KULMIYE Ma Xisbi Ajanibi Ahbaa Waa Maxay Ma rti qaadkay Doonayaan Inay Ku Xusaan 18 May Xoghayaha UDUB

 

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Taladda dalka haya ee UDUB, Jaamac Yaasiin Faarax, ayaa xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye ku eedeeyay inuu doonayo in uu burburiyo jiritaanka Somaliland, isla markaana uu dabada ku hayo meelo aan la garanayn, isaga oo tilmaamay in xisbigaasi awal ka mid ahaa axsaabta tartamaysa balse uu hadda noqday firfidhiye, maadaama buu yidhi aanu ka qayb galin Munaasibadihii lagu xusayay 18-ka May.

Xoghayaha UDUB Jaamac Yaasiin Faarax, oo shalay ka hadlayay Munaasibad balaadhan oo ay ka qayb galeen Masuuliyiin sare oo ka tirsan Xukuumada Madaxwayne Rayaaale iyo xisbiga UDUB, isla markaana lagu soo dhawaynayay Kooxo dhalinyaro ah oo la sheegay in ay ka soo baxeen Kulmiye oo lagu qabtay Degmadda Alleybaday ee gobolka Gabiley, ayaa waxa kale oo Kulmiye ku eedeeyay in ay xuseen maalmaha 5 iyo 6 oo ka tirsan bisha may oo uu sheegay in aan la garanayn meel ay dabada ku hayaan.

Jaamac Yaasiin Faarax, oo ay tahay markii ugu horeysay ee uu dhinaca galbeedka uga baxo Caasimada Hargeysa tan iyo markii xilkaa loo magacaabay, ayaa waxa kale oo uu sheegay in Xisbiyada Mucaaradka ahi si badheedha ah u diideen in ay ka soo qayb galaan Munaasibadii lagu qabtay qasriga Madaxtooyada ee lagu xusayay 18-ka May, isaga oo arimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi "Xisbiga Kulmiye waxa uu ka mid ahaa Saddexda Xisbi ee Tartamaya, Laakiin waxa uu noqday Firdhiye waxayna Xuseen Taariikho kale oo ay ka mid yihiin 5 iyo May iyo waxa aan lagaranayn, Waxayna diideen in ay ka soo qayb galaan Maalintii waynaynd ee Xuska Qaranimada Somaliland markay Maalintii yidhaahdeen nalaguma marti qaadin ee Habeenimadii lagu Casuumay Xafladii Xaruntii Madaxtoodayada nasiib daro si cad bay u diideen.

Taasina waxa ay ina tusaysaa in ay wax kale dabada ku hayaan, ma ajaanibaa waa maxay Martiqaadkay doonayaan ma ninbaa wadankiisa laga marti qaadaa, ninka leh Gurigaygii ha la igu marti qaado siday u muuqanaysaa?.

Kulmiye wuxuu doonayaa in sifir laga soo bilaabo oo dalkani baaba’o waxaanu ugu ducayneynaa in ILAAHAY soo hadeeyo"

Jaamac Yaasiin Faarax, waxa kale oo uu xusay in Somaliland laga qadariyo dalalka Geeska Afrika, taasina ay ku timid madaxa hogaaminta dalka iskaga dambaysay sida uu sheega, isla markaana aan loo baahnayn in xisbiyada Mucaaradka ahi kaga masuugaan "Waxa aynu Noqonay Umad laga qadariyo Geeska Afrika waxaana taa inoo keenay Hogaamiyayaasha kala danbeeyay ee Wadanka taladiisa gacanta ku dhigay, ee aan inqilaab ku iman oo uu u danbeeyay Kan imika Jooga ee Daahir Rayaale Kaahin, markaa maaha in Xisbiyada Mucaaridka ahi kaga Masuugaan"

 

 



Qarannews