Kulmiye
Oo Beeniyay In UDUB Iyo UCID ay Dhexdhexaadinayaan Garabyada
Kulmiye

Waxan halkan idinkula socodsiinaynaa, in bar yahan ay Website-yada
qaarkood iyo joornaaladuba ay qorayeen in Xisbiga UCID iyo UDUB ay
wadeen inay dhex-dhexaadiyaan xurgufta yar ee Xisbiga KULMIYE
dhexdiisa ah. waxa jirtay keliya
mar ay wada-jir noogu yimaadeen oo ay yidhaahdeen ma idin
dhex-galnaa, waxanu nidhi anaga oo qosleyna; “waad mahadsantihiin
annaga ayaa isku filan”, Faysal wuxuu yidhi; “waan arkaayey
dimuqraadiyada badani Siilaanyow inay dhib la imanayso”.
Waxaan halkan ku cadaynaynaa in ay arrintaasi tahay been aan sal iyo
raad toona lahayn, caqligana aanay geli karin UDUB-baa maslaxad
KULMIYE raadinaysa. waxa kale oo aanu halkan idiinku cadaynayna in
KULMIYE uu hawlihiisa dhammaysanayo wax uu uga baahan yahay UDUB iyo
Qayrkeed toona aysan jirin, wararkaasina ay yihiin waxba kama jiraan.
Waxan mar seddexaad halkan ku cadaynaynaa in aqoonta Siyaasadeed ee
Xisbiga KULMIYE gudde iyo dibedba ay tahay mid ka balaadhan, oo ka
dimuqraadisan UDUB iyo wixii la caanno maala, oo aysan suurta-gal
ahayn in UDUB wax la moodo. waxaanu leenahay kartida ay UDUB iyo
wixii la hal-maalaa ku dhex-dhexaadinayaan KULMIYE, haku qabsadaan
Shirweyneyaashoodii, oo sida KULMIYE oo kale ha sameeyaan tartan
furan oo dimuqraadiya.
Ahmed Mohamed Silaanyo
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye
|