KUMUU AHAA SULDAAN CABDIRAXMAAN SHEEKH MUXUMED CILMI BARAALE

 

ALLE ha u naxariistee Suldaan Cabdiraxmaan Sheekh Muxumed waxa dhalay Sheekh Muxumed Cilmi oo shakhsi qadarin weyn ku lahaa bulshada Somaliland gaar ahaan dagaanada Tog wajaalle , Gabilay , Boorama ,J igjiga ilaa Hargaysa wuxuna ahaa dadka Ilaahay karaa meeyey,qof u duceeyay oo hongoobayna lama arag,wuxu dhalay dad aad u badan waxanu ugu jeclaa Suldaan Cabdiraxmaan wuxu ugu yeedhi jiray [Cabdi Toosane},waxan xasuustaan carruur nimadaydii Sheekha oo leh miyaad aragteen maanta Cabdi Toosane ,hadaanay ishiisu qaban gabal dhacay guriga ma tagi jirin.

Suldankuna waykan aabbo ayuu ahaa hadalkiisu had iyo jeer .Suldan Cabdiraxmaan wuxu nadiif ka ahaa laaluushka  eexda qabyaalada,nin jeclaysiga.Wuxu ku sifoobay  cadaaladda ,xaq soorka ,wada jirka iyo xurmo kasta oo binu"aadamihi leeyahay .Wuxu aad ugu wanaag sanaa cibaadada ilaahay,cidnaba ma durayn jirin cidnaba cadli xumo uma qarin jirin.Marka uu la kulmo masuuliyiinta darajo kasta ha lahaadaane ,kama leexan jirin waxa ummaddu doonayso,sida arrin dhacday markuu caaqilka ka ahaa dhinaca Ethopia waxa yimid magaalada Jijiga Boqorkii Hayle Salaase,waxa ka hadlay meeshii odayadii markaa ugu magaca weynaa,una sheegay Boqorka iyagoon daah furin sidii la rabay ,waxa farta Caaqil Cabdiraxmaan oon ku qornayn inuu madasha ka hadlo,waayo dadiisa oo ka yarayd ruugcadaaga madasha joogay,Boqorkii ayaa yidhi ninkaa farta taagay haa, wuxu yidhi Suladaan Cabdiraxmaan ma sidaad jeceshay baa kuu sheegnaa mise siday wax yihiin? mayee siday wax yihiin sheeg,dadku waxay

 doonayaan,biyo,Iskuulo,Dariiqyo,Laydh,Dhakhtaro iyo wixii nolosha qofku u baahanyahay oo dhan,markuu intaa yidhi Suldaan Cabdiraxmaan ayuu Boqor Haile Salaase yidhi ninkaa ayuun baa runta sheegay,hanbalyo iyo gacan qaadna siiyey.Odayadii madasha joogay,ilayn ragii hore waa isju garnaqi jiree waxay u bixiyeen maalintaa magaca NASIYE.

Alle ha u naxariistee Suldaan Cabdiraxmaan muu ahayn Suldaan beeleed ee wuxu ahaa Suldaan qaran sida dhaqankiisu ahaa,waxanu jeclaa haddii aad wax ula tagto inay tahay dan guud oo waxtar u leh ummadda,aadna u jecel gacal iyo sukeeyaba,cid u dhaw ama ka dheer iskugu mid bay ahaayeen.

Waxa kuu cadaynaya markii la soo galay dalka ,kaalintii uu ka ciyaa ray iyo midhihii ka soo baxay,oo tiirarka ay ku taagan tahay Somaliland , qaranimadeeda , xasiloonida , hanaanka dawladnimo ee sidii la rabay u shaqeeya,turxaan bixintii bulshada wada dagan dalka cidhif ilaa cidhif.

 

 

 

By :Abdirahman Ibrahim Bouh