Kulmiye waan Necebahay laakiinse maanta waxan kasii Necebahey kuwa KABAHA NIJAASTALE kala horyimid madaxweynaha

 

 

 



Hordhac : Sheeko yar oo gaaban dhacday oo la iga sheegeyay waqtigii eynu halganka ku jirney lagana yaaba in ay dadbadan goobjoog ba ka aheyeen oo hada aakhrisaneya qoraa lkeygan runtiina an jecelahay in ay i saxaan hadii an khaldamo, ama is kale sheekada u dhig o, sheekadan waxay dhex martey waqtigaasi eynu halganka ku jirney mujaahid Axmed Dhagax iyo gudoomiye kuxigeenkii ururka SNM marxuum Cali Wardhiigley, labada mujaahid ba maanta wey inaga hooseyaan oo wey dhinteen ilaahey naxariistii jano ha ka waraabiye,
 

 


Waxay sheekadu u dhacday sidatan, waqtigaasi waxa aad isugu kacsanaa oo runtii xurgufi weyni ka dhexeysa gudoomiyaha SNM MUJ Siilaanayo iyo MARXUM Cali Wardhiigle oo isna aha gudoomiye ku xigeen ururka SNM, muj Axmed Dhagax oo ka mid ahaa saraakishi SNMta laftiisa waxay fiinto dhex miraneysa muj Siilaanayo o ahaa gudo omiyihi snm, somalidu waxay tidhaahda cadawgaaga cadawgiisu waa saaxiibka, ninkii odayga ahaa cali wardhiigle ayaa og aaday xurgufta Siilaanayo iyo marxum Axmed Dhagax ka dhaxeysa, markaasu soo doontey muj Axmed Dhagax oo jooga Adisababa isagoo doonaya inuu garab ka helo muj Axmed Dhegax, dhanka kalan u arka inuu yahay nin ay xidid yihiin oo hawiye ah ka qaba, markuu Cali dhameystay ujeedadii u ka lahaa muj Axmed Dhagax sheekadiina soo gabagabeyay, ayuu muj Axmedna si fudud jawaab dhaxalgal ah uu siiyay oo runtii kooban Cali Wardhiigley, wuxu yidhi horta ninka Siilaanayo la yidhaahdo aad baan uga soo horjeeda mana jeceli LAAKINSE WAXAD OGAATA inaan ka sii nacebahey ninka an ISAAQ AHE YN EE SIILANAYO NECEB, odaygii cali wardhiigle halkii buu cumaamadiisi yareyd la booday oo uu dhabarka sii jeediyay isago o leh YAA YIDHI ISAAQ WAA COL ah


Waxan sheekadan yar ee gaaban uga socda anigu Cumar ahaan ma jeceli Siilaanayo iyo madaxda kulmiye, waxanse ka sii necebahay kuwa wax magaratada ah ee maanta madaxweynahoodii ay codkooda siiseen KABAHA HOOSTOODA WADADA ISLA TAAGAY iyo cid wal oo dhagax iyo xabad ku fiidhda, ma aha gobonimo, waxase inoo eeg in aynu mustaqbalka codkee na ka fiirsano oo aynu cod ku ridno xisbiga Kulmiye, waxad ogaatan INAGA LA INOO TAAGA WAAYEY OO SIILAANAYOOY LA INAGA YEEDHSIIYAY,


Runtii aad baan uga xumahay shacabka reer Gabiley ee gadoodsanaa ee madaxweynihii KABA ha nijaasta ah KU SOO DHA WEYAY, waan arin runti foolxumo badan oo anu inaga mudneyn madaxweynuhu.
 

Haddaba aakhristow soomalidu waxay tidhaahda DARIGA MAXAA KARKA KA KEENAY, sow maaha kuleelka hoosta kaga sh idan, runtii waxa hubaal ah shacabka Gabiley in ey mudadii sanadka aheyd ee uu maamulkan kulmiye jirteyba saxaafadda iyo waraabinta usoo gudbinayeen cabashooyin badan oo ay hogaanka gobolka iyo xukuumada dhexe ba kaga cabaneyeen arimo badan, waxay filayeen isbadalkii loogu balan qaaday ee ahaa shaqo abuurid iyo hawlo badan oo balamahaasi ka mid ahba oo an la oofiyin taasa nasiib daradan hormood ka ah in madaxweynaha sidan foosha xun loo soo dhaweyo.

Markii ay ka caal waayeen dawladii dhexe iyo tii gobolka ba waxa runtii soo taray dadbadan oo dareensan sida ay dawlad u uga dhego adegeyso qeylo dhaantooda, hadii ad la socotan maamulka Gabiley mudadii maamulkan Siilaanayo jiray wuxu ku sugna jahawerer iyo qeybsanaan shacabka dhexdiisa fooda la isku wada galiyay, runtiina dadbadan ba dareensan in ey dawladu lug weyn ku leedahay khilaafadka iyo waxqabad la'aanta maamulka gobolka Gabiley, waad la socotan inta goor ee uu isbadal ka dhacay maamulka Gabilay sanadkii maamulkan Kulmiye jiray waad la socotan wixi khilaaf ahaa e gobolkan soo maray mudadii yareyd ee sanadka aheyd, runtii arimahaasi oo is biirsaday baa ku kalifay baan filayaa in ay dad cadhe ysan fuliyaan foolxumadaasi ka dhacday Gobolka Gabiley.

Waxaaso isbiirsaday oo an bulshadii laga bogsiin ayey cago damdam layaal sheeganeya reer Gabiley soo horkaceen mada xweynihii iyo waftigii kusocday Boorame, dee waata Kabtii Bush lagu tuuray mid ka xun iyo hadalo ka turjumaya balamihii doorashada horteed la isku ogaa oo ah BEENAALE NA DHAF, BEENAALE NADHAAF IWM,

HOREy reer Gabileyow talo idin seegte caano daatey dabadeed la qabaye mar haddii ad soo tooseen oo ad waxbadan oga ateen dib isugu noqda oo waxbadan baa hore idinka khaldanaa sax oo kabaha iyo xabada mid na ha adeegsanina codkiina u hubsada doorashooyinka mustaqbalka oo gacantiina ku ciil baxa, hadii kale jahawereerkaasi iyo kaba ahaasi ayaad wada ad Boorama tagta ad la taagnaan doontan.

Waxan leeyahay kuwa leh reer Gabiley waxbaa loo qabtey oo wey ka badbadinayaa islamarkan dawladan qeyb libaax baa laga siiyay ee maxay rabaan, waxan leeyahay beenta la idin ku maaweeliyo ha noola imanina ee bal qalin iyo warqad isku qaata oo eega bal waxa gabiley la siiyay ee ad ku majiirneysan, midna meesha ku darsada oo ogaada inuu gobolkan yahay gobolkii xisbiga Kulmiye ugu codka uguna taageerada badan xisbiga kulmiye, markaad taa fahamtan ayaad abaalkiisa gudi doontan gobolkan Gabiley, intasi ad wali wax inkireysan wanaag iyo sharafi meesha ma taalo, waxa hubaal ah maanta in ay reer Gabiley ka hooseyan awood qeybsiga dawlada gobolo an cod siin xisbiga kulmiye islamarkan ka soo horjeeday xisbi ga kulmiye, haddii aney garwashiyo jirn ragu ma heshiiyan oo ma isafgartan, laakin haddii la helo garwashiiyo waa la heshi yaa waan la isfahma, waxa ka markhaati ah in an ila hadda la isfahamsaney qoraalada iyo afkaarta qaldan ee lagu durayo reer gabiley ee webebka lagusoo qorayo iyo aflagaadada an micnaha laheyn.

Waxan kusoo gabagabeynayaa qormadeydan gobolkan Gabiley waxbadan buu tirsaneyaa ee ha loo soo gogol fadhiisto oo sidey dawladan ugu liseen ha loogu hanbeyo wixi ay xisbigan gashadeen waa xaqooda helan iyagoon cidkale u daba fadhii san, xaqna wey u leeyihiin sad bursi waayo waa xisbigii ay hiil iyo hooba u hureen, ma yeelayan in gobolo kale oo an waxb a gashan laga soo dhaweysto maanta markii taladii dalkan lagu guuleystay, ma noqoneyaan doqontii Awrkeeda lagu kicsanayey reer gabiley,


Wa bilaahi tawfiq
 

 

 

 

Omar Darood
darood2@hotmail.com