Kulmiye Iyo UCID Oo Hal Xisbi Isku Noqday
By Ibrahim Tallaabo




Distoorka qaranau waxa uu dhigayaa in wadanku yeesho saddex xisbi siyaasadeed oo ku loolama talada dalka si ummaddu u hesho axsaab afkaar kala duwan leh oo ay kala  d oorato.Looguma talo gelin in wadanka lagu hago laba xisbi oo qudha, hadda waxa dalka ka jira hal xisbi oo ah UDUB iyo xisbi aan magaciisa weli la isku raacin oo ah Kulmiyeucid, anigu waxa aan odhan lahaa wadanku xisbi sadexaad ayuu u baahan yahay mar haddii labadii xisbi mucaarid mid keliya noqdeen.

Waxa cadaan ah in labadii xisbi mucaarid mid isku noqdeen wax ay ku kala duwan  yihiin na aanay muuqan,waayo waad aragtaa soo dhoweynta madaxda xisbiyada mucaaradka ah madaxdooda in labadii xisbi si wada jir ah oga qayb qaadanayaan.

Haddaba waxa iswydiin mudan axsaabta mucaaradka ihi ma waxa aanay haysan  taage erayaal ku filan marka mid waliba gaarkiisa madaxdiisa u soo dhoweynayo, oo waxa ay rabaan inay daboolaan taageero la'aanta labada xisbi mucaarad la deriska noqotay,taas oo ku abuurtay hoggaanka axsaabta mucaaradka ah welwel weyn oo ku riday niyad jab inay midkood ku guulaysto doorashada soo socota.

Haddii xaaladoodu tahay taageero la'aan hal xisbi ha isugu tagaan hana isu daayaan  la bad guddoomiye kursiga madaxweynannimada ka kalena ha qaato jagada madaxweyne ku xigeenka.

Sidaa si aan ahayn oo ay kula loolami karaan xisbiga UDUB iima muuqato.

Waxa kale oo cadaan ah tageerayaashii xisbiyada mucaaradka ah ee qof waliba xisbi  ta ageer sanaa waxa ku dhacay jaahwareer ah in qofku taageersanyahay UCID iyo inuu  K ulmiye yahay aanu kala garanayn taas oo taagerayaal badan la arki doono iyaka oo  UD UB isku shubay,waayo UDUB waa xisbi keli u taagan,iskan hor iyo dabo imanayn.


 

 

Ibrahim Duale Suleiman
somaliland44@hotmail.com