KULMIYOW KOLKANA WAA LOO KORDHIYE KADABA DHAHA EE KADABAA, KADABAA, KADABAA

 


Qaybtii 1 & iyo dhammaadkii

Somaliland waxay hore u diidey in Xamar laga daaro immikana diyaar umma ah in qurba joogtu London iyo Newyork ka maamusho.

Guurtidu waxay dhaankii u negeysey ee doorashadii dib ugu dhigtay iyada oo dhawraysa duraafaha gaarka ah ee dimoqraadiyada socod baradka ah, iyada oo tixgelineysa dhawaaqa iyo codka muwaadinka aan lahayn labada dal-ku –gal amma laba dhalasho., iyada oo tixgelineysa cimilada gaarka ee Somaliland oo doorbidaysa xilliga laga codayn karo ogadeeda iyo gubankeedaba, iyada oo ka duuleysa oo ixtiraamaysa Hay’addihii loo igamadey abaabulka doorashooyinka qaranka.

Aniga siday ila tahay waa go’aan aad looga baaraan degey oo soo gabagabeyn kara murankii iyo ismaandhaafkii golayaasha Axsaabta Qaranka oo mudan in lagu dhaqmo.

Golaha Guurtidu sida aynu la wada socono waa gole taariikhi ah oo dhismaha Somaliland iyo kala badbaadintii beelaha iyo dhismaha Hay’adihii dawladaha ee maanta jira oo dhan sal iyo asaas u ah.

Kaalinta Guurtidu ka jirto Somaliland iyo taariikhdii ay soo martay waxaad ka akhrisan kartaa buuga la yidhaa Dhaxal reebtay oo uu qore Muddane Cabdi Yusuf Ducaale (Boobe). Waxaad akhridaa faqradaha uu kaga hadlayo Guurtida.

Maxay Guurtida kaga duwan tahay Golayaasha kale ee Somaliland iyo Golayaasha Dhexe ee Axsaabta Qaranka?

Golaha Guurtidu beelaha waa ka xor oo mid ay cod iyo aqoonsi gaar aha ka doonayaan ma jirto. Axsaabta way u simana yihiin oo mid gaar ay darajo ka goynayaa amma u kordhinayaa ma jiro. Distoorka iyo duruufaha ayuun bay tixgeliyaan.

Golaha guurtidu waa gole aqalabiyada xubnahoodu ka kooban yahay muwaadiniinta aan laba dalku gal haysan. Waa gole xubnaha aqlabiyadood dhammaan goob joog u ahaayeen go’aamadii iyo daruufihii ay Somaliland soo martay oo dhan.

Xubnaha Golaha Guurtidu tartan ugu ma jiraan jagooyinka Qaranka iyo mid ka saraysa tay ay hayaan.

Golaha Guurtidu xilal iyo wasiiro ma bixiyaan, cidna umma ballan qaadaan, sidaa daraadeed kooxaha u tartamaya kuraasidu xidhiidh lama laha oo go’aamadooda arrintaasi saamayn kuma lah.

Golaha Guurtidu wuxuu mar walba xidhiidhka ugu badan iyo tixgelinta mawaadinka dhabta ah ee aaminsan dalkiisa hooyo miyi iyo magaalaba. Golaha guurtidu xidhiidh lama laha Qurba joogta oo maal iyo taageero kama raadsadaan. Qurba joogtuna xidhiidh lama laha oo jagooyin umma doontaan.


Golayaasha Axsaabta Qaranka

Golayaasha Axsaabta Qaranka waxaa xubnahooda ku badan Qurba joogta, haba ku sii kala bataane. Go’aamadooda inta badan ma tixgeliyaan danaha reer miyiga iyo mawaadiiniinta magaalooyinka ee waxay had iyo jeer iswaafajinayaan danahooda gudaha iyo qurbaha.

Waxay Golayaasha Axsaabta Qaranku tixgelin siiyaan oo dhegeystaan talooyinka taageerayshooda ku nool Yurub iyo Amerika. Bal u fiirso immika qaylo dhaanta dhacaysa.

Markaad eegto go’aanka Golaha ee ku salaysan cimilada dalku ma anfacayo Axsaabta mucaarid ka ah oo maal iyo talaba ku tiirsan qurba joogta. Waxaa is waafiqi waayey Xilliga Guurtidu u qoondaysay doorashada iyo Xilliga Qurba joogta Yurub iyo America fasaxa yihiin oo ah Juulay iyo August.
Golaha fulinta amma dawladda
Golaha fulinta ee uu Madaxweynuhu guddoomiyaha ka yahay waa golaha ilaalinta distoorka, wixii lagu heshiiyo, aammanka qaranka iyo fulinta iyo kormeerka addegyada asaasiga ah ee bulshada u baahan tahay iyaga oo kaashanaya shacbiga iyo golayaasha distuuriga ah.
Wuxuu ka kooban yahay xubno ka tirsan xusbiga hadba talada hayaa oo manta UDUB ah waxay ka soo kala jeedaan qurbo jog iyo saba oolba. Dhaliisha iyo gefafkoodu iyo sidii loo sixi lahaa waa halkooda. Xilka iyo jagooyinka ay hayaan waxaa u dheer difaaca xusbigooda.

Komishanka Qaranka
Runtii waa golaha ugu xasaasisan xilligan aynu ku jirno. Waa Golaha abaabulka iyo maamulka Codbixinta iyo doorashooyinka. Waa gole ka dhigan heshii laba midig luhu raacay ee dhinacana u fayoobeen. Waa kaalin adag. Si ay dhexdhexaad u noqdaan sedexda xusbi qaranba xubno ayay ku leeyihiin.
Golaha Sharci dejinta amma baarlamaanka


Golaha baarlamaanku wuxuu ka kooban yahay sedexda Xusbi Qaran oo kala ah xubnaha qurbaha ku xidhan amma had iyo jeer wufuud ugu soo baxda. Golahani marar badan go’aan qaadashada ayaa ku adkaata. Xilkii loo idmadey ee ahaa sharci heerka dejinta qarameed. Sidaa ay qabyaaladu marar badan ugu xoog roonato qarnimada ayaa Xilkoodii Golanimo waxaa kala Xoog weyn xilkoodii xusbinimo iyo xilkoodii beelnimo.Waayo waxay rabaan in dib loo soo doorto. Waxay mar walba xeerinayaan xilkii xusbinimo iyo adeegsigii beelnimo, sidaa daraadeed waxaa had iyo jeer wiiqma xilkoodii guud ee sharci dejineed oo waa la kala jiidanayaa.

Waxaad halkaa ka arkaysaa in Golaha guurtida waxyaaba badan oo golayaasha kale u habranayaan uu ka badbaadey lagana fogeeyey markii distoorka la dejinayey.

Sikastaba ha ahaatee, itaalkasta iyo dhaliilkasta ha yeesheen Golayaashani waa hay’addo maamul dawladeed oo asaasmay. In la kobciyo mooyee u baahnayn in la dumiyo. Waa la dhaliili karaa laakiin lama daadufeen karo go’aamadooda.

Afrika Guurti ma laha, oo dagaal waa inna daanweyne
Wadamada Afrika kuwa innaga guga’ waeyn iyo kuwa dhigeena ahiba malaha Gole Guurti. Wixii Kiiniya ka dhacay Guurti Somaliland ka leedahay.
Somaliland waxay afrika dheer tahay oo had iyo jeerna nabadeedu ku salaysan tahay Golaha Guurtiga iyo golayaasha kale ee maamulka iyo shacbigeeda u hogaansan.

Afrika waxaa had iyo jeer dagaaladeeda iyo diktaatooriyada abuura muranka mucaaridka kursi beegsanaya iyo maamul kursi difaacanaya. Ma jiro Gole kale oo ka madax banana sida guurtida oo go’aan la wada raaco qaadan karaa. Somaliland boqolaal goor hore ayaa la isku dhici lahaa, haddaanay jirin guurtida beelaha Siyaasi soo kicin lahaa xidhiidh la leh islamarkaan Siyaasiyiintana Xidhiidh lal leh.

Xaajiyed ii eda ah, oo aan wacay maalin dhaweyd, oo Hargeysa degani waxay igu tidhi: “ Eddo marka Axsaabtu Muranto waxa ka soo yeedha qax iyo dulcad baan u diyaargaroobaa, markay guurtidu go’aan ka gaadhana waan nagaadaa oo reerka waan dejiyaa. Isku mid baanu nahay annaga iyo guurtidu, Haddii Hargeysa laga qaxo labadayaduba dulcad baa noo ballan. Ma haysan baasboor markay qaraxdo aannu halbsano diyaaradah. Wax weyn baanu wadaagnaa mid kaayana qax ma ogola.”

Muran beelo dhex yaala iyo muran axsaabta dhexyaala oo aan guurtidu talo ka dhiibani muu soo mari Somaliland. Go’aamada Guurtidu Axsaabta kama wada qosliyaan, beelaha kama wada qosliyaan, Waxay ka qosliyaan nabada iyo nagaashaha.

Madaxweynayaasha Somaliland Mudada waa loo Kordhiyaa iyagu ma kordhistaan

Madaxweynayaasha Somaliland dadweynaha ayaa doorta, cod ayaa lagu kala helaa. Habkay doonaan tartamayaasha dadka ha u kala jiitaane, nin waliba wuxuu cod helay ayuunbaa la tiriyaa. Way ka reeban tahay in qori iyo xoog la isku muquuniyaa. Xodxodashada, laaluushka iyo qaadka, beelo doondoonka iyo barnaamij wax ku oolihi la immaanshah, midna kama reebana Axsaabta Qaranka. Wuxuun baa muhiim aha in aad wixii ka soo baxa ku dhaqanto oo aad aqoonsato. Dagaalada Afrika iyo kuwii Somalida soo maray amma ay ku jirtaaba waa beel wada mucaarid ah iyo beel wada muxaafid ah oo laba qof oo kursi doon ah la kala safan.

Haddii ay duruufo keenaan oo loo baahdo muddo kordhin madaxweynaha markaa jooga, axsaabta qaranka golayaasha iyo la tashiga shacbiga ayaa loo maraa kordhinta muddada. Sharcigaa la waafajiyaa. Madaxweynaha immika jooog iyo kii ka horeeyeyba waa la kordhiyey muddada. Waxaa loo maray ha’addaha sharciga ee ku salaysan distoorka, waa nidaam dawlad sheegaynaysa dimoqraadi iyo caadkeed.

Golayaal aad aqoonsan tahay, Guddoonkooda lama daadufeeyo Somaliland waxaa ka hirgelay dhammaan golayaasha aan kor ku xusay iyo maamul hoosaayo kale oo dhammaanto lagu hirto oo noqday mishiinka maamul ee jiritaanka Somaliland ku tiirsan tahay. Waxay dhammaantood ku salaysan yihiin distoorkii shacbigu aftiidiisa ku ansaxiyey. Loogama wada fadhiyo in ay xubnahoodu wada toostoosan yihiin, loogama fadhiyo in ay gefi waayaan, loogama fadhiyo in ay mar walba ilaahay waafajiyo sidii roon. Waase tiirar maamul bulsheed oo samaysmay. Waa tirar shacbiga, ka kursi doonaya iyo ka ku fadhiyaba ilaalinaya xuquudiisa muwaadinimo. Waxaa markaa loo baahan yahay in aad ilaashato si ay kuu ilaaliyaan, oo kuwa dhalan doona u ilaaliyaan. Meesha xun ha ka ursan. Nin xun, nin qaloocan iyo musuqmaasuq, laga waayi maayo. Waxaad isweydiisa sidii loo toosin laha ee loo kabkabi lahaa godalooliyanka jira.

Guurtida go’aanka muddo kordhinta ee ay soo saartay waxaa loo soo gudbiyey kadib markii la daadufeeyey go’aankii Komishanka doorashooyinku soo saareen. Kuwa daadufeeyey go’aankii komishanku waxay buriyeen Gole qaran oo xil loo igmadey. Kaadi badane waa loo googol badiyaaye. Waxaa lagu qanciyey in arrinka guurtida lagu simo oo loo gudbiyo. Axsaabta qaranka iyo shacbigu arrintaa way ku wada qanceen, waayo waa xaal distuuri ah oo meel laga dhaafaa jirin. Kalsooni iyo raali lagu wada noqday.

Mar alla markii guurtidu u qalqaashay fadhigoodii dooda iyo dimoqraadiyada ku salaysnaa, sedexda xusbi qaranba waxay bilaabeen in ay la kala faqaan oo kala jiitaan xubnihii guurtida iyaga sida la sheegay laaluush, beelnimaba iyo tabo kalaba wax kaga doonaya. Lama maqal wax leh go’aanka ka soo baxaa ima anfacayo oo guurtidu kuma kalsooni. Go’aankiise aakhirkii wuxuu noqday kay dadweynuhu intiisa badani ka filanayeen. Axsaabta Qaranku may girif girif yarayn ee bad heshay. Mar haddii garoonkii aad kula cayaartay lagaaga badiyey, waa waajib in aad u hogaansato midhihii ka soo baxay oo aad weliba tidhaa Kadabaa, kadabaa, kadaabaa. Haddii ay noqon lahaa sidaa adigu ka dooneysey markaad la kala faqaysey waxaa lagu odhan lahaa kadaabaa ee adiguna ha ku masuugina u hogaansanow.

Muddo kordhinta loo Sameeyey Guddoomiyayaasha mucaaridka
Aan soo gabagabeeyee, go’aankan Guurtida wuxuu u kordhiyey Guddoomiyayaasha Mucaaridka muddaddii ay sii ahaan lahaayeen Guddoomiyayaasha Xusbiyada qaranka ee Kulmiye iyo UCUD.
Marka Madaxweynaha loo kordhiyaba iyagana toos ayaa loogu kordhiyey in madax ka sii ahaadaan xusbiyada mucaaridka.

Hadal iyo dhammaantii waxaan leeyahay hogaamiyayaasha Xusbiyada Mucaaridka, muddo kordhinta guurtidu u samaysay in ay ku sii fadhiyayaan jagooyinka hogaaminta mucaaridka, waxaan leeyahay Kadabaa, maxaa yeelay waxaa laga yaabaa in aad jagooyinkaa weydaan haddii aad ku guuleysan weydaan doorashada innagu soo fooleh. Buro ayaad sidaane ha is biyo dhiijinina. Qaarbadan ayaa sugaya Jagooyinkaa laftooda oo habaar iyo duco ku doonaaya. Mucaarid iyo Muxaafidba waxaad kala hesheen: Kadabaa kadabaa kadaabaa.

 


Dhammaad

 

 

 

Haamud Duale