Kulmiyow markaad
leedahay ma aqoonsani xukuumadda 06,April waxad ula jeedaa
Somaliland ma Aqoonsani
Waxa cajaaib leh markaad aragtoo
wax kaa yaabiya ee aduu layaaban haddana wax ka sii yaab badan aad
la kulanto taas oo aan macneheeda uga socdo waxaynu ogayn mawqifkii
guracnaa ee kulmiye kaqaatay go,aankii guddiga doorashooyinka
Somaliland ee muddo kordhinta doorashada madaxtooyada oo ay
qorsheeyeen inay dhacdo 31,05,09 .
runtii waxay ahayd muddada ay kordhiyeen 60 maalmood oo kali ah
iyagoo sababo macquul ah u cuskaday dib udhigidaas
waxa qaylo cirka ku shareeray hogaanka sare eee xisbiga kulmiye isla
markaana loogu tol iyo taagba waayay inuu saxiixo go,aankaas oo ay
labada xisbi qaran ee kale ogolaadeen
waxbadan oo murankaasi taagnaa kadib waxa dhacday in madaxweynaha
jamhuuriyada somaliland mudane daahir rayaale kaahin oo golaha
guurtida somaliland u gudbiyay qoraal uu ku lifaaqanyahay dalabkii
muddo kordhinta ee guddiga doorashooyinku
taas oo dood iyo falanqayn dheer kadib ay guurtidu guteen
waajibaadkoogii distooriga ahaa isla markaana ay xal u arkeen in
doorashada dib loo dhigo lixbilood oo kaliya
kulmiye wuxuu kafilayay guurtida in ay soosaaraan go,aankaas mid
kaduwan oo uu isagu danihiisa gaarka ah u arkayay balse odayaasha
guurtidu waxay eegeen dadkii guud ee qaranka go,aan geesinimo lehna
way qaateen waanay ku amaananyihiin runtii
haddaba haddii maalintii uu komishanku mudeeyay kulmiye go,aankaas
qaadan lahaa wax sadexda xisbi qaran iyo komishanku isla ogolyihiin
oo heshiis kuyihiina loola tagi lahaa guurida waxaan aaminsanahay
inaanay kahor yimaadeen balse hi,iinyadii kulmiye lasoo taagnaa
waxay keentay in dib udhac kale yimaado oo labadii bilood uu
diidanaa waliba Afar bilood oo kale lagu daro
waxa haddaba iyona aan aad ula yaabay kulmiye oo maanta leh guddiga
doorashooyinkaa xaq uleh muddo kordhinta ee yeeli mayno go,aanka
guurtida
kulmiyow goorma ayaad ogolaateen go,aanka komishanka mamarkii waxaad
filayseen socon waayay
kulmiyow saaxiibayaal waxa ,maanta idinka soo yeedhay maaha waxaad
ula jeedaan xisbiga talada haya iyo daahir rayaale midna cidda aad
ujeedaan waa shacabka masaakiinta ah ee nabada jecel ee dalkooda
jecel ayaad duulimaad kutihiine kadaaya
doqonta usha agteeda kudhufo hadday garanweydana goga ugali ayay
somalildu tidhaahdeeye daahir rayaale ma aqoonasninta siilaanyo ku
dhawaaqay marka lagaadho 6,April wuxuu ula jeedaa somaliland
ma,aqoonasni wixii kadambeeya 06,April
waanu oganahay axmed siilaanyow inaad ceelalyo udiratay koonfurta
somaliya waan lasoconaa xidhiidhada idinka dhexeeya somaliya iyo
ujeedooyinka kuu qarsoon waana lawada ogyahay saaxiibadaadii aad
isugu jeclaydeen halkaad udiratay ee ay maxamuud sifir iyo rag kale
kamid yihiin
waxaanu kuleenahay waar aayar cagaha dhulka dhig haddii saar kursi
kuhayo waa lagaa tumi doonaaye
ugu dambayntii shacabka somaliland ee nabad jecel waxaan leeyahay
ilmada beenta ah ee kulmiye qubayo ayaan laidinku beer laxawsane
ilaashada walaalayaal nabadgalyadiina iyo qaranimadiina
somaliland
haguulaysato
wabilaahi tawfiiq
Axmed Aw Cabdilaahi khaliif
Finland
|