KUMANAAN KUN OO TAAGEERAYAASHA XISBIGA UCID IYO MAS UULIYIINTIISA OO MAANTA ISUGU SOO BAXAY HARGEYSA IYO MUUQAALKA MAALINTA 3-AAD EE OLOLAHA DOORASHADA
 

Hargeysa (TNN)- Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, ayaa maanta oo ah maalintii saddexaad ee ololaha doorashadu socdo, ka bilaabay Gobollada iyo Degmooyinka kala duwan ee dalka Somaliland, isla  marka ana Kumanaan qof oo taageerayaasha UCID ka mid ah ayaa Masuuliyiinta sarsare ee Xisbigaasi saaka kala hadleen fagaaraha Beerta Xorriyada ee magaalada Hargeysa.

Musharaxa Jagada Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga UCID, Guddoomiyaha Guddoomiyaha Golaha  Wakii llada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-Cirro), kana mid ah madaxda sare ee UCID, Guddoomiyayaasha Haweenka, dhalinyarada,Xoghayaha Arrimaha gudaha iyo xidhiidhka Gobollada, Xoghayaha Warfaafinta u qaabbilsan UCID, Guddoomiyayaasha heer Gobol iyo Xubno kale oo ka tirsan Masuuliyiinta Xisbiga UCID, ayaa taageerayaasha isugu soo baxay Beerta xorriyada khudbado kala duwan halkaa uga jeediyey, iyaga oo dhammaantood si isku mid ah uga codsaday dadweynaha  in ay codkooda siiyaan UCID maalinta 26-ka bishan juun ee doorashadu dhacayso.

Maxamed-rashiid Sheekh Xasan oo ah musharaxa jagada madaxweyne ku-xigeenka UCID, oo halkaa ka hadlay, ayaa si qoto dheer sharraxaad uga bixiyey barnaamij-saasadeedka Xisbiga UCID dalka ku  hogg aamin doono haddii uu ku guulaysto talada dalka doorashadan soo socota iyo tallaabooyinka ay qaadi doonaan.

“120-ka maalmood ee ugu horreeya waxaannu qaban doonnaa, shir ay isugu iman doonaan  aqoonyah anka Somaliland. waxaannu qaban doonnaa shir ay isugu imanayaan Ganacsatada dalka, Shirkadaha Ajanabka iyo cid kasta oo doonayso inay maalgashi ka samayso dalka ama ka samayn karta. Waxaannu wax ku maamuli doonnaa caddaalad..

Haddii aad noo dhiibtaan masuuliyadda, waxaannu garanaynaa culayska ay leedahay in Illaahay nagala xisaabtamayo. Annaga oo taas ka duulayna, waxaannu ballan-qaadaynaa inaannu dalka ku  hoggaami no, caddaalad, sinnaan,dawlad wanaag iyo maamul kooban oo tayo badan, dalka iyo dadkana horumar gaadhsiinno.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed-rashiid Sheekh Xasan,isla markaana waxa uu u mahadceliyey taageerayaasha isugu soo
baxay.

Musharraxa jagada ku xigeenka Madaxweynaha ee Xisbiga UCID, waxa uu sheegay inaanay labada  Xis bi ee UDUB iyo KULMIYE, wax is-beddalka dalka iyo dadku u baahan yihiin midna keeni karin, hase  ahaa tee Xisbiga keeni karaa yahay UCID. Sidaa daraadeedna waxa uu bulshada reer Somaliland ka  codsad ay inay codkooda siiyaan Xisbiga UCID, si loo helo is-beddalka maanta Somaliland u baahan tahay. waxa uu ballan-qaaday inay dalka iyo dadka horumar gaadhsiin doonaan haddii ay talada qabtaan dhinac  ka sta oo laga eego.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi  (Cabdir axmaan-Cirro), ayaa isu soo baxaa ka hadlay, isla markaana waxa uu si kulul uga jawaabay khudbad uu Madaxweyne Rayaale 3-dii bisha oo ahayd maalintii koobaad ee ololuhu bilaabmo oo Xisbiga UDUB u  la haa, taasoo uu Madaxweynuhu khudbaddiisa ku soo qaatay eedayn iyo cambaaraynuu u jeediyey  Shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland.Waxaanu Guddoomiye Cirro taageerayaasha UCID uga  mahad celiyey sida ay taageerada ay UCID u hayaan u muujiyeen ee ay isugu soo baxeen maanta.

Gudddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro, waxa uu kaga jawaabay eedaha Rayaale u jeediyey, weedhahan; “Waxaan idiin sheegayaa inay caado u ahayd Madaxweynaha somaliland Daahir Rayaale 2006-dii illaa 2010 aflagaadaynta iyo cambaaraynta Golaha Wakiillada la soo doortay, laakiin mar qudha umaanaan jawaabin. Hase ahaatee, maanta waxaan doonayaa inaan laba eray ka idhaahdo Khudbaddii ugu  damb aysay ee Madaxweynuhu halkan (beerta xorriyada) ka jeediyey.

Waxaan leeyayMadaxweyne waxaad kala garan wayday inaad shirguddoonka la tartamayso iyo inaad Siilaayo iyo faysal la tartamayso, Shirguddoonku musharrixiin maaha, waxaanay ahayd haddaad cid u jawaabayso inaad Musharrixiinta xisbiyada Axmed-Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe u jawaabto, Shir guddoonku maaha musharrixiin adiga kula tartamaya.”ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu Md. Cirro.


Waxa iyaguna halkaa ka hadlay, Masuuliyiin fara badan oo Xisbiga UCID ka tirsan, isla markaana markii laga soo dareeray beerta Xorriyada, Taageerayaasha iyo Masuuliyiinta Xisbiga UCID, waxay  damaas haad ku marayaan waddooyinka dhaadheer ee Caasimadda Hargeysa, tan iyo xalay cawayskii oo ay  bil aabeen socodka iyo isu soo baxa. Waxa illaa xalay cawayskii laga maqlayay magaalada Hargeysa  coda dka heeso UCID loo sameeyey oo ka shidnaa Baabuur Codbaahiyayaal lagu rakibay.Waxa waddooyinka magaalada aad ku arkaysaa, Gaadiid lagu buufiyey calanka Xisbiga UCID iyo Musharrixiintiisa  Madaxwe ynaha iyo ku-xigeenka.

Kumanaan qof oo calanka UCID lulaya ayaa waddooyinka kolba dhinac u maraya, kuwaasoo ku  dhawaa qayey “Guusha yaale, UCID baa leh..” iyo weedho kale oo la mid ah. Heesa Baabuurta ka baxaya waxa aynu ka soo qaadan karnaa, hees midhaheeda ay ka mid yihiin; “Waa Faynalkiiye Faysal Raaca.” iyo kuwo kale oo badan.

Source:Togaherer