KULMIYOOW MAXAAD MAANTA UMMADDA KU BEERLAXAWSAN


 


Hadda oo la joogo gebogebadii ololaha doorshada deegaanada ayaa waxa muuqata in Xisbul xaakimkii Kulmiye oon weli yaqiinsan in ummaddii hal dabo la' laba sanno iyo badh ugu codeysey in ay mar keliya ka hayaantay oo taageeradoodii ula wareegeen Asxaabta iyo Ururada kale ee saaxadda ku tartamaya. Weli Kulmiye ma oga sababta keentay in dadweynihii shalay laf dhabarta u ahaa maanta si sibiqa ah uga diga rogtaan.

Waxay ummaddu u dulqaadan weydey markii xukuumadda maanta dalka ka talisa si badheedh ah mugdi u gelisey masiirkii ummadda ka dib markay Golayaashii Sharci dejinta sid duuduub ah u buriyeen xeerkii dabarka u ahaa ka qeybgalka shirarka aan dhammaadka ee dib u heshiinsiinta Soomaaliya, taas oo lafjab ku noqotay jiritaankii iyo qarannimadii Somaliland.Horaa loo yidhi mayd maxaa u dambeeyey:"Iyo kaa hadda la siisido." Shalay waxa Hargeysa yimid wefti UNDPa ka socda oo la shir yimid waxanu idiin wadnaa mucaawimadii Jimciyadda Quruumaha ka dhexeys a idinka oo qeyb ka ah dowladda cusub ee Soomaaliya ka dhalatay! Illaa hadda xukuumadda So maliland wax hadal ah oo arrintaa ku saabsan lagama hayo.Todobaad ka hor ayaa wasiiro xukk uumadda Somaliland ka mid ihi u kicitimeen magaalada Nairobi, xarunta laga maamula kaalmoo yinka Soomaaliyadii burburtay loogu tala galay.

Waxay xukuumadda dalka ka talisaa caddaysatay in aay Ololaha doorshada deegaanka ku gas ho cashuurtii laga soo ururiyey dalka, taas oo xaaraan maqdac aha in ahnti ummadda loo adee gsado olole doorasho noocuu doonaba ha ahaade. Waxa caddaatay in xukuumadda maanta jir taa ay u tafaxaydatay xaraan iyo xalaalba in ay boob ku hesho codka ummadda oo waa taa w arbaahintu ka markhaati kacaysa in habeen madow khasnadihii Bangiga dhexe la faaruqiyey ee bari iyo galbeed gudoodiga loogula jarmaaday si ummadda codkeeda looga laaluusho markay caddaatay in tartankii doorashada xisbul xaakimkii goob xun lagaga dhaqaaqay.

Markay xukuumaddii yaqiinsatay in saaxaddii siyaasadda lagaga awood roonaaday, ayaa waxa miciin la mooday in shilimaad shacbiga sharafta leh ee sida gobanimada leh shalay codkoodii ug u hibeeyey in maanta loola shir yimaad xeelado gef ku ah diinta, dadnimada, iyo damiirka aada maha. Miyaanay ceeb iyo karaamo darro ahayn in ummaddu dadkay taladoodii ku aamineen dh aqan xumadan ula yimaadaan.

Nin qoyani biyo iskama dowro ayaa hore loo yidhi. Kol haddii xisbigii Kulmiye ee loo hanka weynaa maantaba halkaa marayo. waa gudcur iyo caddo isdaba wareegaya; waa mahadhooyinka siyaasadda oo maalinba waa cayn. Xisbi talo dal haya ayaa beri dhulka la jiidaa oo hoggaamiyihiisii kurisigiisiina waayaa. Mar haddii xaalkii Kulmiye maanta marayo nin daad qaaday xumbo cuskay iyaba waa cibaarooyinka adduunke wax ma lagu qaadandoona?

Dhaqan ugub ah oon Somaliland hore looga aqoon ayaa maanta kowsaday: Xisbi hebel iyo Urur hebel cadowbay inagu yihiine saaxadda ha laga saaro, mid shaqayndoonta ma aha; murashaxi inta xisbiga UCID in dhaqaalihii inoo dhexda ahaa loogu gacan haadiyo iyo ballanqaado shaqo iyana waxa la aqbalayo noqonmayso ee Kulmiye tartanka si xalaal ah ha uga qey galo, hadday taaasi u cuntami weydana xukuumaddu iyadaa cirka roob ku og. oo wax ku shubasho ah, budh cad codeednimo, iyo sanaadiiq la cabbeeyo cid la marsiindoona jirimayso.

In kasto Xisbiga Kulmiye adeegsado awoodihii dawladnimo sida hadda muuqata ee Madaxweyn ihii, wasiiradii, agaasimayaashii, iyo hoggaankii xisbigu isugu milmeen wax cad in aan marnaba guul lagu soo hoyndoonin, oo waa taa maantaba fagaarihii beerta Xoriyadda ee Hargeysa iya doo madaxdii iyo wasiiradii xukuumaddu khudbadaynayaan dadweynihii madasha yimid ka hule elay markay sidii caaada u ahayd ballanqaado biyo kama dhibcaan ah maaweelooyin hore looga daalay la shir yimaadeen.

Hal todobaad ayaa inaga xiga maalinta loo ballansanyahay; maalintaas ayey caddaandoonta cidda ummaddu codkeeda ku aaminaysaa. Haddii xukuumaddu hore u qorsheysey in halkii xisbi gu UDUB la mariyey, UCID la mariyo, waxay kaaderiyiinta Kulmiye iyo xukuumaddaba ku noqon doonta laf dhuun gashay oo hunguriga mariweyda. Ururada kale ee loo dardaarwerinayana mid na xaqiisa lagama duudsiyi karo oo mid kastaa isaga ayaa codkiisa ilaashanay.



Guul iyo Gobanimo, barwaaqo, iyo nabad iyo caano.

 

 


Axmed Cali Ibrahiim Sabeyse

Guddoomiyaha UCID Canada.