Suldaan Cabdiraxman oo lagu aasay Xabaalaha Boqol Jire ee magaalada Hargeysa



Waxa shalay lagu aasay Xabaalaha Boqol Jire ee magaalada Hargeysa Alle ha u naxariistee Suldaan C/raxmaan Sheekh Muxumed oo ka mid ahaa Salaadiinta waaweyn ee reer Somaliland oo ka soo jeeday deegaanka Gabiley iyo Caaqil Gaaxnuug. Waxa shalay lagu caleemo saaray salaada dusheeda Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan Sheekh Muxumed oo ah wiil uu dhalay Suldaankaa geeriyooday.

Aaska marxuumka waxa ka soo qayb galay boqolaal qof oo ay ka mid yihiin masuuliyiin Goleyaasha Qaranka madaxda xisbiyada, Salaadiin, Cuqaal, Odayaal, Waxgarad, Tijaar iyo dadwayne aad u tiro badan.

Madaxwayne Kuxigeenka Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo salaadii Jinaasada tujinayay dadkii ka soo qayb galay Aaska ayaa illaahay uga baryay Suldaanka in uu janadii ka waraabiyo denbi dhaafna uu u fidiyo.

Madaxwayne Kuxigeenka JSL, masuuliyiinta xisbiyada qaranka, masuuliyiinta goleyaasha qaranka, salaadiin iyo tijaar ka hadlay xabaasha dusheeda ayaa dhamaantood ka waramay sooyaalkii taariikheed ee ay lahaayeen Suldaanka iyo Caaqilka Somaliland,
waxaanay sheegeen masuuliyiintaas kala duwani in Suldaanku ahaa suldaan nabad jecel oo dedaal iyo juhdi badan u soo galay shacbiga Somaliland.

Alle ha u naxariistee Suldaan C/raxmaan Sheekh Muxumed waxa uu ku dhashay Gobolka Awdal dagaalkii koowaad ee dunida dabayaaqadiisii.Waxaanu yaraantii ku barbaaray kililka shanaad ee Ethiopia, dhalinyaranimadiisiina wuxuu ku soo qaatay Hargeysa isagoo la shaqayn jiray dawladihii reer Galbeedka ahaa.

Suldaan C/raxamaan waxa uu hawlaha bulshada iyo nabadaynta ka soo bilaabay wadanka Ethiopia isaga oo la soo shaqeeyay Boqorkii Haila Salasa, alle ha u naxariisteeSuldaanku waxa uu soo qabtay xilo dhaqameedyo kala duwan, sannadihii lixdamaadkii ayaa loo doortay inuu noqdo Suldaan.

Alle ha u naxariistee Suldaanku wuxuu qayb taariikhi ah oo aan la ilaabi karin ka soo qaatay halgankii hubaysnaa ee SNM intii ka danbaysay halgankaas wuxuu Suldaan C/raxmaan ka mid ahaa Odayaashii iyo waxgaradkii dhibada u taagay JSL waxaanu ka mid
ahaa raggii sexeexay in Somaliland ay noqoto Jamhuuriyad Madax banaan.

Intii ka danbaysana wuxuu qayb wayn ka qaatay hawlihii iyo shirarkii nabadaynta iyo dib u heshiisiinta Somaliland. Waxaana xabaasha dusheeda lagu caleemo saaray Suldaan Ismaaciil C/raxmaan Sheekh Muxumed oo ka mid ahaa inamadii uu Suldaanku dhalay.

Caleemo saarka Suldaanka cusub waxa ka soo qayb galay oo goob joog ka ahaa Salaadiin, Cuqaal, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Maalqabeeno iyo dadwayne aad u tiro badan, waxaanay dhamaantood halkaa ka soo jeediyeen hadalo duco iyo dardaaran isugu jiray iyagoo ku dheeraaday taariikhdii lama ilaawaanka ahayd Alle ha u naxariistee Suldaan C/raxmaan Sheekh Maxamed waxaanay iska daba mareen inuu ahaa Oday dhaqameed wayn oo sharaf iyo magac ku leh dadka iyo dalka. Waxaanay masuuliyiintaasi ka warameen kaalintii uu Suldaanku ka soo qaatay nabadgelyada iyo dhismaha dalka

waxaanay sheegeen intii uu ka midka ahaa Suldaanku Golaha Guurtida iyo intii ka horaysayba inuu ahaa Oday oo muuqaal, Maamuus iyo magacba ku leh ummad dhexdeeda waxaanay Illaahay uga baryeen inuu marxuumka naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii, qaraabadii iyo shacabka reer Somaliland uu samir iyo iimaan ka
siiyo.
 

 

 



Xigasho: Saxansaxo