KUMA AYUU NOQON DOONAA HOGAANKA CUSUB EE XISBIGA UCID   ( XOGTA QORAAGA )

 

Abwaan: Siciid Cabdi Dheen


Xisbiga UCID wuxuu u baahan yahay hogaan cusub oo bedela mudane Gudoomiye Faysal Cali Xuseen ,oo hada talada xisbiga haya.Sida Gudoomiye mudane Faysal Cali Xuseen sheegay in aanu mardanbe isu soo taagi doonin jegeda Gudoomiyenimada.

Runtiina waa mid aad shacabku ugu taageersan yahay SUMCADIISANA u fiican inuu si sharaf leh kaga degojegeda gudoomiyenimada. Inkastoo xisbiigii talada laga qaaday ee UDUB aanu ilaa imika keenin barnaamij ku aadan cida xilka si rasmiya u qaban doonta .

Hadaba waxa is waydiin muda WAA KUMA masuulka maanta dadku isha ku hayo?
Sida xaqiiqdu tahay mudane CABDIRAXMAAN M CABDILAAHI CIRO ayaa ah hogaanka kaliya ee taageerada badan ka haysta gudaha delka iyo debedaba.Mudane cabdiraxmaan ciro ayaa ah masuul kaalin wayn kaga jira xisbiga ucid Cabdiraxmaan ciro ayaa lagu xasuusataa xiligii doorashadii ina dhaaftay sida uu uga hawlgalay meelo badan oo dalka ka mida.

Ilaa magaalada Hargaysa ilaa magaalada Burco iyo degeenada ke xeeran ayaa masuulku ka hawl galay waxaanu ka keenay cod aad u qiimo badan.

MUDANE CANDIRAXMAAN M CABDILAAHI CIRO ayaa sidoo kale ka hawlgalay degaanada burco iyo sheekh waxaanu ka soo hooyay guul aad iyo aad u fiican iyadoo dad badani codkooda  siiy ay XISBIGA UCID.Waxa aan la ilaabi karin oo markasta xisbiga UCID ku faanaa natiijadii ka timi GOBOLKA DAAD MADHEEDH[OODWEYNE].Halkaas oo xisbiga ucid guushu ku raacday labada xsibi ee kala ugu awood sheegtay inay degaankani yahay stronghole uu xsibigaUCID leeyah ay.

Mudane Cabdiraxmaan M. Cabdilaahi Ciro, Gudoomiyaha Barlamanka Somaliland ,waa nin aad u jecel degnaanshaha iyo nabada,waxa tusaale kuugu filan waqtiyadii maamulkii hore ee UDUB uu Parlamanka somaliland xidhay sida mudane candiraxmaan ciro oo khilaafkaa nabad ugu soo DABAALAY.waxa aan la ilaabi karin habka uu u dajiyay shacabkii MUDAHARAADAYAY at same time SIDA uu la hadlay maamulkii talada hayay asagoo u caqli celinaaya kuna dhiirinaayay IN NABADA LA DHAWRO.

Hadaba waxay su,aashu tahay ma arki doonaan xubnaha xisbiga ucid halyaygan dhex jooga ee hogaamin karadoorasahada xisbiga jegeda gudoomiye nimada ayaa waxay dhici doontaa mudo sanad ku beegan.Sida la filaayana waxa tartanka ka soo qayb geli doona masuuliyiin kale oo xisbiga ka tirsan si kastaba ha noqotee ragu iskuma jiree HALYAYGANI KA TILMAAM AN KUWA KALE.



WABILAAHI TAWFQQI

 

 

 

 

Siciid  Cabdi  Dheen
dheen@live.co.uk
London,UK