KULMIYE IYO UCID: LABA KALA MUDAN DHEH


 


Waa laba shir oo labadaba lagu qabtay hudheelka Ambaasadoor- Kan hore waa shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye ee qabsoomay Bishii March 29-31, 2008 dadka madasha fadhiyeyey waxa kor u dhaafeen todoba boqol oo qof!!

kan dambena waa kan Xisbiga UCID shalay oo bishu ahayd 28 October, 2012 isla hudheelka laf terkiisii lagu qabtay. Akhristoow labada shir mudada u dhaxeysaa waa afar sannadood iyo tod oba bilood! Waa laba dhacdo oo taariikhda saaxadda siyaasadda Jamhuuriyadda Somaliland saamayn xooggan ku yeelandoona oo jiilalka inaga dambeeya ayaa lafa guri.

Bal an dib u raadraacno xaaladihii xisbiga Kulmiye ka dhex aloosnaa sannadihii 2007-2008. Waxa jirey guux iyo dareeno saadaalinaya isbedel xagga hoggaanka ah ka dib markuu xisbigu ku guul darraystay doorashadii madaxtooyada ee sannadkii 2003 iyadoo loo ballansanaa in xisbiga dhexdiisa wejiyo cusubi ka soo baxaan. Muddo ayaa waxa qabsoomiwaayey shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga; mararka qaarkood waxay gaadhay in xataa saami qeybsigii iyo xulistii ergooyinka muran ka dhasho. Madasha markii hore shirka loo cayimay wuxu ahaa Hudheelka Maansoor.

Si kastaba wax ha u dhacaane Shirkii aakhirkii waxa lagu qabtay Hudheelka Ambaasadoor, saami qeybsigii gobolada ee ergooyinka waxa lagu sargooyey qaab Beeleed halkii ay ka ahayd in lagu sargooyo miisaankii codadka xisbigu ka helay gobolada dalka. Bal isku daya in aad dib u milicsataan sawiradii maalmaaha March 29-31, 2008 warbaahintu ka soo tebineysey madasha shirka!!

Waxa xigtay in la qabto shir labaad oo lagu soo dooranayo murashax madaxweyne iyo ku xigeenkiisa; shirkaas wuxu ka dhacay magaala Burco Bishii August 2008. Hal maalin ayuu shirku dib u dhacay oo shirka ka soo duulduulayey hadalo tiiraab iyo hanjebaado isugu jirey oo milga iyo sharafta xisbigaba laf jab ku ahaa! Soomaalida ayaa kuu maamaahda, " NINBAA HABEEN CUDCUR MAGANGOOYO FAR TAAGAY MARKAASA FARTAAG LOO BIXIYEY!!!"

Maalintii doorashada labada murashax oo rag badani quudareynayey, sidii la filayey umay dhicin taas oo sababtay in ay 97 xubnood shirkii ka cadhoodan oo debedda uga baxaan. Odayaal isxilqaamay gurmad ladqabo raggii cadhooday uga dab tage. Intii ergadu dhexdhexaadinta ku maqnayd saa shirkiiba waa lasoo gebgebeeyey; xubnihii cadhooday in le'egna albaabka dambe laga soo geli kaadhadhkii xubinimada oo marka horeba sii diyaar lagu tax!!

Casarkiiba waa idaacaddii BBCda oo labadii dhinac ee is khilaafsanaa midba gaar u wareysaneysa. Hadaladii wasiirka hadda Somaliland u qaabilsan gaashaandhiga waxa ka mid ah.. ".. meessha waxa ka dhacay waxa anshaxa dimuqraadiyada iyo siyaasaddaba ka baxsan.."

Waxa xigay Guddoomiyihii xisbiga ee xiligaa Md. Axmed Maxamed Maxamuud oo isna tacsiyadaynaa raggii meesha ku hungoobay. Madal siyaasadeed oo lagu kala adkaaday natiijada u dambeysaa waa hambalyo iyo isu hannayn ma waxa geedii isu rogtay geeri. IYANA WAXAY AHAYD DHACDO UGABA OON HORE INOO SOO MARIN!!

Halkaa markaan intaa ku dhaafo shalay oo bisha Octoober ahayd 28, 2012 ayaa madashii shirkii hore ee Kulmiye lagu qabtay waxa ku qabsoomay shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka-UCID. Shirku si qurux badan ayuu u qabsoomay; wax murana iyo waxa kala fallaagoobay midna madasha laguma arag. Warbaahintana warar isku lid ah la isuma marin. Intii uu Md. Jamaal Cali Xuseen ku biiray xisbiga UCID waxa ku socday Mudane Faysal Cali dacaayado kagaga imanayey qaar ka mid ah Ururada/Xisbiyad iyo meelo kaleba. Tan u dambeysey ayaa ahayd habeenkii sabtida oo la isla marayey in Faysal Cali ballankii kaga baxay Jamaal Cali Xuseen; Jamaalna ku biirey Ururka Rays. Isagoon cidina qasbin ayuu Faysal hoggaankii xisbiga ku wareejiyey laba aqoonyahan oo da'yar oo mustaqbalka dalkan iyo dadkan rafaadsanba wax wey ka qabandoon.

Haddaba waxa weeye kuwii Faysal baahiya woodhaqda la daba dhutinayoow maantana maxaydun la shir iman? Sidaas ayaa la isugu hanneeyaayey siyaasadda laguma hiiftamo. Sidaas ayey taariikhdu labada xisbi ugu xaqsoor oo labadooda soyaal sidaas ayey u kala mudane yihiin ninkay seektayoow maqal.



Waa taciya ha udunun waaciya

 



Axmed Cali Ibrahiim Sabeyse