somaliland iyo Soomaaliya LUCMARILL waxaanay Ku simaha Madaxweynaha ka wada hadleen sidii ay xafiis uga furan lahayd Somaliland, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta Madaxtooyadda oo u dhignaa sidan:-

“Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha ayaa maa nta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda shirkada caalamiga ah ee TOYOTA MARILL, Weftigan oo ka koobnaa shan xubnood ayaa waxaa hogaaminayay Agaasimaha maamulka shirkadaasi una qaabilsan wadamada Jabuuti, Somaliland iyo Soomaaliya LUCMARILL.


Madaxweyne ku xigeenka waxa uu uga mahad-celiyey xubnaha weftigaasi booqashada ay ku yimaadeen dalka, waxaanu xusay in ay soo dhawaynayaan cid kasta oo maaligelin ku samayna ysa Dalka, waxaanu intaa raaciyey Madaxweyne-ku-xigeenku in ay gacan ka gaysan doonaan waxkasta oo lagam-maarmaan u ah hirgelinta shirkadan xukuumad ahaan.


Agaasimaha Maamulka ee Shirkada TOYOTA MARILL ee dalka Jabuuti oo kulankaasi ka hadlay waxa uu uga mahad celiyey Madaxweyne ku xigeenka sidii wanaagsanayd ee uu ugu qaabilay xafiiskiisa waxaanu ka xog-waramay agaasimuhu dedaalka ay ugu jiraan in shirkad ahaan ay xafiis-ka furtaan Somaliland oo ah Dal nabdoon, xasiloon isla markaana ku talaabsaday horumar ganacsi, iyo Dimuquraadiyad taasi oo keentay in ay shirkadoodu ay ku soo hirato arrintaasi, oo ah ta sababtay TOYOTA MARILL ay hormood u noqoto shirkadaha caalamiga ah ee ka jira Somaliland.


Dhinaca Xukuumada waxa kulankan ku wehelinaayey La-taliyaha xafiiska madaxweyne ku-xigeenka Mudane, Cismaan Siciid Jaamac iyo Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweyne ku xigeenka JSL, Cali Xuseen Nuur


Dhinaca Weftiga

1. Lucmarill Managing Director
2. Denis Bouzin
3. Kateryn Bourgine
4. Cismaan Cabdi Cismaan Wakiilka Somaliland ee Shirkada TOTOYA MARILL
5. Siciid Jaamac Cali.”


source:so