KULMIYE IYO UDUB IYO ODAYGII SEAMAN-KA AHAA !

 

Anagoo fadhina hotel ku yaalla magaalada Bristol, ayaa waxaa kaftamay niman kala  taageer san labada xisbi ee Kulmiye iyo Udub, kuwaasoo mararka qaar uu hadalku meel adag ka gaadh ayey, inkastooy ahaayeen rag is yaqaana oon kaftankaa wax kale u dheerayn.

Waxaa isaguna goobta fadhiyey nin oday ahaa oo Magaalada Bristol deganaa mudo dheer, ka na mid ahaa Seamen-nadii Somaliland ee lixdameeyadii dalka Britain yimid. Cabaar ayuu  dhag aystay nimankii kaftamayey, markaasuu mar danbe Magaciisa ugu yeedhay nin ka mida ah nimankaa kaftamayey oo uu garanayey isagoo ragga intooda badanba garanayey Waxaanu yidhi:Waaryaa Cabdi, labadiinan qolo ee isku xiiqay, qoladiina Kulmiyana mid baan odhanayaa, qolada Udubna mid baan odhanayaa.

Dadkii hotel-ka fadhiyey ayaa iyagoo hadalka odayga u dhag taagaya intahy wada  aamusee n,ninkii odayga ahaa dhankiisa soo wada eegay, isagoo xataa kii shaaha cabayey firiqdii  shaa ha joojiyey waxaanu yidhi: Qolada Udub yaan ku horraynayaaye, Waxaan ka mmid ahaa raggii Seamen-nada ahaa ee Maraakiibta la socon jiray ee badaha in badan mari jiray. Markaa Mara akiibtu marar badan ayay khataro kala kulmi jireen badaha, qaar daga iyo qaar dhaawacma  i yo qaar illaahay aanu waxba yiilinba way lahaayeen. Haddaba markay Maraakiibtu  dhibaata daa la kulanto, ragga Maraakiibtaa la socday waxay ka faalin jireen bahalka jiirka la yidhaa oo Maraakiibta isaguna la socon jiray.

Marka la arko jiirkii Markabka ku jiray oo dusha u soo wada baxay oo waliba Markabkii ka daadanaya, ayaa la garan jiray inuu Markabkaasi degaayo, markaasaa laysku qayshan jiray oo la odhan jiray; waar yaadaheen Markabkii Jiirkii waakaa ka daatay oo wuu degayaaye doonyaha inoo gooya, markaasaa doonyaha la goosan jiray Markabkana laga wada daadan jiray, sidaasaana Markabkaasi ku degi jiray.

Hadaba qolada Udub waxaan leeyahay; waar walaahi maanta Udub jiirkii ayaa ka daadanaya oo raggaa hadda aad leedihiin way ka baxeen Udun, waa raggii sida jiirkaa xagga hoose ku  jir ay.

Qolada Kulmiyana waxaan leeyahay; Waan maanta Illaahay ayaa guushii idin siiyey oo  waata a maalin walba la leeyahay qolaa soo gashaye, waxba hays xiijinina.

Walaw aanan ka mid ahayn raggaa uu odaygu la hadlayey amma halkaa ku kaftamayey, hada na aniga iyo nin kale oo badan oo halkaa fadhiday, waxaanu aad ugu qosollay hadalkaa  oday ga, oo kaftankii meeshaa ka socday soo afjaray aadna moodaysay inuu nimankaa runta u kala sheegay.

 

 

 

 

Abdirizak Ibrahim Koshin (Alpho)