Kursi Ninkii Doonayoow; Dadkani Wayka Koreen Awr-Lagu Kacsado:

 


Marka hore waxa aan salaamayaa umada xorta ah ee xalaasha ah ee reer Somaliland meelkasta oo aad joogtaanba. Marka xiga waxa aan u hanbalyeynayaa XISBI-XAAKIM ka oo shirkiisii 2baad qabsaday, shirkaas oo mudo dheer la sugayey, in badana dib u dhac ku yimid. Waxa aan iyana u hanbal yeynayaa labada musharax ee xisbigaasi ku soo doortay in ay u taagan yihiin doorashada soo socota Madaxweyne iyo Ku-Xigeen (Mud. Riyaale iyo Mud. Axmed) xisbiga uga urdaya.


Ugu horeyn waxa muhiim ah in la isla fahmo nidaamka ay Somaliland qaadatey in uu la mid yahay ka Maraykanka ama USA. Nidaamkaas oo xisbi-xaakimka aan wax tartar ah oo gudihiisa aanay dhicin, marka ay iyagu yihiin kuwa xiligaa hogaanka talada dalka haya. Wax wax lala yaaba ah in hadaba rag xisbiga UDUB ku jira oo iska ogaa in labada nin ee u taagan sharaxaada UDUB in ay kala yihiin Madaxweynaha hada talada haya iyo ku xigeenkiisa, in ay hada DURBAAN QABIILEED tumayaan, si dadka ay u jahawareeriyaan, iyaga oo dantooda oo kaliya ka fikiraya laakiin aan dan ka lahayn hadii maanta DOONIDA Somaliland ay degto. Waxa aan u sheegaya shacabka xalaasha ah ee reer Somaliland in ay feejignaan dheeraad ah u yeeshaan siyaasiga hunguriga kursi doonku kala weyn yahay dalka iyo dadka.


Raga UDUB ku jira ee leh waxa aanu soo dooranaynaa musharixiin kale oo UDUB uga orda doorashada soo socota; waxa aan kula talinlahaa cashar in ay ka qaataan qolyihii KULMIYE ee uu ka midka ahaa Dr. Ahmed Hussien Isse oo u hibeeyey Siilaanyo markii uu Siilaanyo Afduubay shirkii Kulmiye. Isba waa siyaasi damac iyo hunguriba uu hayey, laakiin waxa kala weynaatay dantii dalka iyo dadka tii uu isagu lahaa, waanu tanaasulay intii dhib kale oo aynaan qaadi karin ka iman lahayd. Waa wax uu ku faani karo, waana arin sharxaysa micnaha muwaadinimadu waxa ay tahay. Dalka ayaa ka weyn shaqsiga, wixii dalka wax u dhimayana in laga feejignaado bay ahayd.


Nidaamka aan qaadanay ee aan anigu ugu yeedho MUNAAFAQADA, dadka qaarna ugu yeedhaan DIMUQRAADIYA ayaa dhigaya in siyaasadu aanay lahayn saaxiib joogta ah, markaa markii raga kale xaqdarada lagu samaynayey ee aad ku jirteen maamulka ama aad isku fikirka qabteen maamulka, kama aydaan hadlin; markaa ma maanta oo xanuunkii wareegtada ahaa ee siyaasadu idin soo gaadhay baad rabtaan in aad masaakiinta caanaha yar ee si ay ku soo galeen ba Illaahay uun ogyahay, in aad ka daadisaan? Taa idinka yeeli mayno.


Rag idinka mid ah waxa aan ognahay in lacagta ay doorashada ku gelayaan in ay tahay “XATOOYO XOOLO DADWEYNE” oo xilkii ay umada u hayeen ama uba hayaan illaa imika ay uga faa’iidaysteen, danahooda gaarka ah. Rag idinka mid ah waxa aad ogtihiin in wiilashoodii lagu qabtay lacago badan oo xoolihii umada ah. Qaar idinka mid ah waxa aad ogtihiin in lacag badan oo xoolihii umada ah lagu qabtay ehelkoodii qurbaha joogay ee ay lacagta ku shuban jireen. Magacaabimaayo ragaas; laakiin waxa aan idiin sheegi laba wadan oo kamid ah wadanadii lacagahaa lagu qabtay, kuwaas oo kala ah USA iyo U.K. Raga lacagahaa xadayna qaar waa kuwa hada raba in ay nabada aad haysataan ku ciyaaraan si tooda ay u helaan, qaar kalana maamulka hada ayey ku jiraan.

 


Booli Qaran Ku Naaxaha
Balaayada Shidaayee
Bilistiyo Caruuraha
Been U Sheegayee
Bi’iwaaye Reer Hebel
Ku Bu’aaya Maantoow
Barigii Langu Kicin Jirey
Lasoo Dhaaf Balaayadii
Beerlaxawsi Nama Karo
Barokacna Wuxu Yahay
Burco Iyo Hargeysiyo
Berbera Nagaga Filan

Baroortii Tolaayeey
Beerkaba Magaadhoo
Nabad Baanu Haynaa
Yididiilo Badan Iyo
Baritay Kasoo Rayn
Nafta Aan Bushaaro
Bari Kastaba U Sheegaa

Dhiigii Badnaa
Bilaash Igaga Daataa
Barashadaan Ka Faa’iday
Waxay Tahay Bu’aayoow
Beelnimo Ku Daaqaha
Beeshiisa Kiciyaha
Beel Kale Ku Duulaha
Inaanan Uba Bogin Siyaasiga
Rag Inta Uu La Baratamo
Marka Laga Badshana Ciyaartana
Kursigu Uuga Baaxadweyn Yahay
Bulshada Iyo Dalkaba

Anigoon Hadal Ka Badin
Mid Baan Ku Odhan Laa
Bilaacaleeg Nadaa Hooy
Ku Baranay Haatane
Maad Iga Bayri Codkaygoo
Bal Inaan Kusiiniyo
Inaan Kaala Bakhaylaba
Labadaa Balkay Noqon…..

 



By: Cabdalle Cakule