KULMIYOW RAGG CADAALAD WAAYAY SIDII CAWSHA KALA YAAC

Waxa salaan mudan shabakaddaha ama mareegaha ku abtirsada JSLand ee maalin kaste heeganka u ah sidii ay bulshada soomaliland uga haqab tiri la hayeen wararka xaqiiqada ku saleysan ee dalkii hooyo ka soo baxaya maalinkaste iyo xili kaste, waxan leeyahay hawlawadeenada mareegaha Somaliland walaalayaal aad baan idin soo salaamaya dhamaantiinba.

Waxa igu kalifay qoraalkan yar ee gaaban ee maanta aan doonayo in aan ku muujiyo muwqifkeyga siyaasadeed iyo inta ila wadaagta muwqifkaasi ee islamarkaasna si aanu wax u wada aragno, mudo dheer ayaanu naawilaynay cadaalad iyo dimuqradeyda xaq ah oo lagu soo dabaalo maamulka kulmiye, mudo dheer baanu geed dheer iyo mid gaabanba u foolnay sidii cadaalad iyo isbadal siyaasadeed oo dimuqradeyda ku dhisan doonayn in laga hirgaliyo maamulka kulmiye laguna dhaqmo dimuqradeyda iyo cadaalad, runtii sidaad ula wada socotaan arinkaasi wuxu noqday mid aanu natijo waxku oolaha ka gaadhi weynay oo soomalidu waxay tidhaahda NIN MEELI U CADAHAY MEELI KA MADOOW, waxakaloo aanu soo taabanay ama aanu ogaanay inuu xisbiga kulmiye yahay xisbi u afduuban dhowr siyaasi oo macangagiin ah, sida ka muuqata shirarkii u qabsoomay xisbiga kulmiye wuxu ku saleysan ama u ku socday hab qabiil oo aan runtii u adeegeyn hormoorka iyo dimuqradeyda aynu higsanayno, waa nasiib daro inuu xisbiga kulmiye ku faano shiraarkaasi noocaasa ah ee qabyaalada ku saleysnaa inuu yidhaahdo laba shirbaa noo qabsoomay, WAXAD CUDUR AD U TAQAANO AYEY RAGGNA CAADA DOODA TAHEY, runtii madaxda kulmiye waxey caado wanaagsan u yaqaanan habkaasi qabiiliga ah ee wax lagu qeybsado, waxa si inta badan ka soo horjeedan cadaalada iyo nidaamka dimuqradeyda ku saleysan, waan mid nasiib daro ku aha horsocdka xisbiga kulmiye. Xaabaal iyo ninkeed loo kala tag.

Waxa haddaba aakhristoow soo dhaweynaya go'aankaasi geesi nimada leh ee aan maqlayo ama lagu soo daabacayo mareegaha qaar ee sheegaya DR. Axmed Hussein Ciise wuxu go'aansaday inuu ku biiro xisbiga UDUB aad baanu u soo dhawey naynaa haddii aanu nahey taageerayaashii kulmiye ee isbadal doonka ahaa meelkastoo aanu joogaanba waxay leeyihiin waa go'aan geesinimo oo aanu ka filaynay doctorka mudo dheer runtiina dhagatu aad bey noo taag neyd mudo dheer oo anu filaynay go'aanka drka, waananu kugu garab taagnahey xisbi kastoodo u digo rogato, waxanu leenahey KULMIYOW RAGG CADAALAD WAAYAY SIDII CAAWSHA KALA YAAC.

Waxanu leenahay Dr, Axmed Hussein Ciise iyo taageerayaashiisuba in ay ka reysan doonan dagaalkii qabooba ee xanuunka badanaa ee ka dhex aloosna xisbiga KULMIYE ee dhawrka siyaasi u afduuban.

 

 

 


Omar Daarood Xassan

darood2@hotmail.com
Syria