Kulun Dhexmaray Xildhibaan Cumar Sanwayne Iyo Xildhibaan Jim Karrygiannis
 

 


 


Toronto, Canada April 2  2010(TNN)- Xlidhibaan Cumar Sanwayne oo ka tirssan golaha wakiilad  So maliland ahna xubin ka mid ah gudida arimaha dibada ee golaha wakiilada Somaliland ayaa ay kulmmeen maanta xildhibaan Jim Karrygiannis oo isna ka tirasan golaha baarlamanka dalkan Canada lagana soo doorto deegaanka bariga Agentcourt ee xaafada Scarborough.

Kulanka labada xildhibaan ayaa isugu jiray xogwaraysi dhinaca geedi socodka dimuqraadiyada Somaliland iyo doorashada madaxweynaha ee soo socota, macaawinooyinka dawlada Canada ay siiso dalalka Afrika iyo guud ahaan sidii Jamhuuriyada Somaliland looga caawin lahaa  dhina ca amaanka bada.

Xildhibaan Jim Karrygiannis ayaa kala hadaly xildhibaan Cumar Sanwayne inay ku hawlan yihiin wakhtigan xaadirka ah isaga iyo xubno badan oo ka tiran xildhibaanada dalkan Canada sidii ay uga mid noqon lahaayeen goobjoogayaal doorashada soo socota ee madaxweynimada  Somal iland. Xildhibaan Jim Karrygiannis oo laga soo doorto xisbiga Liberal-ka ayaa kala hadlay  xildhi baan Cumar Sanwayne sida ay ugu suurta galayso inay ku soo marti qaadaan dalkan Canada guudoomiyaha xisbiga Kulmiye Md Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo inta ka horaysa  doora shooyinka madaxweynenimada. Xildhibaan Jim Karrygiannis waxaa uu ka mid yahay  xildhibaa nada aadka u taageera qadiyada gooni isu taiga Somaliland waxaana uu madax ka yahay  urur ka Somaliland Canadian Friendship.

Xildhibaan Cumar Sanwayne oo ka tirsan xildhibaanda xisbiga Kulmiye kaga jira golaha  wakiila da ayaa baryahanba booqasho ku joogay dalkan Canada. Kulankan dhexmaray labada  xildhib aan ayaa ah mid hordhac u ah kulamo is daba jog ah oo xildhibaan Cumar Sanwayne la yeelan doono madax badan oo isugu jira xildhibaano ka tirsan golaha baarlamanka Canada iyo saaxiibo badan oo daneeya qadiyada gooni isu taiga Somaliland.





Maxamud Lafcanbe

Toronto, Canada